Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Oo Maanta Dhegaxdhigtey Qaybtii Seddexaad Ee Xarunta Daryeelka Darbijiifka Somaliland………………..

 



 

Hargeysa (TNN)-Dhismahani ay maanta dhagaxdhigtey wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadu waa qayb ugaara hablaha waxaana dhismaha hoolkani ugaarka ah hablaha hirgellindoona Wasaarada Sh aqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland.,taasi oo laga hirgellindoono xaruntani.

Wasiir Ilhaan Maxamed Jaamac oo ay Wahelineyso Madaxa xuquuqda caruurta iyo haweenka ee  X aruntani Marwo Luul Xasan Mataan ayaa Maanta Si rasmi ah udhaxdhigtey dhismahani ugaarka ah hablaha.

Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ugu horeyn kahadashey goobtaasi saaka ayaa tidhi{Xaruntani waa mid loogu tallo galley caruurta darbijiifka ah waxaana suurta galisey in ladhiso dawlada iyo bulshada somalilad oo iskaashanaaya,Dhulka waxaa bixisey dawlada hoose ,waxaana qaybta seddexaad ee aynu maanta dhagaxdhigeyno hirgelisey oo dhiseysa Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha bulshada Somaliland oo iyana qaybteeda kaqaadaneysa xaruntani loodhisaayo caruurta darbijiifka ah}..

Wasiirka oo hadalkeeda siiwadataa waxay tidhgi{Wixii kalena waxaanu lakaashaneynaa  bulshadee na Somaliland gudo iyo dibadba waxaanan maanta rajeynayaa in caruurtaa yaryar ee aan heysan miciinka iyo hoyga toona ee dhaxamaha dhacaaya taagan gidaarada in ay xaruntani unoqondoonto mid daryeesha ,Wasaarad ahaana anaga xilgaara ayaanaga saaran caruurtaasi oo wasaaradu  wa xay xilkasaaran yahey dhamaan arimaha bulshada ,caruurtaa darbijiika ahna anaga xil dheeraad ayaanagasaaran waxana isha Allah aanu xooga saari doonaa sidii caruurtaa yar yar ee dhaxama taagan aanu uxareyn laheyn.waxaana hadda sugeynaa marka uu dhamaado hoolkaa aan maanta dhagaxdhigeynaa oo noo hadhsan agabkii kalla duwanaa ee ladhigalahaa xaruntani waxanan ku  raj aweynahey isha Allah in maalinta hoolkaasi dhamaado aanu caruurtii xareyno}

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland waxay sheegtey in xaruntani aynoqon doonto  m id hoosimandoonta dawlada Somaliland,waxaana caruurta soo xareynaaya oo heynaaya oo  ilaalina yaana waxaynoqoneysaa dawlada Somaliland.

Oo aanuw aasarad ahaan uqaabilsanahey,waxaana isha Allah kudadaalidoonaa sidii ay xaruntani  u noqon laheyd mid caruurta daryeesha waxaan lakaashandoonaa hayadaha caalamiga ah iyo  bulsha weynta Somaliland.


Madaxa Xuquuqda Caruurta iyo haweenka ee Xarunta daryeelka darbijiifka Somaliland Marwo Luul Xasan Mataan oo ugu iyana munaasibadaasi dhagaxdhiga saaka kahadashey ayaa waxay tidhi  {m aanta waxaynu dhagax dhigeynaa qaybtii seddexaad ee loogu tallo galley caruurta darbijiif ah  kuw aaso oo aanu muddo dheer dadaal ugu jirney sidii loogu helli lahaa goob lagu daryeelo si ay ugu  mi dnoqdaan dadka caadiga ah ,alxadulilaah maanta waxaan gaadhneybaa odhankaraa guul waxanan hada ku rajo weynahey in isha Allah ay soo gabo gaboobi doonto} .

Marwo Luul Waxay Intaasi kudartey{Xaruntani waxaa mid u heelindoonta caruurta yar yare e darb ijiifka ah ee aan laheyn hoyga waxayna naqondoontaa xarun ay caruurtu kahesho dhamaan  waxya abihii lagama maarmaanka u ahaa nolasha,Sida Biyihii,Caafmaadkii,Waxbarashdii iyo IWM,Waxana rajayneynaa in caruur badan oo gidaarada ay dhaxantu ku heyso ay unoqondoonto hoy,waxayna kamid noqondoonaa caruur badan oo aanu gacanta ku heyndoono isha Allah sida kuwa aanu geyney SOS.Sheekh.

Marwo Luul Xasan Mataan waxay umahad naqdey Dawlada Somaliland oo bixisey dhulka laga  hirgelli n doono xarunta daryeelka darbijiifka Somaliland,Sidoo kale waxay luul umahad naqdey Shirkada  Ca alamiga ah ee Dahabshiil oo ay xustey iney qaybta ugu badan ee xaruntani ay iyadu  dhismayaa sheeda hirgallisey kagana baxdey lacag ku dhaw 45000 oo Dollar.Waxaa gabo gabadii Marwo luul umaha naqdey Shirkada Telesom iyo Shirkada MSG{Maxamed Aw Siciid}oo qaybta labaad ee  dhisma hani iska kaashadey oo hirgeliyey.

Marwo luul Xasan Mataan waxay gaba gabadii ugu Baaqdey bulshaweynta Somalilnd Iney U  Gurma daan Caruurta yar yare e darbijiifka ah wixii karaankkoda ahna ay kalla qayb qataan Xaruntani oo hadda Gabbo Gabo Ku Dhaw.

Xarunta Daryeelka Darbijiifka Somaliland oo mudadii ugu dambeysayba dhismayaasheeda agcanta lagu hayey ayaa hadda ku dhaw gabo gabo.





Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland