Cali
Guray Oo Sheegay Inay Dhiig Ka Xigaan Midow Dambe oo Soomaaliyeed

Cali guray waxa
uu shaki galiyey in Madaxwayne Siilaanyo Urur Diimeed ku Jiro
..............
Hargeysa (TNN) – Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga
Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa meel
adag iska taagay hadalkii ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliya ee
ahaa inay madaxda Somaliland is-dhaafsadeen qoraalo.
Cali Guray, waxa kale oo uu sheegay inay dagaal iyo dhiig ka xigaan
midnimo Somaliland iyo Somaliya ah oo ku timaada in shacabka reer
Somaliland tallada laga fara-maroojiyo, waxaanu tilmaamay in
xukuumadda Somaliland masuuliyiin ku jiraa qayb ka yihiin dedaalada
madaxda Somaliya ku doonayaan inay Somaliland kula mideeyaan
Somaliya, kuwaasi oo uu sheegay inay xidhiidh la leeyihiin urur
diimeedyo ka jira Somaliya.
Cali Guray oo shalay la hadlay Waaheen iyo Telefiishanka HCTV, ayaa
isaga oo ugu horeyn ka hadlaya hadalkii Madaxwaynaha Somaliya waxa
uu yidhi “Hadalka ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliya waxa uu u
muuqdaa mid ay ku weheliyeen dad xilal ka haya qaranka Somaliland,
wayna muuqataa in ragga Wasiirrada ah ee xukuumadda ku jira qaarkood
ay Somaliya meel wax u wada wadaan, laakiin dhibaato waxay ka jirtaa
inaga xukuumaddeena ayaan dadka runta u sheegayn”
Mujaahid Cali Guray, waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Somaliya uu
dalka Qatar u tagay si uu caawimo ugu helo Somaliya oo ay
Somaliland-na ku jrto isla-markaana arintaasi ay la wadaan
masuuliyiin xukuumadda Somaliland ah oo aan shacabkii ay u dhaarteen
aan runta u sheegayn “Maanta Madaxwaynaha Somaliya wuxuu joogaa
dalka Qatar, waxaanu ka hadlayaa sidii loo caawin lahaa Somaliya oo
ay Somaliland ku jirto, waxaana lagu caawiyay lacag gaadhaysa $ 170
Milyan, madaxda dawladdeena qaarbaa la wada oo la og, laakiin
dhibaatada ugu weyni waxay ka taagan tahay dadka runta loo sheegi
maayo, wada-hadaladan beesha caalamku wado siiba Ingiriisku
dhibaatooyinkii ay keeneen taasaa ka mid ah” ayuu yidhi, waxaanu
intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya sida uu u arko hadalka
Madaxwaynaha Somaliya ku celceliyo ee ah inaan Somaliland iyo
Soamliya marnaba kala maarmayn “taa anigu waxaan u arkaa riyo, waayo
anigu qiimaha ay ku kacayso in Somaliland ay mar kale la midowdo
Somaliya waxaan qabbaan in aanay goynba karayn (somaliya), cida ay
ka go’daana maaha Al-ictisaam iyo Al-islaax, oo labaduba awood badan
ku yeesheen xukuumadda iyo dawladda Somaliland, Madaxwaynaha
Somaliyana ah cidda garbaha u ah, labadaa urur oo xaruumahoodu ku
yaalaan Muqdisho, laakiin dhinaca kale Madaxwayanaha Somaliya haddii
shacabka Somaliland afti laga qaado oo ay u bataan inay Somaliya ku
biiraan….haa haddii uu sidaa u jeedo ma kala go’ayaan (Somaliland/Somaliya),
waayo shacabka Somaliland go’aankooda cidi ma diidi karto, laakiin
mabda’a kale oo kooxo ah ama siyaasiyiin ah ama dawladdo iyo kooxaha
wadaaddada ah ee kale haddii la isku dayo in tallada laga faro-maroojiyo
shacabka reer Somaliland dhiig-baanu ku
difaacaynaa.
Mujaahid Cali oo la waydiiyey caddaymaha uu u hayo in xukuumadda ay
ku jiraan shakhsiyaad ka mid ah urur diimeedyada xidhiidhka la leh
madaxda Somaliya ayaa waxa uu ku jawaabay “anigu waxaan ogahay ayaan
sheegaa, imika mucaarad-baaban ahay, laakiin 2006-dii ayaan u
sheegay Madaxwayne Siilaanyo in dad ka mid ah bulshada caalamku
iyagu yidhaahdeen saddexda xisbi qaran ee Somaliland ka jira siiba
Kulmiye inay wadaado ku jiraan, shirkii Burco-na iyagu awooda la
wareegeen, ayaan u sheegay, imikana in badan oo xukuumadda ka mid
ahi way og-yihiin, weliba in labadaii xisbi ee dalka ka jiray ay
haab-haabanayaan oo ay doonayaan inay la wareegaan waala og-yahay,
xukuumaddana ay awoodeeda gacanta ku hayaan, nimankaa reer
Somaliland ee xukuumadda ku jira ururradaana ku jiraana waxay u
dhaarteen midnimada Somaliya, haddana shacabka Somaliland ayay u
dhaarteen, inkasta oo ragga ururradaasi ugu waaweyni daaha dabadiisa
ku jiraan, haddana waa la wada ogyahay in rag xukuumadda ku jiraa ay
midnimada Somaliya ka shaqeynayaan, anigunase ma fahmayo sida ay
isku waafaqayaan diin ahaan dhaartaa iyo qorshahay wataan.
