HAMBALYADA CIIDA

 


Hargaysa (TNN):- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xi sbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadla aya magacasii, afka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhalliny arta iyo haweenka iyo weliba taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan umadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaana shacabka Somaliland isaga oo ku hambalyeynaaya xuska Ciidal-Adxa oo ku b eegan maalinta beri ah.

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo si gaara uu hambalyo taas la mid ah uu ugu dirayaa Xujaajta kala duwan ee gudanaysa waajibaadka Alle ee Xajka, isaga oo Eebe uga bar yey in uu ka aqbalo acmaashaas suuban sida oo kale na uu ugu soo dhammaystiro ca afimaad qab. waxa kale oo uu Alle ka baryeyaa in uu caafimaad sareecan ah uu siiyo dhammaan ba umadda Islaamka ee xanuunsanaysa , sida oo kale na uu u naxariisto intii dhimatay.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa ugu dambeyn uu Eebe ka baryeyaa in sannadka sanna dkiisa uu innagu gaadhsiiyo bash bash, barwaaqo,caafimaad qab, acmaal suuban iyo weli ba sida oo kale Ictiraaf ay Somalliland ka hesho beesha Caalamka.

 



Ciid-Mubaarak, Ciidal Caafiya

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa,Somaliland