WAR-SAXAAFDEED

Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha
Xisbiga mu caaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa, kan
Hoggaanka, guddiga ful inta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo
weliba sida oo kale taageeraya as ha xisbiga WADDANI ee kala jooga
gudo iyo dibadba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan
shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaaya geeridii naxdinta
lahayd ee ku timid Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha
Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta ku geeriyooday magaalada
Burco.
Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale tacsi
taas la mid ah u dirayaa qoysaskii, caruurtii, qaraabaddii iyo
asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana si gaar ah loogu xasuusan
doonaa in uu si weyn uga soo qeyb-qaatay Halgankii dib-u-xoreynta
qaran iyo horumarka marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray
qaranka Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),
waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo,
naxariistiisii janna tul Fardowsana uu ka waraabiyo, sida oo kalena
uu ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka
Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin Amiin.
Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi Raajiuun
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
|