Cali-Gurey oo sheegay in digniinta amni ee Ingiriisku tahay xaqiiq jirta

 

 


Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), oo ka mid ah hoggaanka xisbiga mucaaradka
 ee UCID ....


Hargaysa (TNN) -Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), oo ka mid ah hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay dhaliisha dawladda Ingiriisku u jeedisay amniga Soma liland inay tahay mid jirta, waxaanu sheegay inuu muddo dheer ka digayay xaaladda amni ee Somaliland,

Md. Cali-Gurey, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu si ba’an u dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay hoggaamiye aragti leh balse ay hirgelinteedu ku adagtahay. Waraysigaas oo uu Cali-Gurey arrimo dhawr ah kaga hadlay wuxuu u dhacay sidan:

Cali muddooyinkan warbaahinta lamaad hadlin, dalkan isbedalo badan ayaa ka dhacay oo doorashooyin ayaa laga soo baxay sideed u aragtaa dalka haatan?

Waad ogaydeen oo baryahan anigu warbaahinta kumaan jirin, waayo xaalada guud ee dalka ayaan u arkaa inay tahay mid aan ka hadal u baahnayn ee ka tashi u baahan, nasiib daro ka tashigiina waxa uu u baahan yahay hoggaan ku baraarugsan xaalada imika dalku ku jiro oo badbaadadiisa iyo samato baxintiisa dalka u guntan, kiina iima muuqdo.

Markaas hadday tahay arimha dibada, hadday tahay xaalada dalka gudaheeda, xaalad aad u halis badan ayaan u arkaa in aynu ku jirno. Waxa kale oo aynu ognahay waxii ka dhashay doorashadii anigu doorasho ma yidhaahdee riwaayadii laynoo matalay ee ay inoo mataleen kooxda aan anigu u bixiyay jilayaasha qaawan, waxii dalka ka dhacayna waynu ogayn wakhtigaas doorashada gees ilaa gees, codkii saxa ahaa ee dadku sida nabad galyada ah u baxiyay oo runtii ay u qalmayeen in abaal gud looga dhigo in lagu kala baxo codkii ay dadku baxiyeen, kuwii soo baabiiyay ee codka beenta ah iyo boobka,kushibashada ku baabi’iyay ayaa riwaayadaas matalayay oo kuwaas ayaa la yidhaahdaa jilayaasha qaawan, markaas xaaladeenu waa mid aad u halis badan.

Dhawaaq ayaa ka soo baxay dalka Ingiriiska uu kaga dayrinaayo ammaanka Somaliland, dhawaaqaasi siduu kuula muuqdaa ?

Malaa Ingiriiska cadaanka ayuun baa lagu maqlayaa oo waa dawlade xaalada amniga ee Somaliland inagu in badan ayaan ka qaylinaayay, waxan ay Ingiriisku sheegayaana waa xaqiiq jirta, waxaanay ka mid tahay nabad galyo darooyinka laga dhex wado umadda, kuwa iyagu wadaa waxay ku jiraan baarlamaanka, xukuumada, nabad galyo darada ay xukuumadu wado mid ka halis badan oo dalka ku soo fool leh ma jirto, marka ay dhinaca argagaxisa ka hadlayaan mudo waxaan ka mid ahaa dadkii aadku isugu hawlay inay taageero caalamiya u helaan dib u qaabaynta amniga Somaliland, inta shir caalamiya aan arinkaas soo dhigayna aad ayay u badnayd, nasiib daro ciidamadii ugu horeeyay ee loo tabo baray Somaliland in ay nabad galyada wax la qabtaan waxa loo bedashay ciidanka dabar goynta dimuqraadiyada oo waa kuwii shacbiga ku laynaayay Hargeysa ilaa hadda cid kale oo nabad galyo daro dalka ku haysa oo ay wax yeeleen ma jirto, waxa loo isticmaalay cabudhinta iyo dabar goynta dimuqraadiyada.

Marka ay sidaas ogyahiin Ingiriisku ee la baabi’iyay dhammaan haayadii sirdoonka iyo amniga ee shaqayn jiray wakhtiyadii ay xukuumadii hore jirtay waa ay jirtaa xaaladaasi oo lama dafiri karo ayaan anigu leeyahay.

