Cabdiraxman aw cali Oo Beeniyay In Uu La Kulmay Madaxweyne Rayaale

 

 
Nuqul qoraal oo gaaban oo uu afkayeenka gaar ah ee Mujaahid Cabdiraxman Aw Cali uu soo gaadhsiiyey shabakada saylac.com, ayaa waxa uu si rasmi u beeniyey warar aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegayey in Cabdiraxman Aw Cali kulan qarsoodi ah la sameeyey Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland.

Warkan oo sida muuqata ay qoreen dad aan inta badan u fiirsan wararka ay umada u baahinayaan, ayaa waxa lagu daabacay shabakad la yidhaa hadhwanaag. "Waxa nasoo gaadhay copy laga soo saaray shabakadaas cid lehna manu garanayno, waxaanse kula talin lahayn in cidii lihiba ay anshixii saxaafadeed ay ka Meel Kaga dhaceen" ayuu yidhi Afhayeeenku.

Waxa kale oo intaa uu ku daray in Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamuuriyada Somaliland Mujaahid Cabdiraxman Aw Cali, uu mudan yahay tixgalin iyo mamuus, lagana dhawro been abuur iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn, oo ku salaysan fikir gaaban iyo tuhun abuur micno hoose weheliya.

Afhayeenka, ayaa nuqulka uu soo gaadhsiiyey shabakada Saylac.com waxa kale oo uu sheegay in Mujahid Cabdiraxman Aw Cali ayna cidina ka horjoogsan karin in Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland uu la kulmo, lakiinse hada baahi taala ama hawl uu ula kulmaayi ayna jirin.

Gagabagadii qoraalka, ayaa waxa uu afkayeenku ku buurinayaa "in saxaafada loo xidho hu cawradeeda astura", waayo ayuu yidhi "waa madasha kaliya ee umadu ay wararka ka helaan. Waxana haboon in tixgalin la siiyo kumanaanka akhriste ee wararka dhulkooda hooyo u ooman, oo jecel wararka xaqiiqda ku salaysan ee ka madhan rayi qof iyo haloosi tuhun abuur aan loo baahnayn".

Hadal si kaftan ah u dhignaa oo qoraalka soo gaadhay Saylac.com ee lagu beeninayo warkaa laga been abuuray Mujaahidka, ayaa u qornaa sidan:

Baryihii hore qofka gaf kaa gala geedkiisa, ayaa xaal loogu doonan jiray ee bal adiguba hawada xaal weydiiso! iyagoo erayga hawada ula jeeda Internetka cid walba u sahlay inay afka gacanta iska gashaan.

Saxafadu maaha waxaad jeceshay inaad qorto ee waa wixi jira!
 

 


Source: Saylac.com