CalaF baa i
siiyey calafkiina suga. Shirka beesha Sacad Muuse ma
dhab libaax baa, ma dhogor libaaxbaa mise dhogortii dayo
Beesha Sacad Muuse oo beel ahaan u shirtay haddana ku
baaqday in aan beelaha kale shirin karin (Fan aka Accuudu
Bilaah tolowyaa casuumey), Inj. Hamud Duale
Waa yaab iyo lama arag beel reernimo u shirtay oo cuqaal
iyo suldaan u kala hadhin haddana beelo qayr kood ah iyo
deegaamo dawladoodii hoose iridaha loo laabay ku
baaqaysa in la joojiyo shir beeleedyada. Tolow maxay ka
hinaaseen ma Suldaanka Jibriil Yoonis ee Boorama lagu
Caleemo saarayo mise in caante en bay hadlayaan oo
xildhibaano gaar ah iyo badhsaabyo gaar oo weli ka
duulaaya habkii lagu hoogey e e lagu ba'ay ee musuqa iyo
qabyaalada, iyagu ku liibaani jirey, islamarkaana
dadweynuhu ku eedaadi jir ey ee ku adeeg beeli jirey.
Caqli ma aha aniga beel ahaan ayaan u shirayaa kuwa
kalana waan ka joojina yaayaa.
Shirkan hal qodob oo ka hadlaya adeeg caafimaad,
waxbarasho iyo dheri midna kuma jiro. Waxaad mood aa in
la yidhi sidaa dhaha iyaguna aanay hareerahoodaba eegin.
Waan hubaayoo guriga madaxtooyadu shirkan kuma shaqo lah,
ee waa laba iyo sedex damacooda qaladka ah dawladu ku
raaci weydey oo bees ha buruurd ka raadinaya.
Markaan maqlay Shirkan ay ku kulmeen
Sacad Muuse, waxaan
Moodey in ay taageerayaan waxqabadkii wasaarada
maaliyada ee uu warbixinteedii soo bandhigay wasiirka ma
yeedhaanka, maxaysatada iyo re er miyigu abkuu doono ha
sheegtee Maxamed Xaashi Cilmi. Laakiin markaan sii
gudagalay waxaan arkay beel afkii dawladdu ku hadli
lahayd ee aan maalmahanba ka sugayey ku hadlaysa, oo
shir beeleed u fadhi da kuwa kalana mamnuucaysa. Adiga oo
tuur leh toosin iyo qaalo tu kaleeto in aad toosisaa waa
tu' aan jirin. Adiga beelnimo u shiray sideed mid kakle
ugu diidi kartaa.
Berigii hore waxaan maqli jirey beel dhab libaax sheegta
laakiin immika ayaa iigu horaysa beel afka dawla da
sheegta, Oo dawladiiba iskala buruud saraysa oo hadalkii
dawlada looga fadhiyey iyadu ka boobeysa.
Weli waxaan isweydiinayaa kuwa odayaashii iyo beeshii
sharaftii ka qaaday ee lacagtii dadweynaha shir kaa in ay
qabtaan ku kharashagareeyey oo qodobadaa soo saaraan ku
kelifey ma dad baa ma dunqaara a. Labad midna ha u
maalaynina laakiin kolayba waa lixdan jirey ku dooda
Calaf baa i siiyaye Calafkiina su ga oo adeeg iyo calaf
dadweyne afkiisa laga maqal.
|