CADAMI
IYO 50 XUBNOOD OO GOLAHA DHEXE EE KULIMYE AH OO AYIDAY TAAGEERAYNA
GO’AAMADII XEERBEEGTIDA

Axmed X. Cali Cadami oo ka mid ahaa garabkii ka cadhooday
shirweynihii Xisbiga Kulmiye una sharaxnaa jagada M/weyne Ku xigeen
ayaa ku dhawaaqay in uu ayidsan yahay go’aankii ergeda Dhex
dhexaadinta ay ku dhawaaqeen.
Axmed X. Cali Cadami ayaa hogaaminya gudi ay iska soo dhex doorteen
ilaa 50 xubnood oo ka mid ah xubnihii Golaha Dhexe ee xisbiga
KULMIYE ee raacsanaa labadii musharrax ee ka cadhooday Shirkii.
Guddidan ayaa caawa saqdii dhexe daboolka ka qaaday inay taageersan
yihiin go’aamadii iyo talooyinkii ay soo saareen guddidii
dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga.
Guddida oo ka kooban 7 xubnood, shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen
magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay sheegeen in xubnaha Golaha Dhexe
ee ay wakiilka ka yihiin ay ka noqdeen mooshin ay hore u saxeexeen
oo ay ku dalbanayeen fadhi aan caadi ahayn, isla markaana ay u
gudbiyeen Shirguddoonka Golaha Dhexe,.
Guddida oo caawa goor dambe shirkooda jaraa’id qabtay, kadib kulan
ay yeesheen inta badan xubnihii golaha Dhexe ee raacsanaa labada
musharrax, waxa ugu horrayn faahfaahin ka bixiyey ujeeddada
shirkooda jaraa’id Mudane Axmed X. Cali Cadami oo ka mid ahaa
musharraxiintii Madaxweynekuxigeenka ee ka cadhooday shirkii Golaha
Dhexe, waxana uu yidhi, “Waxaan jeclahay inaan qodobo ka idhaahdo
wax dadka gudaha jooga iyo kuwa dibadda joogaaba ee reer Somaliland
oo dhami u dhegtaagayaan, beryahakana socdey, la saadaalinayey oo la
sugayey in is afgarad ama wax u dhow laga gaadho, dabadeedna
guddidii intii awooddooda iyo dedaalkooda ah bay samaysay, way soo
saareen, xalay baa labadii dhinacba loo dhiibey.”
Waxana uu Cadami intaa ku daray isaga oo duraya sidii degdegga ahayd
ee Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubno ka mid ah kooxdoodu uga jawaabtey,
una deedafeysey go’aankaas, “Waxaa yara fiicnayd in cagta loo dhigo
oo marjacayagu wuxuu ahaa in dad shacab badan oo siiba weliba Golaha
Dhexe ah in iyaga loola tago, dabadeedna loo sheego oo lagu dul
doodo, wixii ka dhimana lagu kordhiyo qoladaa guddida ah ama laga
sii wada hadlo. Calaa iyo kulli xaal, annagoo markaa dareensan dadka
damqashada ku jirta gudo iyo dibadba, anagoo xog ogaal u ah in aanay
ummadda Somaliland xisbi qaran burburkiisa qaadi karin … waxaa
khasab noqotay in markaa in badan oo Golaha Dhexe ku jirta oo tiro
caga-cagaynaysa 50 qof baa isugu yimi caawa halkan, si wanaagsan baa
loo dooday, cid la duray iyo cid wax laga sheegay midna ma jirto,
danta guud baa lagu koobsaday, dabadeedna waxa la soo saaray
go’aamadan:
1. In la ayido go’aankii Guddida Dhexdhexaadintu soo saartay.
Go’aankaa in la ayido oo jaraa’idka iyo wixii ay qoreen dib loo qoro.
