Cabdullaahi Maxamed Cumar Iyo Xaaskiisa Oo Tacsi Udiray Reer Cumar Sh. Muxumed Warsame

 



ٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَٰبَتۡهُم مُّصِيبَةٞ قَالُوٓاْ إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّآ إِلَيۡهِ رَٰجِعُونَ


Baroordiiq

Cabdullaahi Maxamed Cumar, xaaskiisa Ruqiya Xasan iyo carruurtooda oo deggan magaalada Bolton ee dalka Ingiriisku, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan; dhammaanba reer Cumar sheekh Muxumed War same oo ku baahsan daafaha caalamka iyo guud ahaanba dadweynaha reer Gabiley,iyaga oo ka tacsiy eynaya geerida naxdinta leh ee ku timid, Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf Cabdullaahi oo maali ntii Khamiista oo ay bishani Maay ahayd 6da/ 2021ka ku geeriyoodey shil baabuur oo ka dhacay; doox a Agamsaha ee u dhaxeeya magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo.

Waxayna baroordiiqdaasi si gaar ah ugu dirayaan: ubadkiisii iyo tafiirtooda iyo dhammaanba ehelada kale ee ku sugan dalka Somaliland iyo dibadiisaba - waxayna si gaar ah uga tacsiyaynayaan; walaashood Kaltuun Cumar sh. Muxumed oo ah xaaskii u ka dhintay Alle naxariistee Dr Maxamed Yuus uf Cabdillaahi iyo dhammaanba eheladiisii oo deggen magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

Waxayna Ilaahay ka baryayaan, in uu Dr Maxamed geeyo jannadiisa Firdowsa. Ubadkiisii, ehelada, asax aabta iyo bahda caafimaadkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
 

 


Allahayoow Aamiin.