Caleema saarka Ugaaska
Ciise
Seylac (TNN)-Magaalada qadiimiga
ah ee saylac waxaa maanta lagu caleemo saaray, Ugaa ska beesha Ciise
ee 19aad Mustafa Maxamed Ibraahin.
Waxaa ka soo qayb galay caleemo saarkan dadweyn tiro badan oo ka
kala yimid jabuuti, Gobolka Soomalida ee Itoobiyaiyo Somaliland
Madal weyn oo sidii teendho guri Soomali loo dhisay oo qaadda in ka
badan saddex kun oo
Madaxda joogtay waxaa ka mid a Raiisal wasaaraha Djibouti Delleta
maxamed Delleyta iyo wasiiro badan, wafdi ka socday dawladda
Ethiopia oo uu hogaaminaayay wasiirka dhaqan ka iyo dalxiiska
maxamuud Dirir Guuleed, iyadoo dhinaca somalilandna ay joogeen
wasiiro iyo masuulyiiin kale.
Xafladda caleemo saarka ayaa rasmi ahaan ay lix oday oo ka soo kala
jeeda lixda aqal ee beesha Ciise, ay cumaamadda u xidheen ugaaska
cusub ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim.
Ka dib sida weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo joogay, uu ku soo
waramay waxaa duceey ay odayaasha gendaha loo yaqaanno oo 44
oday ka kooban oo iyagu soo helay ugaaska sida caadada ah.
Munaasabadda ayaa laga tirinaayay heeso, gabayo iyo buraanbur lagu
ammaanayo, lagu soo dhaweynaayo ama loogu duceynaayo ugaaska .
Magaalada saylac oo ah magaalo qaddiimi ah, laakiin laga guuray oo
burburtay ayaa maal mahan danbe aad iyo aad kumanaan dad ah la
ciirciirtay oo xafladda u yimid.Meelo la kala seexdo ama laga
cunteeyo ayaa la kala waayay.
Gaadiid taariko kala duwan sida Dabuuti, Ethiopia, iyo Somaliland
ayaa buuxiyay magaalada.
Waxaa soo qabtay ramadaantii dhoweyd 44 oday oo beesha ciise soo
xushay oo gendaha la yidhaahdo, deegaan u dhow diridhaba.
Wuxuu soo maray ugaasku ka hor saylac deegaanada beesha Ciise ee
Ethiopia iyo Djibouti.
Ugaaskii kan ka horreeyay ugaas Xasan Xirsi Rooble waxaa lagu
caleemo saaray sayalac 1932kii, wuxuuna geeriyooday 1995kii.
Ugaaska Ciise dhaxal ma aha ee waa loo gartaa.
Waa in Ugaasku aanu hore u guursan oo hooyadii iyo aabihiiba beesha
Ciise ka soo jeeda an.
Source:BBC
|