“Is-bedelka Aanu Ku Baaqaynaa Maaha Kii KULMIYE Ku Baaqayey Doorashadii Madaxtooyada Waa is-Bedel Run Ah”

 



Mujaahid Cali-gurey oo ka hadlayey Munaasibad Xisbiga UCID u qabtay xubno ka soo digo rogtay Xisbiga talada...........

Hargeysa (TNN)-Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxa med Yuusuf (Cali-gurey) ayaa sheegay in ay Xisbi ahaan ku baaqaya an Isbedel dhab ah oo ka turjumaya rabitaanka Shacabka Somaliland, waxaanu tilmaamay in aanu la mid aha yn isbedelkaasi kii Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku galay ololihii door ashadda Madaxtoo yadda.

Mujaahid Cali-gurey oo ka hadlayey Munaasibad Xisbiga UCID u qabtay xubno ka soo dig orogtay Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ku soo biiray Xisbiga UCID, ayaa waxa uu shee gay in ay soo dhaweynayaan garabkan ku soo biiray.

Guddoomiye Kuxigeenka sadexaad Xisbiga UCID Cali Gurey waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waa maalin aad u farxad baddan oo waxaan soo dhaweynayaa garabyadan ku soo biirey Xisbiga UCID, Waxa maanta dhalinyaradii, haweenkii KULMIYE meesha marinaya a wax Ciyaar ah maaha ciddii garanaysa ayaa garanaysa“,

Waxaanu intaas ku daray “Ninkii Sakaarada budka ku tuurey waxa uu yidhi ‘Ka Danbaba, annagu is-bedelka aanu ku baaqaynaa maaha kii uu Xisbiga KULMIYE ku baaqayey dooras hadii madaxtooyada ka hor waa is-bedel run ah oo ka turjumaya rabitaanka iyo dareenka dadka. Dhalinyaradu waa hogaamiyayaasha berito,”
 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland