Carabtu waxay tidhaahda hadalada habeenkii wax ka soo qa ad ma la ha inta badan waa sanifaad iwm, kalaamu leyl ma yasiir

 



Runtii waa nasiib daro aflagaadada iyo hanjabada iyo qeylo dhaanta an bid hore inoo soo mari e maanta inoo kowsatey e madaxweyne sidaa u ceytama saqdii dhexe e habeennimo, maxa u diiday inuu waagu inta u baryayo uu dulqaad yeesho dadkuna tooseyaan.

Inta badan dadku waxay xiliyadaasi danbe usoo kacan salaatul leyl iyo alle bari iyo alle ka cabsi, waxase ila hada caqliga shacabka somaliland qaadan la' yahay sababta kaliftey madaxweynaha inuu shirjaraaiid qabto goortaasi dadka intiisa badani hurudo.


Dadbadani waxay ku micneyneyaan madaxweynuhu in anu aheyn nin u bisil dulqaadka oo marwalba go'casho badan islamarkan ey ku yartahay awooda binu aadmigu isu kantrooli karo ama nink mas'uulka ihi,runtiina waan qodob la odhan karo dadku kamey fiirsan fudeydka madaxweynuhu leeyahay taasan maanta lafjab bey ku tahey shacabkii codka siiyay ee moodayay mas'uul u bisil xilka loo igmaneyo.

Dadbadan oo kalena waxay leeyihiin siilaanayo habeenkii wuu hadal badan yahay oo waxa laga yaabaa inuu iska hadrayo oo ey mikirfoonka hoos dhigeen, waxay arabtuna tidhaahda KALAAMUL LEYL MA YASIIR, taaso oo macnaheedu tahay hadalada habeenkii ee saqdaxe la isyidhaahda ma socda barqadii, sababto ah hadaladaasi waxa waheliya mukhaadarada iyo sheydan, runtii dadkuna waqtiyadaasi hadalado inta badan wey ka soo dhacan iyagoon is ogeyn marxalada ay ku jiran, waana xaaladaha aynu u naqaano SANIFAADA EE SHEYDANKU KA MAS'UULK YAHAY

Baryahan waatii warbaahintu caafimaadkiisa ka warameysey iyo xaaladaha u hada kusugan yahay MADAXWEYNUHU, runtiina waxa ka marag kaceysa in aney xaaladiisu ANEY caadi aheyn shirkan jaraa'iid ee u saqda dhexe la soo sara kacey dadkii oo intii badaneyd hurdo iyo hadalada deelqaafka ah ee uu kula dul dhacey mas'uuliyinta xisbiyada mucaaridka ee uu shakhsiyadoodi aflagaadeyay.

Inbadan baad saxaafada ku aragteen xisbiga UCID oo ku eedeynay ama ku andacooney khilaafkii soo dhexgaley madaxda
sare ee UCID inuu aabo u ahaa madaxweyne siilaanayo, taasina waxa ka marag kaceysa cadhadan iyo naceybka shakhsiyeed
ee uu gudoomiyaha xisbiga UCID u qabo.

Madaxweynuhu wuxu Faysal ku eedeyay xadhigii dhalintii UFO, mudo laga joogo sadex bilood ka hore
ayaa la wareystey qaar ka mid ah ama kuwi ugu xadhiga dheer dhalintaasi uffo oo si cad u sheegay in anu
wax lug ah ku laheyn Faysal xadhigoodii, taasina waxay ka markhati kaceysa in anu odaygu saxaafad
iyo warbaahinta waxba kala socon o ey wali ku qufulantahay been abuurkii iyo malawaalkii an jirin ee lagu
eedeyney gud. Faysal taasina runtii waa nasiib daro inuu madaxweynuhu u dhaqmo sidii rakaabkiisa an aqoonta
xuma.


Waxan leeyahay madaxweynaha ama saqdhexe hurdada ka soo kaca ama sanifaad kusoo toos gudomiye Faysal marna
hanjabad iyo cago jugleyn waxba kama badaleyso mawqifkiisi ahaa inuu dalkiisa badbaadiyo.

Waxan kusoo gabagabeynayaa qormadan ALLAHEYOW NIN DAACADA AH ALLAHEYOW NIN DAALIN AH DEEQDAADA HA U SIMIN
 

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway