Carwada Adeega Cusub ee ZAAD SERVICE oo  La ga Furay Hutel Askar ee Magaalda Gabiley

 

Gabiley (Longlivesomaliland News)- Shirkada isgaadhsiinta ugu wayn  Somalila nd ee Telesom ayaa shalay Gabiley soo gaadhsiisay carwooyinka lagu  daah furayo adeega cusub ee Zaad Service, xafladaasi oo lagu qabtay huteel Askar ee magaalada Gabiley ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sheikh Aadan, Gudoomiyaha Golaha Deegaanka, Madaxda qaybaha kala duwan ee shirkada Telesom, Taliyaha Qaybta Gobolka Gabiley Maxamed Faarah, ganacsato culimo, dhalinyar iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley oo munaasibadaasi kala soo  qayb  gal ay madaxda shirkada Telesom ayaa ku amaanay barnaamijkan Zaad inuu  yah ay barnaamij wax badan ka badali doona dhaqaalaha wadanka guud ahaan iyo sidoo kale inuu Zaad yahay arin ku cusub dunida oo dhan maamul ahaana ay soo dhawanaynayaan cidkasta oo soo kordhinaysa fikrado cusub.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka Aadan Muxumed Badde ayaa sheegay in ay haboon tahay qofkasta oo umada waxkusoo kordhiya la sheego laguna  taag eero hamiga uu qofkaasi xambaarsan yahay. Dhinaca kale gudoomiyuhu  wux uu sheegay in barnaamijyada hormarinta ee gobolka ka socda laga wada  qay bqaato. Gudoomiyuhu wuxu ugu baaqay dadka reer Gabiley inay ilaashadaan nabadgalyada oo ay iska ilaaliyaan dhinacna uga soo wada jeestaan wixii  nab adgalyadooda wax u dhimaya, hadaanay nabadgalyo jirina inaan horumar  jir ayn.



Maareeyaha shirkada Telesom qaybta Gabiley Xaashi Aw Jaamac Aamin oo  xa fladaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn uga mahad celiyay marti sharafta faraha badan ee soo ajiibtay martiqaadkii ay u geeyeen, iyo sidoo kale waxaa uu maareeyuhu ka sheekeeyay taariikhdii kala duduwanayd ee ay shirkada  Te lesom qaybta gabiley soo martay isagoo sheegay inay shirkada Telesom kaalin libaax kaga jirto horumarka Gobolka iyo guud ahaan dalkaba.

Xaashi aw Jaamac waxaa kale oo uu xusay in shirkada telesom maanta  Gobol ka Gabiley u wado barnaamij aduunka ku cusub, oo Somaliland ku cusub, oo go bolka Gabiley ku cusub u wado, barnaamijkaasi oo layidhaahdo Zaad Service. Zaad Service oo ka dhigan lacagtaadii oo aad ku kaydsanayso mobilekaaga, ood wax ku iibsanayso, waxna aad ku diranayso.

Maareeyaha shirkada qaybta Gabiley mudane Xaashi aw Jaamac sidoo kale waxaa uu ka waramay in shirkada Telesom ayna ku koobnayn oo kaliyaata adeegyada ay bulshada u fuliso ee sidoo kale ay ka qaybqaadato horumarinta arimaha bulshada isagoo xusay in shirkadu laydh bilaasha u shido goobo faro badan oo ka mid ah goobaha danta guud sida Masaajidada, Saldhigyada, agoomaha, Cusbitaalada iyo Goobaha Danta Guud oo dhan.


Gudoomiyaha Xidhiidhka dadwaynaha ee shirkada Telesom oo isna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay kasoo qaybgalayaasha xafladaasi Furitaanka Zaad ee Gobolka Gabiley.

“Zaad waa adeeg cusub oo aanu kusoo kordhinay mobileka Telesom, oo qofku isagoon Mobilekiisii badalin, numberkiisii badalin, waa adeeg hadana u sahlaya inuu qofku ku kaydsado lacag, waxku iibsado lacagtaa, iyo sidoo kale inuu lacagta ku xawisho, waa sadexdaa u jeedo oo midkastaana qaybeheeda kala duwan sii leedahay ayuu adeegani inoo fulinayaa. Waxaynu nahay shirkadii shanaad ee adeegan hirgalisay aduunka. Adeegani waa adeeg cusub oo duni xagiisa u socoto”.

Maxamed isaaq waxaa uu sheegay in adeegan nabadgalyadiisa ay ka masuul tahay shirkada Telesom iyo sidoo kale inaanu qofna ka lumayn lacagta uu ku kaydsado iyadoo la mariyay talabooyin faro badan oo ku saabsan dhinaca nabadgalyada.

Maxamed isaaq mar uu ka waramayay faa,idooyin uu Zaad Service leeyahay waxaa uu yidhi “Faa,idooyinka uu leeyahay adeega Zaad waxaa ka mid ah tusaale ahaan iskuulaynu ka bixinaa caruurteena iyagoo hargaysa ama  boor ame jooga, waxaad kaga raysanaysaa inaad lacag u xawisho ilamaaga.  Mobile kiisa ayaad ugu diraysaa lacagtii isagoo galaaska ku jirana wuu u xawilayaa jaamacadii lacagtii fiiga ee laga qaadayay markaa uma baahanaysid inaad xawaalad tagto oo aad wakhti badan ku lumiso”

Maamulaha Qaybta Zaad ee Shirkada Telesom C/raxmaan Aadan Shire ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay muhiimada adeegani u leehay bulshada reer Somaliland iyo sidoo kale in adeegani yahay bushaaro usoo korodhay  Somal iland.

C/raxmaan Aadan waxaa uu ka waramay in shirkada Telesom maalinkasta dadka isticmaala adeegyadeeda u soo gudbiso adeeg cusub kuwaasi oo runtii uu markasta qaababka dunida laga isticmaalo buu yidhi madaxa adeega zaad ee shirkada telesom aanu soo gaadhsiino macaamiishayada. Macaamiisha telesomna ay noqdaan macaamiil isticmaala buu yidhi adeegii ugu danbeeyay ee lagu soo kordhiyay tignoojiyada dunida.

Shirkada Teleom waa shirkadii ugu horaysay ee dad afrikaan ahi leeyihiin ee fulisa ama isticmaasha adeega Zaad service. Adeeganina waxaa uu kuu suurto galinayaa inaad adigoo xafiiskaaga, gurigaaga ama meeshaada iska fadhiya aad iska bixin karto biilalkii laga doonayay.

Maamulaha adeega Zaad ee Shirkada Telesom waxaa uu si faahfaahsan uga sheekeeyay sida loo isticmaalayo adeegan isagoo sharaxaad dheer ka bixiyaya dhinackasta oo adeegani qabano iyo sida loola tacaalayo hadii wax dhib ah laga kulmo iyo sida oo kela amniga lacagta qofku ku kaydsado sida loogu ilaalinayo.

Waxaa kale oo xafladaasi ka hadlay Musheekhda Gobolka, Ganacsato, Odayaal
Iyo dhalinyaro oo dhamaantood soo dhaweeyay adeegan cusub tilmaamayna inuu muhiimad balaadhan u leeyahay bulshada iyo horumarka umada, iyagoo sheegay inuu fududayn doono hawlo farobadan oo markii hore aan la qaban kareen adeegan la,aantii.

Shirkada Telesoma ayaa baryahan ugu danbeeyay maalinba maalinta ka  danb aysa sii kordhinaysa casriyaynta adeegyada ay bulshada u qabato iyadoo shirkadu markasta samaysa tababaro iyo carwooyin dadka lagu baro  adeeg yada ay shirkadu soo kordhiso. Adeegan ZAADna waa kii ugu muhiimsanaa uguna casrisanaa ee shirkagu soo kordhiso intii ay jirtay.



Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland