Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo lagu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Dalka Canada Iyo Nuxurka Qodobadu U Qadimay +SAWIRRO

 


Ottawa (TNN) :- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, C abdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminaayay oo soo gaadha y dalka Canada, ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka dalka Canada oo fadhigiisu yahay Caasimadda Ottawa.

Guddoomiye Cirro, wuxuu kulano muhiim ah la qaatay Xildhibaanada iyo Madaxda Golaha B aarlamaanka Dalka Canada, isagoo kala hadlay qadiyada Somaliland, waxyaabaha u qabso omay, inay Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii dal jira ku waajibka aha, in aan ay ahayn waddan hadda cusub ee ay calanka xorriyadeeda qaadatay 1960, ka hor mida wgii Somalia ay la galeen, kaas oo ay dib xorriyadaas ula soo noqdeen 1991.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, Cabdira xmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuxuu dawladda Canada u gudbiyay codsiyo ah inay Somaliland ka tageeraan dhinacyada horumarinta kabayaasha bulshada iyo inay laban laa baan mucaawimada ay dalka Canada ugu deeqdo waddanka uu Guddoomiyaha aqalka waki ilada ka yahay ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo wali la dala dhacaysa duruufaha Ict iraaf la’aantu ku hayso.


Waftiga Guddoomiye Cirro ayaa intaas ka dib u soo gudbay dhinaca Magaalada caanka ah ee Toronto, halkaas oo ay kulan ballaadhan kula qaadan doonaan Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalkaas.