WAR-SAXAAFADEED

 

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأف

_______________________________________________________________________

REF: SUM: 2030 16/11/2013


UJeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Oo Ku Saabsan Cunsuriyadda Lagula Kacay Wariye Sic iid- Maazim Axmed Cawaale

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelku Waxaa uu War-Saxaafadeedkan COD DHEER Shacbiweyna ha Reer Somaliland Ugu Sheegayaa In Guul Caalamiya Xisbiga Ucid Ka Soo Hooyey Shirkii Ca alamiga Ahaa Ee Ka Dhacey Dalka Turkiga Ee Ay Isugu Imanayeen International Socialist ama (Xisbiyada Hanti Wadaaga Caalamka )

Shirkaas Oo Lagu Casuumey Xisbiga Ucid Oo Kaliya Somaliland Ayaa Hadana Magaca Xisbig a Ucid Uu Kaga Qaybgaley Shirka Caalamiga Ah Ayaa Ahaa XISBIGA CADAALADA IYO DARY EELKA EE SOMALILAND.Taas Oo Shirka Aad Ka Dhex Arkeysey Magaca Somaliland

Hadaba Waxaa Wax lala Yaabo Oo Laga Yiq Yiqsoodo Ah In Warkii Guusha Qaran Ahaa Ee Ay Aheyd In T.vga Qaranku Leeyahey U Soo Gudbiyo Bulshada Reer Somaliland Uu Maamul ka Wasaaradu Warfaafintu Kala Hortago Wariyihii Warkaa Soo Duubey Cabudhin iyo Cago Jugleyn,Iyada Oo Lagu Eedeynayo Maxaad U Soo Duubtey Guusha Mucaaradku U Soo Hooy ey Qaranka Somaliland

Mana Aha Markii Ugu Horeysey Ee T.ga Qaranka Iyo Radio Hargeysa uu Ku Kaco Falkan Noo can Oo Kale Ah,Waxay Aheyd Sanadkan Horaantiisii markiii Musharaxa jagada Madexwayn e Ee Xisbiga UCID mudane Jamaal Cali Xuseen uu ka qayb galay Shir ama Kulan Lagu Casuu mey Oo Ay Isugu Imanayeen Dalka Maraykanka Ee Cariga Minnesota (barlamentery iyo Senator’ska )

Isaga Oo 169 mudane Halkaa Kula Kulmey isla Markaana Musharaxu Ka Jeediyey Khudbad Taariikhiya Oo Soo Jeedisey Indhaha Caalamka, taas oo Aheyd Guul taariikhiya oo u Soo hoyatay Bulshada Reer Somaliland oo ay ahayd in loo soo Tebiyo Shacbigeena, Calamkana aan ka iibino laakiin nasiib daro warka waxaa la Dhigey Hoosta Oo Waa La Qariyey

Waxaas Oo dhami Waxay Cadeynayaan In Xukuumada iYo Wasaaradda Warfaafintu Ay Ka la Garan la,dahey Baahinta Qaranimada Somaliland Iyo Dagaalka Ay Kula Jirto Mucaaradka

Hadaba isaga oo aynu ognahay in t.vga Qaranku oo ka Miisaaaniyad badan yahay Afar W asaaradood oo qaranku leeyahay ayaa hadana waxa wax lala yaabo ah in Masuuliiyinta Tv-ga qaranku ay u dhaqmaan si ka baxsan milgaha iyo sharafta uu leeyahay Xilka ay dad weynaha reer Somaliland ugu magacaaban yihiin Taas oo aynu Og nahay in Eexda iyo Shar afta kala Saraysiinta Wararka Ee Axsaabta Mucaaridka ah iyo kuwa Xukuumadda ay Caad aysteen cid kastaaba og tahay,

waxana taas u Daliil ah in Shirarka Jaraa’id iyo Barnaamijyada labada Xisbi qaran ee Mucaa ridka ah ee UCID iyo Waddani ay wax iska caadi ah ka tahay in aan Tv-ga Qaranka laga soo daynin ama hoosta la dhigo inta ay waliba ka soo duubaan

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Uu Marlabaad Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Wasaaradda Warfaafintu Kula Kacdey Wariyaha Siciid-Maazim Oo Ah Muwaadin Bilad Shar af Mudan isla Markaana Aan Gayin Arimaha Fadeexada Ah Ee Wasaaradda Warfaafintu Kula Dul Kuftey





OGHAYAH WARFAAFINTA EE XISBIGA UCID

YUUSUF KAYSE ALL/AHI


Alaa Mahad Leh