Cali Guray, oo wax laga waydiiyay suurto-galnimada in awoodii dalku
gacanta u gasho cid ahaan la soo dooran ama ururo diimeed, iyadda oo
uu joogo Madaxwaynihii hogaaminta dalka loo doortay oo uu xaadir
yahay, waxa uu ku jawaabay “Axmed-siilaanyo laftiisa ayaan hubin
inuu ururradaa ku jiro iyo in kale, inkastoo la igu yidhi barigii
dhawayd ee uu Xajka tagay ayuu ku biiray kooxahaa biicoodu halkaa
gaadhsiisan yahay (inay Somaliland la miideeyaan Somaliya), laakiin
waxa xaq-qiiqo ah in talladii laga fara-maroojiyey oo wax allaale
iyo wax gacantiisa ku jiraa aanay jirin”
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbigga UCID waxa kale oo uu ka
hadlay iscasilaada xildhibaanadii beesha Ciise “Inay iscasilaan
xaqbay u leeyihiin, iscasilaaduna maaha mid shakhsi ah ee waa mid
wadareed, oo beeshi dhamayd ee Cise ayaa meesha ka baxday, markii
arintu dhacdayna sida madaxda xukuumaddu sheegeen waxa la keenayaa
bedalkii xildhibaanada Saylac, 17 nin oo beesha Madaxwayne ku
xigeenka ka soo jeeda inay Saylac golle deegaan ka noqdaan wax
suurto-gal ah maaha, Lughaya lafteeda haddii ay dhacdo in
xildhibaanadii iscasilay bedalkooda la keeno waxa taraxaya beesha
Madaxwayne ku xigeenka hal xildhibaan oo beesha Ciise ka soo jeeda,
12-ka kalena waxay noqonayaan isku beel, markaa 30-kii xildhibaan ee
Saylac iyo Lughaya, in 29 xildhibaan inay beesha Madaxwayne ku
xigeenka noqdaan ayuu Saylici sax u arkaa, waana ninka ka talinaya
arinkaas, markaa anigu ku soco ayaan leeyahay haddii ay ku
shaqeynayso oo ay kuu suurto-galayso”
Cali Guray, ayaa sidoo kale masuuliyiinta xukuumadda ku tilmaamay
dad aan caqligoodu shaqeynayn oo madax adayg siyaasadeed iyo
musuqmaasuq caadeystay “nimankan meesha joogaa niman caqligoodu
shaqeynayo maaha, waa niman inay lacag helaan ku buuxa oo London
inay guryo ka dhistaan wada doonaya, malaha qoladii UDUB dalka
ayayba gashan jireen haddii ay wax helaane, musuqmaasuqa haddii aan
inyar kaga daro imika waad ogtihiin oo gaadiidkii dadwaynuhu wuu
taagan yahay, warshadihii way fadhiisteen, shidaal la’aanbaa dalka
ka taagan TOTAL wixii loo eryayna waxay ahayd lacag badan-bay naga
qaadaa, lacagtii TOTAL qaadan jirtay, Siilaanyo markii mucaaradka
ahaa wuxuu ku khudbadayn jiray Daahir Rayaale lacag buu dekeda iyo
TOTAL ka qaataa oo Madaxtooyada gasha, , haddana maanta waxbuu kamuu
qabban oo lacagtii TOTAL laga qaadi jiray waala qaadaa, tii guriga
Daahir Rayaale la geyn jirayna guriga Siilaanyo ayaa la geeyaa,
labadii lacagiwba Madaxtooyad aayaa la geeyaa, markaa Madaxtooyadani
waa mid tii hore ka cir weyn, musuqmaasuqiina sidii ayuu u shaqeeyaa,
qandaraasyadiina qaab ehelnimo ayaa la isku siiyaa, waad aragteen
shaambadii Baasaaboorka waxa la siiyay qandaraaskeeda la siiyay
niman xildhibaano ah oo Cali Mareexaan ka mid yahay oo ah ehelkii
Madaxwaynaha, markaa meeshan wax tallo ah oo yaalaa ma jiraan”
Source: Waaheen
|