Calanka Somaliland oo ka dul babanaya Iskuul yar oo ku yaal Holland !!!!! Yaab

Salaama Calaykum.

26-ka juun darteed.Waa sheeko dhab ah oo dhacday oo dhaygag i galisay bal adna dhuux!.

Waxan ka mid ahaa waalid lagu casuumay xaflad sanadeedkii lagu  xidhay ay  du gsi ay dhigtaan caruur yar yar oo dadoodu u dhaxayso, 4 - 12 gu', oo kala wada isir ah, kana kala timid dalal tiradoodu ay gaadhayaan 47 dal oo qaaradaha  adu unka ku kala yaal, meeshu waa Holland magaalo ku taal, waa goor galab ah oo ay cadceedu isku malmal-ganbiday inay godkeedkay ku hoyan jirtay gasho, waa diirimaad wanaagsan oon dhaxani jirin dhulku, cirku caad ma leh aan ka ahayn fad fad tabaaqil ah oo ku gadfan dacalada fog ee cirka, dusha sare waxa sidii  xa dhko isku murgay is dhaafdhaafay qiiq waayay dabayl kala horta oo kala  fird hisa oo ay reebeen diyaradaha qiiqlayda la yidhaahdaa.

Iskuulkan lanagu casuumay waa dugsi yar oo ay dhigtaan arday tiradoodu  aan ay ka badnayn 200 oo arday, dugsiga agtiisa waxa ku yaal banaan  loogu  tala galay in caruurtu ku ciyaarto maalmaha caadiga ah, xiliyada ay  cas harada ka nasanayaan, ha yeeshee mararka ay jiraan xusaska ama  dhac dooyinka  mudn aanshaha leh sida tan maanta oo kalena, qolqolkani waa  m id loo waabto loona ila xidho in lagu qunsado muraadkaa. Maanta waa  ma alin ka mid ah maalmaha ugu xarakaadka badan leh ee ay ku kulmaan  wa alidka iyo caruurtu baraxan, oo weliba ay si isku mid ah ugu wada  nafa xaadaan'' maararow iyo maadsi'', waxa meel kastaba yaal oo la dhigay alaabooyin kala wada nooc nooc ah oo laakiin ku soo ururaaya laba ujeedo oo kale ah,-

1- Ciyaaro aad u kala gadisan oo loogu talagalay inay caruurtu ku  ciyaar aan oo weliba waalidkuna hormeey, ama habeeye ka yahay !

2- Anfaco iyo dhuuni kala wada jaad jaad ah oo lagu iibinayo gagadan.

Dugsiga oo u samaysan qaab sedex-gees ah waxa meel kasta la sudhay oo sharaxaad iyo qurxin looga dhigay doorkan ( xafladan xidhitaanka ah) calamada dalalka aduunka badhkood oo waraaqo iyo marooyin waawayn ah oo u badan sida aad adba qiyaasi karto, calamada qaaradan Yurub, Asiya, iyo Ameerikooyinka, ishu haday sii baadho oo ay weliba tahay mid tababaran ayaa ay meel halkeer ah ka arkaysaa calanka Koonfur Afrika wax qaarada Afrika loo aaneeyoba, waase sida aad marka hore intaan wax laguu sheegin aad u qaadanayso, waxbaase qarsoon ee bal  dhaga yso!.

Waxa bilaabmay saacadu markay ahayd shantii galabnimo ciyaarahii oo caruurtii ayaa loo furay xafladii, wax yar ka dib waxaba noo timid  ana ga oo ah dad  bad hax ah oo waayeel iyo dhalin yaro ba leh oo meel ka  sha qaynayna, gabadh yar oo reer Somaliland ah oo da' deedu ay tahay 5 sano iyo badh, waxay i qabatay gacanta iyada oo degdegaysa, waan raacay iyana waa ay i hor gashay iyada kolba meel iyo koox tuban ka hoos dusaysa, waxan sheed-bildhaansadaba  mark aasay meel calamada kale afkoodu ku dhamaadeen joogsatay oo ay farta ku  fii qday, mise waan eegay waxay ujeedose waan garan waayay, markaan su'aa layna, waxay iigu jawaabtay maanad arkayn calankeenii ?.waxan idhi  calan kee? markaasaa ay igu tidhi,dee kaa, waan u fiirsaday kumase guulaysan inay  indh ahaygu ku dhacaan oo ay arkaan, waayo waxa meesha ka lusha calamo  ba dan oo ay caruutu samaysay oo waraaqo yar yar oo weliba sedex gees ah laga sameeyay!.

