TACSI
INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha
Xisbiga Muc a aradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro),
oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida
fulinta iyo garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba
taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u
dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya
geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Safiirkii
Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya wakhtigii dawladdii UDUB
Marxuum/Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo maanta(Salaasa),
25/10/2016 ku geeriyooday magaalada Boorama.
Murashax Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu
u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku,
isaga oo sida oo kale na Marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi
Alle ka cabsi badan oo dadka u sama-fala sida oo kale na qiim o weyn
ku dhex lahaa Qaranka Somaliland oo intii uu ku dhex-jiray
xidhiidhada diblomaasiy addeed ee Caalamka meel sare gaadhsiiyey
magaca Qarankan Somaliland, waxa kale oo uu ku tilmaamay in
wakhtiyaddii uu xilka Qaran hayey uu ahaa shakhsigii dhidibada u
taa gay xidhiidhka Somaliland ay la lee dahay dalka Itoobiya iyo
wadamo badan oo Afrika ka mid ah, ku waas oo Somaliland ku ixtiraami
jiray dawladnimaddeeda.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu
Alle ka baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo sida oo kale na uu
ka waraabiyo janatul Fardowsa, eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo
guud ahaan ba qaranka Somaliland na uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Amiin Amiin.
INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)
|