Cadawga ugu weyn ee Somaliland waa Somalia waana in la iska jiraa oo loo fiirsadaa, Gudoomiyaha UCID

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in cadowga kowaad ee madax banaanida Somaliland ka soo horjeedaa ay yihiin Somaalid.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka reer somaaliland ay yihiin dad hurda oo aan u soo jeedin ilaalinta nabadgalyada,islamarkaana dadka ajaanibka ah ayaynaan iska aaminin oo aynu si adag isaga baadhno markay madaarada iyo meelaha kale dalka ka soo galayaan.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sidaasi ka sheegay Mar uu maanta kormeer ku tagay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International iyo cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

“ waxaa la leeyahay dadkii wax qarxiyay waxay ka soo dageen madaarka, waxaad ogaataan in cadowgeena koowaad uu yahay Soomaali, cadowgeenu ma aha Xabashi iyo Kukuuyo, balse kuwaas inoo eeg eeg horena diirka inooga saaray ee intay Guryaheena inaga saareen dadkeeniina isku xidh-xidhay , ayaynu iska ilownay waar sowkii shalay uun ina dilayay waa kii uun’e miyuu is bedelay.”Ayuu yidhi Guddomiyaha UCID.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay dadka Somaalida qaarkood laga dhaadhiciyay in Somaliland Gaallo tahay,waxaanu yidhi “Qaar baa marka quraanka la barayo ee ay Al-Xamdu marayaan lagu yidhaahdaa Somaliland waa Gaallo, waxaan leeyahay kooxahaasi u tagi maynee ilaahay qaar ka shar badan ha ku salido.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu sidaasi ka sheegay Mar uu maanta kormeer ku tagay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International iyo cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo la hadlayay masuuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Madaarka Hargeysa, wuxuu yidhi “Madaarka waxaad u baahan tihiin meelo sida Tarajayga u samaysan lagu soo wareejiyo madaarka, waxaanad u baahan tihiin rag khabiiro ku ah ilaalada madaarada ogaadana in meelaha ay ku hamiyayaan ay ka mid yihiin Madaarada dalku.”

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu hawl wadeenada Madaarada kula dardaarmay inay xil weyn iska saaraan sugida ammaanka dhabada diyaaradaha.


Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu booqday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo soo eegay dadkii ku dhaawacmay sadexdii qarax ee is miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Arbacadii todobaadkii hore, waxaanu dadkii dhaawaca ahaa uu ilaahay uga baryay inuu shaafiyo.


 

 


Qarannews