Maxaa looga fadhiyaa wakhtigan madaxweyne Axmed Siilaanyo?

Madaxweyneha waxa looga fadhiyaa wax aan hubo in aanay ka iman doonin, madaxweynaha waxa looga fadhiyaa waa la doortay, lamana dooran shaqsiyaadkan wadanka xukuma maanta, isagay masuuliyadu saaran tahay oo ay tahay inuu dalka hoggaamiyo, laakiin wax dhacaaya maaha, waxa uu bari ( khudbadda maanta ee Madaxweynuhu u jeedin doono labada gole ) la iman doonaana waxay noqonaysaa wax ay u soo mal-maluuqeen oo loo soo qoray lana yidhi sidaas dheh, ee inuu xal rasmiya oo dalka lagu samato bixiyo uu keena kama soo baxayso.

Madaxweyne Siilaanyo wakhti dheer ayaad isku dhawaydeen ama wakhtigii Kulmiye ha ahaato ama dib u xorayntiiye, bal hoggaamintiisa maxaad ku sifayn lahayd ?

Horta rakaab xumada waligii wuu lahaa, aniguna waligay rakaabkiisa kama mid noqon, rakaabkiisana waxaan ugu jeedaa dadkan uu xilka u magacowdo, oo soddonkaas sano ee dhaw dhaw ee aan is naqaano xil uu ii magacaabay ma jiro.

Haddaan isaga u soo noqdo wakhtigaas waxa uu ahaa qof aragti leh, aragtidiisaana hirgalinteeda kumuu fiicnayn, laakiin wakhtigaas waxa uu ahaa qof daacad ah oo aragti leh.

Haddii aynu isku tagno reer Somaliland oo dhan oo dhawrka qof ee qaldan kuna hareeraysan aynu ku nidhaahno waa ay ku fashilinayaan ilaa ay fashiliyaan inaga qabali maayo in aynu run sheegayno, waa madaxweyne nasiib daran maanta waynu ognahay sideetan jir ayuu ku dhaw yahay intaas oo dhana dad ayay soo wada shaqaynayeen oo uu baranaayay, waxay ahayd maanta hadduu madaxweyne noqday inuu garanaayo ninkii ay dugsiga sare ee Sheekh ku wada jireen ee wax ka taraaya dawladiisa, ciddii la soo halgantay inta wax ka taraysa inuu u yeedhan karo, dadkii xisbigiisa Kulmiye ku jiray ee uu garanaayo inuu cid uga yeedhan karo, laakiin haddii uu maanta intan la shaqaysa oo dhan badalo inta qof ee uu soo magacaabayo hal qof oo uu isagu dooranayaa ma jiro, cidbaa u soo dooraysa, cidaasina cid ay danaheeda ku muraad qumisto ayuunbay u soo dooraysaa,markaas rajo malaha.

Ugu danbayntii waraysigan kooban ee aan kula yeelanay maxaad ku soo gabogabayn lahayd?

Cali Saleebaan Bide alle hawnaxariistee ayaa tiriyay hees la odhan jirtay “ Haddaan daayo heestaba, haysto ereyadaydaba ama aan hubkaba dhigo, miyaa lay hud hudiyoo hadal layga yeedhsiin”

Cida wax biinaysaa labaatan qof ma dhama dawladeenaas dhan waana koox daneed, shacbiga fariintaan u gudbinayaa waxa weeyaan raga meesha marayaa danahooda ayay u heelan yahiin, nin danta umadda iyo shacbigaas u heelan meesha inagama joogo,nin tiisa u heelana waxa ka warantay Maansada la yidhaahdo Hargaysaay ma toostay ee uu tiriyay abwaan Hadraawi “ Ujeediyo haatan, nin tiisa u heelan halyay nimadiisa hashiisa ku maalay, inuu hantidayda hidaha sharaftayda dhismaha hodankayga horseed ka ahaado, waxa ka hagaagsan inaan ka habaaro ka haari yidhaahdo.”


Source: Geeska Afirka