2. Wixii tabashooyin, sixitaan ee ka dhimman go’aankaa laftiisa in
toos loogala doodo hoggaanka xisbiga intii meel kale iyo wakhti kale
ku lumi lahaa in halkaa lagu lafaguro oo wixii sixitaan ah halkaa
lagu dhammeeyo.
3. In ka noqosho lagu sameeyo warqad hore oo la qoray oo dalab ahayd
oo codsanaysey in Shirguddoonka golaha Dhexe uu shir aan caadi ahayn
qabto.
Axmed X. Cali Cadami waxa uu sheegay in qodobadaasi ay yihiin go’aan
hordhac ah, isla markaana waxa uu sheegay in la magacaabay guddi la
xaajoota, dhammaystirka turxaanbixintana la samayn doonta hoggaanka
xisbiga, kuwaas oo ay magacyadoodu kala yihiin:
1. Axmed X. Cali Cadami, Guddoomiye
2. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
3. Xildhibaan Axmed Cabdi (Kijaandhe)
4. Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Bidhaan)
5. Maxamed Muuse Cabdi (Galaydh)
6. Cabdillaahi Jaamac Calas
7. Iyo Faysal Daahir Cammuud
Waxana uu sheegay in ujeeddada loo magacaabay guddidu ay tahay in ay
sii wadaan turxaanbixinta, dadka tabashadooda iyo isu soo
dabbaalista xisbiga.
“Cadho waxba tari maysee wadahadal in lagu daalo oo lagu raago oo
dabadeedna natiijo ka soo baxdo laga gaadho guddidaas baa loo
xilsaaray. Liiska aan sheegay ee aan idhi 50 buu cagacagaynayey
isagoo qoran oo qodobaysan oo la hubo in xubnahaasi xubno golaha
Dhexe ee KULMIYE ah ay yihiin iyadana waa la soo bandhigayaa dhakhso
haddii alle yidhaahdo,” ayuu yidhi mudane Cadami.
Waxa kale oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Siciid
Cilmi Rooble, waxana uu sharraxaad ka bixiyey sababta ay go’aanka
noocan ah u qaateen.
“Waxaanu ka raacnay taa, dalkeena waad arkaysaan xaaladda uu marayo,
doorashooyinkii oo foodda inagu soo haya oo diiwaangelintii aad
arkaysaan in iminkaba la bilaabay. Annagoo arrimahaas oo dhan
xeeriney, ayaa raggii caawa halkaa isugu yimi – malaha maydaan soo
gaadhine – la isku raacay oo la yidhi, taa inagoo tixgelinayna oo
dadkeenna iyo dalkeena u tudhayna waxaa la sheegay go’aankaa la soo
saarayna aynu ayidno, wixii qabyo ah ee sixitaan ah ee dalka iyo
dadka u dan ah aynu xisbigeena gudihiisa la tagno,” ayuu yidhi
Xildhibaan Siciid.
“Run ahaantii taasi waa bushaaro aanu dadka u soo jeedinayno,
waxaanu ka dhaqdhaqaynaa dhawaaqii xalay baxay ee warbaahintu
saartay ee naxdinta lahaa ee dadka badani ay nagala soo hadleen,”
ayuu raaciyey.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu yidhi oo uu caddeeyey,
“Khilaafkayagu, si kastaba ha ahaado, waxaanu caddaynaynaa caawa
raggayagaa na soo igmaday ee aanu ka midka nahay uu caawa halkaa
nagaga dhammaaday, wixii ka dambeeyana nalagu ogyahay in gudaha
xisbigayagii hawlahayaga ka dhamaysano sidaa uu guddoomiyuhu
[Cadami] tilmaamay”.
Sida aynu hore ula soconay C/raxmaan Aw Cali Farax (Tolwaa) ayaa
isagu hore u cadeeyey in aanu taageersanayn Go’aamada gudidda
dhexdhexaadinta isla markaana ku gacan sayadhay go’aamda gudida
Source:Togaherer
|