Runtiina maskaxdaba kama helin calanka Somaliland ayaa ay gabadhan  ya ri garanaysaa, oo ay weliba sawiraysaa oo ay hadana halkan in laga lulo guntiga dhiisha iskaga dhigaysaa!.

Gabadhii yarayd ee 5 jirka ahayd, waa ay dhaqaaqday markaasaa ay qori meel yaal soo qaaday ooy la tiiigsatay calamadii meesha sudhnaa mid ka mid ah, oo ay taabsiisay oo ay raacisay, weliba heestii ahayd'' Somalliland dalkayga  Somaliland dadkayga'' iyada oo qoslaysa, markaasaa u  dhawa aday waaban eegay, ilaahay xuskii waa calankii SOMALILAND oo xidig  mad aw oo laakiin sedex gees lehi ku dhex daguugan tahay! Waxay igu noqotay mucjiso iyo lama arag arintaasi, in badan ayay igu qaadatay inan  rumay sto in gabadhaas yari ay kaligeed go' aansato in calanka Somaliland oo  aa nay sawirkiisa oo ay ka aragto marmar internetka mooyaane aanay weli arag, ay garato sida uu u eeg yahay, iyo ta ugu muhiimsan inay ku darto calamada iskuulka lagu sharaxay, calamadii kale ayaan u fiirsaday  dabad eed oon is idhi malaha caruuraha kalena kuwoogay sameeyeen bal  iyag ana eeg, waxase aan arkay waxay ahaayeen uun dhawr calan oo kala ah ka Jabaan, USA iyo Nederland oo ay badankoodu wada sawireen, waayo  h alkanay( Nederland) caruurta badankoodu ku dhasheen, waxana ay isku  q abaa inay calankaa ( Nedeland) leeyihiin, Gabadhan yar ee reer Somaliland mooyaane !.

Waxan yara daba galay arintii oon gabadha yar hooyadeed waydiiyay inay iyadu ku guubaabisay arintan ama ay wax ka ogtahay, waxase ay ii  sheegtay inaanay warba ka hayn waxan aan sheegayo, laakiin dee Somaliland waa ay u nooshahay gabadhu ayay sii raacisay hooyadii gabadhan yar  dh ashay.

Sida ay calankan Somaliland samayskiisa iyo nakhshadayntiisa iyo  hindihii sa ku keentay midna gabadhii yarayd weli iyada kalama  sheek aysan oo waqti danbe iskumaanaan helin, waxase ay gabadhaasi 5 jir ka ahi  muuji say wax u baahan in lagaga daydo, waxay ku dhalatay Holland, weligeed Somaliland may arag, hadana waataa calankeedii ag qotomisay calamada kale ee uu ka ag babanayo.Waa taa iyadu da' daa ay tahay  keentay  da daalka ee bartay dadkii iskuulka, ardaydii iyo cidii kale ee xafladaa tim idba Calanka Somaliland, waxan aaminsanahay in hadii dadaalka, doonista iyo daacadnimada gabadhaa yari ay la timid ku la mid ah lala yimaado, meelo badan oon hada laga aqoon Somaliland calankeeda laga baran doono,  xar unta UN-ka Newyork-na ha noqotee.! Ha la guntado oo hala kaco hooy!

F.G... Haba yaraatee cid qoyska gabadhaas ah oo arintaa ka kaalmayso ma jirto, gabadhu iyadaa fikrada iska leh, waa 5 sano iyo badh !!!.

Allah cimrigeeda gabadhaa iyo kuwa la midka ahba ha raajiyo waa aayaha malaha badbaadin doona dalkan cawada daran ee Somaliland-e.


Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 

 

 

Cali Cumar Xasan
afraad_4@hotmail.com