CANBAARAYN TACADIYADA XUKUUMADDA KULMIYE
 


Aniga oo ah Axmed Cali Ibrahim kuna hadlaya magaca xubnaha Guddiga xisbiga UCID ee dalka Kanada waxan halkana ka canbaareynayaa Xukuumadda dalka Somaliland iyo xisbiga Kulmiye ka dib markay saaka jidgooyo siyaasadaysan dhigteen Tuulada Caabudla ee Gabiley iyo Harge ysa u dhaxaysa halkaana ku horjoogsatey Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Md. Jam aal Cali Xuseen, Marwo Faadumo Siciid iyo wefti ay hoggaaminayeen oo hawl Xisbi ku tegi laha magaalada Gabiley.

Hab dhaqankan ayaa ah mid ka arradan nidaamka xisbiyada badan ee distoorkeenu sida cad u qeexan; waa nidaam ka arradan qawaaniinta caalamka laga dhaqmo; waa nidaam liddi ku ah abuurta ibnu Aaadamka Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa karaameeyey; waa nidaam buri ku ah sharafta iyo karaamada qaranka Somaliland; waa hab dhaqan ka hiddo haya kuna abtirsad aa oo laga soo minguuriyo hororkii Afweyne Siyaad Barre ee Soomaali halakaeeyey.

Allaylehe waxa caddaatay in aanu Afweyne xabaal ku jirin. Ardey macalinkiisii si fiican uga aflaxay dheh.

Waa kibir iyo amarkutaagleyn; waa maalmo aan sidaa u sii riiq dheeraandooni; waa hadhka la bada gelin hadba gees kaa haya; bal hada dib u raadraacay sheekadii dhexmartay Saxaabigii Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Mucaawiya Ibnu Abi Suffyaan oo xanuunsanaya weedhihii ay isweydaarsadeen!!!

Markay soo shaacbaxeen fadeexadihii musuqmaasuq ee xukuumdu faraha kula jirtey oo ay u dambeysey tan hadda Hanti Dhowrku ka wada wasaaradd Warfaafinta, ayaa canaasiirtii ku mamtay hantida ummaddu waxay miciin moodeen in ay axsaabta mucaaridka ah cabudhin iyo caga juglayn ku muquuniyaan. Khuurada sheekooyinka ka dambeeya ummaddu way arkaysaa oo indhaha laga ridimaayo. Ujeedadu way caddahay oo Mashruucan UNISOM ee uu madaxda k a yahay Nicholas Key oo Qaramada Midoobay dhaqaale xoogan ku bixiso ayey Xukuumadda M adaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud u tafo xeydatay sidii qeyb ka mid loo keeni laha Soma liland.

Waxa ku soo koobayaa xukuumaddan qowleystada ahna u sheegayaa in aan laga aqbalayn ta bahaanu ka diidnay kii aad bartay ee jaamicaddiisii ka soo qalin jebiseen. Cisaabadda Nassaab iinta ahna waxan leeyahay dal iyo dad midna waxba ha u hambeynina; bad iyo berri waxa jira ba xaalufiya.

Waxaad ogsoonaataan tan aad maant ku kacdeen la idinkaga hadhimaayo e bal berri yaanay idinla foolxumaan. Guddoomiyiha Gobolka Gabiley, Md. Yuusuf Ibraahim Gheedi, waxa leeyahay saaxiib Ilaahbaan kugu dhaarshee abidkaa dib wareysi ha ku soo hor fadhiisan warbaahinta caalamka!!
 



AXMED CALI IBRAHIIM SABEYSE
GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID, CANADA
December 4, 2013