Warsaxaafadeed
(Press release )

 

 


Ujeedo :- Cambaareyn Diiwaangelinta qarsoodiga ah ee ay wado Wasaarada Arimaha Guda ha Somaliland


Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan uga soo gudbino Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu la so codsiinaynaa Shacabka reer Somaliland iyo dhamaan inta kale ee danaysa horumarka iyo wanaaga Somaliland arimahan hoos ku qoran :-

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Xafiiska Arimaha Gudaha ee Xisbiga UCID,waxa y cadeynayaan in Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ay qorshaynayso in ay samayso Diiwaan gelin Qarsoodi ah,taas oo ay si hoose u waday Wasaaradu in mudo ah.


Sida wararkani cadeynayaan Diiwaan gelintan qarsoodiga ah ee ay Xukuumadu wado,wax aa loogu tala galay in hadhow loo isticmaalo,Diiwaangelin Doorashooyinka lagu galo, xukuu madu ay ku doodo,in aan dhaqaale loo haynin Diiwaan gelin kale.

Warar si hoose uga soo baxay xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland,waxay cadeeyeen in aanay Xukuumadu ,haba yaraatee doonaynin in la sameeyo Diwaangelin ras mi ah,oo Doorashooyinka lagu galo,ilaa haddana aanay jirin wax talaabo ah oo loo qaaday sidii Diiwaangelinta loo samayn lahaa.


Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland ,wuxuu si cad Golaha Wakiilada uga hor sheegay in Wasaarada arimaha Gudaha ay wado Diwaan gelin u gaar ah,xeer u fasaxaya uu jiro,balse arintu intaa ka sii qoto dheertahay.

Haddaba Xafiiska Arimaha Gudaha ee xisbiga UCID,markuu arkay arimaha kor ku xusan,ba adhis dheerna ku sameeyey arimahaas Diiwaangelinta ,waxaa u cadaatay, xaqiiqsaday in ay jiraan dano gaar oo ay Xukuumadu ka leedahay Diwaan gelinta ay wada Wasaradeeda Arimaha Gudaha,ka dibna waxaanu cadeynaynaa :-

In Xisbiga UCID uu si buuxda u qaadacayo Diiwaan gelin kasta oo aan laga talo gelin Xisbi ahaan,Diiwaangelin kasta oo aanu Xisbiga UCID,goob joogayaal ku lahayna ,wuxuu u arkaa in ay xaaran tahay,mana aqoonsan doono.


Xisbiga UCID ,wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Guddiga Doorashooyinka ,Xukuumada,Golay aasha,shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba, Madaxdhaqameedyada, Ururada Bulshada ,waxgaradka iyo Mucaaridka kaleba in si deg deg ah ay ugu howlgalaan sidii loo dedejin lahaa Diwaan gelin loo dhan yahay oo dalka ka qabsoonta.

Xukuumada ,gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha waxaanu uga digaynaa in ay sii wado Diiwaangelinta qarsoodiga ah ee ay wado,taas oo aanu u aragno in ay tahay Diiwaangelin loo adeegsanayo dano gaar ah.

Shacabka reer Somaliland way ka wada dheregsan yihiin,dhibaatooyinkii ka dhashay Door ashadii ugu horeysay ee ay qabato Xukuumada hadda jirtaa,welina aan wax xal ah loo hel in.Haddaba waxaanu qabnaa Xisbi ahaan in Diwaangelintaa qarsoodiga ah ee ay wado Xuk uumadu ,gaar ahaan Wasarada Arimaha Gudaha Somaliland in ay ka dhalan karaan dhibaa tooyin cusub,oo aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin,sidaa darteed waxaa haboon in la joojiyo,oo aan la sii wadin ilaa laga wada tashado mucaarid iyo muxaafidba.




ALLAA MAHAD LEH


Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.
Xisbiga UCID
abdi_saleiman@hotmail.com.
Facebook : abdi saleiman.
SKype : Abdisaaleiman1
twitter : @_saleiman