Cabdirxmaan Abdiqaadir hore ayu DHABARKA UGA JABAY, maantase waxa DHABARKA KA JABAY XISBIGII KULMIYE

 



Waxan dhamaan ka tacsiydeynaya shacabka iyo qaranka JSLand dhacdadaasi foosha xun e la gula kufay qaranka iyo muwaadinka Abdiraxman Abdiqadir

Somalidu been ma maahmaahdo lknse been wey sheekata ba la yidhaahda NINKII QEYRKII LO XIIRAYO ADNA SO QOYSO, wa maahmah runtii macno weyn ku fadhida islamarkan wa fariin qof walba khuseysa inu ogaado maalin maalmaha ka mid ah in isagan ku iman karto maalintaasi.

Baryahan ba runtii si an gabasho laheyn ba lugta loogu walaaqayay axsaabta qaran ee mucaa ridka ah UCID iyo UDUB intii u maamulkan Siilaanayo ku guuleystay talada dalka wuxu geed dhe er iyo gaaban ba u fuulay sidii loo furfuri laha labadii xisbi qaran e mucaaridka, waxa iyan mar ag ma doon ah inu gacanta ku dhigay labadii gole e qaranku dugsanaya dhamaantood o noqday kuwo ku dhex milmay maamulka islamarkan hantidi qaranka lagu laalusho si danaha maamulka Siilaanayo loogu fushado.

Waxad ogtihiin in shuruuc dalka intii badneyd ee lama taabtanka aheyd si yar o fudud loo jabiy ay o labada gole loo adeegsaday in ay daaqada ka saaran ama buriyaan, runtii ma so koobi kar o wixi dhirbaaxo qaranka iyo shuruucdiisa so gaadhey mudadii yareyd ee u maamulka gaca nta ugu jiray kulmiye iyo casaabada la shaqeysa.

Waxanse maanta igu kalifay in an dib ugu so noqdo qoraaladii o an mudo ka nastey dhibaatada asi iyo falkaasi foosha xun e loo geysta qaranka maaha mid runtii Abdiraxman Abdiqaadir kaligii kusunta dhibaatadani iyo fadeexdani runtii wa mid qaranka odhan saameyn weyn ku leh oo qof wal o somalilander ah ba taabatey meel u jooga ba.

Waxan haddaba anigu runtii u arka falkaasi foosha xun iyo fadeexdaasi shirkaasi kulmiye dhex diisa ka dhacay - dhawr ujeedo o qarsoon o qaranka lagu mijo xaabinayo.

1. Waxa maanta runtii dhulka la dhigay dimuqradeydii iyo xoriyatul qawlkii aynu caalamka u she egeynay oo maanta noqtey mid an waxba ka jirin caalamkuna ogaaday.

2. Waxa runtii marag ma doon ah in la abuurayo kacdoon dadweyne iyo dagaalo sokeeye in dib boodhka looga tumo oo beelaha walaalaha fooda laisu wada galiyo.

3. Wa fariin loo dirayo cadawga somaliland o la ogeysiinayo marxalada u dalku marayo iyo sida kali talisnimada ah e dalka gacanta loogu hayo.

4. Waxa maanta dhacdani markhaati ka tahay in la doonayo in mustaqbalka in laga digo rogto xisbiga kulmiye islamarkan mustaqbalkiisa la madoobeyo o la burburiyo xisbulxaakimka si loogu biiro ururada siyaasadeed e dawladu abuurtey islamarkan maamusho kuna maamusho cashuur tii shacabka danyarta ah laga so ururinayay.

Haddaba Anigoo ku hadalaya magaceyga iyo kan dhamaan taageerayaasha xisbiga UCID e Nor dic waxaanu si mug leh u cambaareeynina falkaasi foosha xun ee lagula dhaqmay muj Abdiraxm aan Abdiqaadir oo ah gudoomiyihii labad ee xisbiga qaran e Kulmiye, waxaanu runtii uga damqa ney falkaasi si an caadi aheyn wuxu na xusuusiya 80s dhibaatadii iyo tacadigii lagu hayay shac abka reer somaliland, waanu ka xun nahay muwaadin, mujaahid iyo madaxa sharaf leh in sidaa si loola dhaqmo foosha xun islamarkan loo jidh dilo, wa marxaladihii aynu ka dagaalaney e aynu faqasha ooda ugu rogney, maanta maaha mid loo dulqaadan karo xaalada adag e u dalku ku sugan yahay.

Waxan ku so gabagabeynaya qoraalkeygan o an leeyahay
NINKII QEYRKII LO XIIRAYOW SO QOOYSO ADIGUNA


WA bilaahi tawfiq

 

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway