"Sidaan Warka Ku Hayo
Amarka Laygu Xidhayo Waxa Bixisay Madaxtooyada Oo Maamulka Gobolka
Hargeysa Soo Martay.”
Cali
Maarshaal
Cali Maxamed Guuleed (Cali-Maarshaal),
oo ka tirsan Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa la
sheegay in ay Ciidamo ku daba-jooga an illaa iyo maanta sidii ay u
qaban lahaayeen, isla markaana Xabsiga u dhigi lahaayeen, ka dib
markii Amar lagu bixiyay in Sarkaalkaasi ay soo qabtaan Ciidamada
Boolisku.
hase ahaatee, Ka dib markii ay maanta soo baxeen wararka sheegaya in
Cali-Maarshaal oo ah Siyaasi Dhaqaalaha ku-xeel-dheer ay Ciidamo ku
raad-joogaan sidii ay u soo qaban lahaayeen, ayaan goordhawayd oo
goor-sheegtu dul-taagnayd 3:00-dii Galabnimo wakhtiga Hargeysa,
Khadka Taleefanka kula xidhiidhay Cali Maarshaal, isla markaana
waxaan wax ka waydiiyay jiritaanka wararka sheegaya in xadhig lala
maagan yahay amaba ay Ciidamo ku raad-joogaan, waxaanu Cali ii
xaqiijiyay jiritaanka warkaas.
“Haa Arrintaasi way jirtaa Adeer, inkastoo aan weli imika cidi ii
imaan Anniga, way jirtaa in la yidhi Cali Maarshaal soo xidha.”
Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed Guuleed (Cali-Maarshaal).
Hase ahaatee, Cali Maarshaal, waxaan sii waydiiyay, waxa uu ku
caddayn ayo in Xadhig lala maagan yahay, in uu waaran helay iyo
inkale oo warka uun la gaadhsiiyay. Cali oo su’aashaa ka
jawaabayayna waxa uu yidhi, “Waaran laysoo jaray maan arag, laakiin
waa la soo xaqiijiyay arrintaas.”
Cali Maxamed Guuleed oo ka jawaabayay su’aal aan ka waydiiyay
sababta xadhigiisa lagu xidhiidhin karo iyo waxa ay tahay, waxa uu
yidhi, “Wuxuunbaan u fili karaa, in loola jeedo, dhaqdhaqaaqyadan
siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE ee aanka midka ahay iyo abaabul soo
socda oo aanu Nuux Ismaaciil ahaan ku taageerayno KULMIYE.”
Waxa jiray warar tibaaxayay in aanay dawladdu soo dhawayn falanqayn
dheer oo uu Cali Maarshaal ku iftiimiyay galdaloolooyin badan oo ka
muuqday Odoroskii shaxda Miisaaniyad-sanadeedka 2009-ka oo dhawaan
Golaha Wakiilladu ansixiyay. Sidaa daraadeed-na mar aan Cali
Maarshaal waydiiyay in sababta dabagalkiisa ay arrintaas
Miisaaniyadda oo uu ku talaxtagay tahay, waxa uu ku jawaabay, “Maya
arrintaa Maaliyadda shaqo kuma laha.”
Sidoo kale, Cali Maarshal mar aan sii waydiiyay, cidda amarka lagu
xidhayo bixisay cidda ay tahay, waxa uu yidhi, “Sidaan warka ku hayo
amarka laygu xidhayo waxa bixisay Madaxtooyada oo Maamulka Gobolka
Hargeysa soo maartay.”
Cid kasta oo ay u qastiyaan in ay soo xidhaan, isla markaana gacanta
ku soo dhigaan, Sharci iyo sharci-darro, way karaan Ciidamadu. Sidaa
daraadeed, Cali Maxamed Guuleed (Maarshaal) waxaan waydiiyay
maadaama tan iyo maanta oo dhan warka xadhigiisu suuqa ku jiray,
sababta aanay illaa weli Ciidamadu gacanta ugu dhigin, in uu is-qariyay
oo ay Ciidanku waayeen iyo sababta aanay weli qabashadiisa ugu
guulaysan, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi Cali, “Maya..Maya. Adeer
ismaan qarin, meelna maan tagin ee Hargeysa ayaan joogaa, welina
imay waayin Anniga Ciidanku, ee waxa laygu yidhi, Ninkii loo diray
qabashadayda, ayaa yidhi ‘arrintaa yaan lagu deg-degin ee annigu aan
baadho. Midda kale, waxa la yidhi ama loo arkay in aan dhalasho
Maraykan ah haysto, taasina qayb ayay ka noqon kartaa dib-u-dhaca
aad I waydiisay.” Ayuu yidhi Cali Maarshaal.
Hadhwanaagnews
|