Cawar-Xareed wuxu sheegay in $100.000 oo doolar la siiyay, laguna fuliyay operationkii Saameel wasiiro Aya ii keenay bu yidhi wasiirka boqolku heysta xaguu jooga wa in la cadeeya lacagta khasnada laga soo qaaday iyo kiiskaba‏

 


Ramadan kariim aakhristow meel ad joogta ba..waxa runtii qoraalkan igu kalifay markii an saxaafada ku arkey eedeysanihii dilalkii Saameel Cawar Xareed oo maxkamada horteed ka sheegay in la siiyay 100,000 kun oo doolar, islamarkan u ka dhawaajiyay in ay siiyeen wasiiro dawladan maanta jirta ka tirsani Aya horta igu kalifey inaan qalinka iyo warqada isa saaro wa bil ramadan oo la cibaadeysana yo waxan ilaaheyka baryaya inu danbigooda iga dhaafo haddii ay dadka qaar qoraalkeygan dhibsa dan..

Shalay baan warbaahinta ka halacsaday eedeysan yaashii loo heystey dilalkii ka dhacay Saameel iy o burqd ee foosha xuma in la horkeenaysoo maxkamad milatari oo kiiskooda qaadi doonta, wuxu ka mid yahay kiiskani kiisaska shacabku aad iyo aad ugu dhagtaagayeen ee ay marwalba isweydiinay een talow goormuu noqon doona kiiskaasi oo maxkamada la keeni doona eedeysanyaashii loo heys tey kiiskaasi Saameeliyo burqu,

runtii waxay aheyd dhacdo foolxun oo qof wal oo muwaadin Somaliland ahiba aad iyo aad uga damq aday, waxa iyan nasiib daro kale aheyd qaabkii ay dawladu kiiskan u gashey oo meelo badan lagu xidhiidhiyay xatta dawladu gaadhey in ay salaadin iyo odayaal badan usoo xidhxidhay. waxase wax maanta lagu farxo ah in eedeysanyaashii oo caafimaad qaba maxkamad milatarila horkeeney dacw adiina bilaaw maanta tahay, waxa iyan saadaashu sheegeysa in ay eedeysan yaashii oo u hormood ka yahay Cawar Xareed maxkamada horteedii ka sheegay in lasiiyay 100,000 oo doolarka Mareykan ah, islamarkan u yidhi waxa gacanta iga saarey lacagtaasi niman Wasiiro ah oo Dawlada maanta ka tirsan,

inta badan shacabku waxay xaqiiqda ogaadan marka eedeysanyaasha maxkamada la keeno ee dacwadu si rasmiya u furanto, maanta waxa inoo iftiimay anigoo an ka hordhacey dacwada inta yar ee garaadkeygu isiinayo in ay dawladu nambar wan ka tahay maadaama uu sheegay xisaab aad u badan oo lacag ah oo la siiyay eedeysanahn Cawar Xareed oo ay siiyeen niman wasiiro dawladan ka tirsani, Runtii wali fari kama qodna kiiskii oo waxan filaya inu socon doono oo waxbadan soo bixi doonan haddii an halkaasi maanta ba lagu caqbudhin oo an lagu joojin dacwada oo shacabku in badan u oomana xaqiiqdeeda.

Hadddan in yar kahordhaco kiiskan oo an kayara faaloodo waxan aha dadkii inta badan ka hadalay dhacdadani ee laha maaha dhacdo laba beelood ka dhaxeysa ee wa mid ka abaalul sareysa oo meelo kale laga soo maleegay ama lagasoo abaabuley oo an aheyn runtii labadan beelood ee lagu shaanbadeynayo, runtii wa dabanida ay dawladuhu isticmaalan islamarkan ay ku bixiyaan kharashyada badan taaso ay uga dan leeyihiin in ay ku mashquuliyaan shacabkooda si aney u dareemin maamulka dawladnimo ee dalkaasi ka jira waxey dawladu isku mashquulisa shacabka oo ay fooda isu galisa ama jahawareerku rida oo ay kala dhex dhigta dilal,colaad iyo dacaayadood kharash badan lagu bixiyo islamarkan lo adeegsado wasiiro, afmiishaaro iwm. Sida ad la wada socoteen waxa dhacdadan loo xidhey oo xabsi loogu taxaaba salaadin, waxgarad iyo haldoor badan oo kasoo jeeda beesha Sacad musa la xidhxidhay taaso beesha Samaroon lagu qancineyo in ay beesha Sacad Musa runtii waxanu u arkeyney xadhigaasi salaadinta iyo aqoonyahanada Sacad Musa mid nasiib daro kale ah oo labada beelood la doonayo in dhexdooda laga abuuro amaan daro iyo kala shaki arintaasina dawladu wey ku fashilantey oo labadii beelood ba wey fahmeyn sida wax u socodan in aney aheyn wadadii saxda aheyd ee kiiskan lagu baadhi laha cidii geysatey cadaalada la hore keeni laha

Waxan maanta u sheegaya dhamaan shacabka Somaliland in aney beelina nin ka dhashey siinin lacag dhan boqol kun oo aney odhaneyn dadkuso la’aa oo lacagtaasi qaado, waxan u arka sida ay dacwadu usocoto in ay tan tahay mid dawladu ka danbeysey maadaama uu eedeysanihi sheegay in lacag boqol kun ah gacanta wasiiro uga dhiibeen, wasiirku beeshu doono ha ku abtirsadeed wa wasiir u shaqeya dawlada oo khasnadii dawlada kaso qaaday lacagtaasi operationka lagu fuliyay ishalle waxwalba horteen ayeey Iman doona mustaqbalka dhawo

waxa kaloonu dawlada ka codsaneyna in dhacdadii kale ee foosha xumeyd ee ciidamda buleysku wargeyska HUBAAL hubka ula galeen iyadan maxkamada sida ugu dhakhso ah badan loo keena askarigii weerarka arxan dari daha kuso qaaday wargeyska iyo maamulayaashiisa taasin wa dhacdo kale oo cadaalada laga sugayo in la hor keeno ragii ciidamada aha ee hubka qaranka ku weerarey saxaafada madaxa banaan..



Guul baan u rajeynaya dhamaan shacabka Somaliland meel ay joogan ba waxan leeyahay ramadan kariim




Wa bilaahi tawfiq
Omar Darood Hassan
Norway