Casho sharaf lagu soo daweynayey Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo London ka dhacday.

 


London (TNN)-Xaflad si wanaagsan loo soo abaabulay oo lagu soo dhaweynayo Wasiirka  C usub ee Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Mohamed Cabdillaahi Omar ayaa lagu qabtay  galb eedka Magaalada London Isniintii 09.08.2010.

Xafladdaa oo ay soo abaabuleen British-Somalilanders ku nool dalkan Ingiriiska waxaa ka  s oo qayb galay , ururada Qurbajooga Somaliland ee Ingiriiska , Waxgarad iyo Bulsho aad u  b adan. Ujeedada Xafladdaas oo ahayd dabbaal deg doorashadii wanaagsanayd ee dhawaan sida xaragada leh ugu dhacday Somaliland iyo is xogogaal waraysi maadaama uu Wasiirku ahaa Qurbajooga Somaliland ee ku nool dalkan Ingiriiska Gaar ahaan Magaaladan London  m arkii hore.

Hadal soo dhaweyna waxaa xafladdaa ku furay Axmed Cadare oo ah dadka sida weyn ugu ololeeya qadiyadda Somaliland xag siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba. Waxaa kale oo kalkaa ka hadlay Gudoomiyaha urur Jaaliyadeedka Somaliland SSE ee Europe Md. Cabdiraxmaan  C abdillaahi Jibriil (Awliyo) oo ka hadlay doorka Qubajooga Somaliland ka ciyaaro Horumarinta iyo halgan siyaasadeed ee Somaliland. Waxaa kale oo halkaa ka hadashay Marwo: Lulu  Fa rax Gudoomiyaha ururka SIRAG UK oo Wasiirka iyo xukuumadda Cusubba ku guubaabisay sidii talaabooyin cusub oo xagga dhaqaalaha dalka wax laga qabanayo ay dawladda cusubi ula iman lahayd .

Waxaa kale oo halkaa ka halay Madax badan oo ka socotay uruada Somaliland oo hambalyo iyo waanaba u soo jeediyey Wasiirka cusub iyo Xukuumadaba.

Dhammaan waxgaradkii reer Somaliland ee Casho sharaftaa ka soo qayb galay waxay isku raaceen in la badalo qaabkii xukuumaddii hore u raadin jirtay ictiraafka dalka iyo  Horuma ri nta dhaqaalaha , waxaana Wasiirka iyo Xukuumadda cusubba loo soo gudbiyey fariin gaara in Dawladda cusubi ahmiyadda ugu weyn ay siiso horumarinta xagga dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka .

Kadib waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland Dr. Mohamed , waxaa nu si weyn ugu mahad naqay qaybtii weyneyd ee qurbajoogu ka soo qaateen doorashadii sida wanaagsan dalka ugu qabsoontay. Wuxuu Wasiirku ka waramay sida ay durtadiiba u dajiyeen qorshe cusub oo Xukuumadda Cusubi ugu talo gashay inay ku hawl gasho gaar  a haan xagga horumarinta dhaqaalaha .

Waxay xafladdaasi ahayd mid kulmisay dhammaan qorbajoogii ka soo qayb galay  doorash adii Somaliland iyo kuwan joogay Europe oo si farxadi ku jirto lays kugu xogogaal  wareyst ay.



London : Isniin 09.08.2010
Axmed kadleye : Ahmed-kadleye@live.co.uk