Casriga iyo
Hayaanka Nolosha - Sinnaan iyo socosho
Beri buu nin odey ahi wiil uu dhalay reerkiisii kaga tegay. Markii
ay muddo ka soo wareegtay tegitaankii odeyga ayey beeshii uu reerku
la yaalay go’aansatay in ay doog u hayaanto. Inankii reerkoodii waa
uu ka reebay hayaankii isaga oo ka cabsaday in uu aabbihii geeddiga
aanu la ogeyn ku canaanto. Markii uu odeygii soo noqday ayaa waxa uu
inankii ku yidhi, “Waar maxaad reerka u doograacin weyday ee aad
abaarta ugu reebtay?” Inankii ayaa jawaab degdeg ah aabbihii siiyey
oo yidhi, “Aabbo, canaan-ka-yaab reer ma doojo!”.
“Canaan-ka-yaab reer ma doojo” maalintaas ka dib waxa ay noqotay
maahmaah caan ah oo loo cuskado marka qof talo ama arrin ku habboon
loo soo bandhigo, hase yeesho ee aanu wax madaxbannaani ah u haysan
arrintaas in uu ku dhaqaaqo iyada oo ay sababtu tahay cid talada uga
weyn oo aanu dhaafi karini in ay jirto.
Canaan-ka-yaabku maanta dadkeenna waa uu ku badan yahay, meel
kastana waa uu taagan yahay. Laakiin waxa jira mid kale oo aan
malaha inta badan la xasuusan. Waa “aqoon-ka-yaab”. Waa mid ka
baqaya in ay aqoontu dhibaato u geysato ama waxa uu garanayo, si ay
talo ka tahayba, aan faa’iido ka soo saarayn. Waxaad maqli kartaa,
tusaale ahaan, iyada oo la leeyahay mararka qaarkood nimanka meel
heblaayo haystaa dadka aqoonta sare leh ma shaqaalaysiiyaan, waayo
waxay is-leeyihiin hadhow ayey meesha idinkula tartami doonaan.
Aqoon-ka-yaabnimadu waxay gaadhaa heer ay dadku ka didaan aragtiyaha
iyo farsamooyinka casriga ah ee laga yaabi lahaa in ay nolosha wax
badan oo fiican ku soo kordhin lahaayeen. Taasina ma aha mid layaab
leh ee waa dabeedda aadamiga. Waxaynu taariikhda ku haynaa dadkii
waxyaalaha cusub nolosha ku soo kordhiyey waqtigoodii in laga hor
yimid ama la dhibaateeyeyba. Laakiin markii ay dadkaas qaar ka mid
ahi aragtiyahoodii ku adkaysteen waxtarna ka soo saareen waxa markii
dambe aad ugu faa’iday isla kuwii diiddanaa oo ahaa dadweynaha
laftooda. Iyada oo ay sidaa tahay haddana fikraduhu isku mid ma aha
oo qaarbaa wanaag keena qaarna dhib ama khasaare ayaa laga dhexlaa.
Kala garashada labadaasina waa waxa malaha casrigan maanta ah loo
yaqaan “sirta nolosha”.
Horumarka iyo wax-wada-qabsiga aynu maanta dalal badan ku aragno
waxa ka horreeyey saboolnimo, jaahilnimo iyo dhibaatooyin badan oo
aan tirsi lahaan jirin. Waxase laga baxay ka dib markii laga gudbay
falal badan oo badownimo ahaa, si simanna wax loo qaybsaday.
Wanaaggii ay markaa gaadheen tiirka ugu weyn ee uu ilaa maanta ku
taagan yahay waa tiirka sinnaanta. Bal hadda aynu yar akhrinno
beydadkan aan ka soo saaray gabay dheeraa oo uu, Alle ha u
naxariistee, xilligiisii Cabdillaahi Suldaan
Maxamed (Timacadde) tiriyey:
“Raggan samada kala qaybsadee ganay sawaariikhda,
Qarammadan sardamayaa marbay sabadka jiifeene,
Seef iyo mar bay wada lahayd siiqii qaansada e’,
Saboolnimada soo wada mutiyo suunka gaajada e’,
Dadku hadduu sinnaan wax u qaybsado Daahirow socoye,
Subaggii cilmiga laga luleey sare u heensheene.”
Haddaba weydiintu waxa weeyi, goorma ayaa si ay sinnaani ku jirto
wax loo wada qabsan ka raa loona wada noolaan karaa? Jawaabta oo
koobani waa marka garashada qabasho lagu dar o. Dadka badankiisu waa
uu kala garanayaa waxa fiican iyo waxa kale, hase yeesho ee waxa
fiican in la qabto ama la qabatimo ayaa adag.
Aqoonyahan shisheeye ah oo mar xidhiidhka aqoonta iyo farxadda ka
dhexeeya wax ka qoray ayaa labada arrimood ee kala ah “garasho” iyo
“qabasho” mar uu ka hadlayey tusaale u soo qaatay dadka xanuunka
macaanka loo yaqaan qaba. Waxa uu sheegay in qofka macaanka qaba ay
farxaddiisu ku jirto isaga oo cuna cuntooyinka aan sonkorta lahayn.
Haddii uu ka murugoodo in uu awoodi waayey in uu sida dadka kale ee
aan xanuunkaas lahayn cuntooyinka sonkorta leh qaato waa u
macnadarro. Haddii uu wax sonkor leh cuno dhib ayuu dareemayaa.
Laakiin dhibta as nasiibkiisu ma uu keenin ee ficilkiisa ayaa keenay.
In uu qofka xanuunkaa qabaa garto in aanay waxyaalaha macmacaani u
fiicnayni waa heer. In arrintaa uu gartay uu ku dhaqaaqaana waa heer
kale. Labada heer waxa u dhexaysa meel ban naan (Gap). Meeshaas
bannaan in labada heer laga dhex saaraa waxa ay u baahan tahay buu
aqoonyahankaasi leeyahay iyada oo aqoontii (wixii la gartay) qabasho
lagu daro.
Maanta waynu wada garanaynaa in caddaalad darradu aanay fiicnayn, in
uu musuqmaasuqu dilaa qarsoon yahay iyo in ay daacadnimada,
wadajirka dadkeenna iyo danaha guud oo la ilaali yaa ay wanaagsan
yihiin. Laakiin garashadaa in aynu qabashadii ku darno ayaa la
inooga baah an yahay. Waan ogahay in aynu wax badan garannay
qabashana ku darnay, hase yeesho ee arrimo iyo hawlo badan ayaa
haddana ina sugaya.
Muhimaddu waxa weeyi in aynu hayaanka nolosha, sinnaanta iyo
daacadnimada hore u sii wad no si aynu wanaagga u sii badino.
Martin Luther king ayaa waxa uu yidhi, “ Haddii aanad duuli karaynin
orod, haddii aanad ordi ka raynin soco, haddii aanad socon karaynina
guurguuro. Wax kasta oo aad qabataba waa in aad mar walba ku
dadaashaa in aad hore u dhaqaaqdo.” Waa sidaas. Waa in aynu hore u
soconnaa oo aynu hayaanka hore u wadnaa. Ma aha in innaga oo joogna
2012 xilli ay aqoontii iyo aqoond arradii kala caddaadeen aynu u
fikirno sidii dadkii beri fog noolaa oo aynu dabadeed qarnigeenna
marti u noqonno.
|