Wefti uu hogaaminaayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo maanta kulan
la qaatay labada gole baarlamaan ee dalka Maraykanka ee Senateka iyo
Congresska+Sawiro
Washington-DC (TNN) :-Wefti uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI MD Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan la qaatay labada gole
baarlamaan ee dalka Maraykanka ee Senateka iyo Congresska, kulanka
oo socd ay saacado tiro badan ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen
qodobo kala duwan oo ay ugu muhi imsanaayeen Aqoonsiga Somaliland,
Xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee labada dhinac, Doorashooyinka iyo
sidii Maraykanku u kordhin lahaa caawimada uu u fidiyo Somaliland.
Weftiga Somaliland oo uu horkacayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Somaliland Cabdiraxmaan Max amed Cabdullaahi Cirro ayaa la kulmay
masuuliyiin sarsare oo ka socday illaa lix xafiis oo Senateka ah
gaar ahaan xafiisyada Senatorska Chritopher Coons oo laga soo doorto
Delware, Johny Isakson oo la ga soo doorto Georgia, Tim Kaine oo laga
soo doorto Virginia, Ben Cardin oo laga soo doorto Maryland iyo Amy
Klobuchar oo laga soo doorto Minnesota. Weftiga Somaliland ayaa
sidoo kale kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay Guddiyada Arrimaha
Debedda iyo Afrika qaabilsan ee ka dhisan Golaha Senat eka.
Arrimaha sida weyn loogu soo qaaday kulankan waxaa ka mid ahayd,
arrimaha xawaaladaha, Guddoo miyaha Golaha Wakiillada ahna
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ci rro
ayaa u soo jeediyey masuuliyiinta ka socotay xafiisyada Senateka
inay door ka qaataan sidii loo g arab istaagi lahaa hannaanka
xawaaladaha, kuwaas oo lama huraan u ah nolosha dadka Soomaalida ah.
Masuuliyiinta ka socotay Golaha Senateka ayaa weftiga su’aalo ka
weydiiyey arrintan xawlaadaha gaar ahaan miisaanka ay ugu fadhido
nolosha dadka danyarta ah, hase ahaatee Guddoomiye Cirro ay aa
arrintaasi ku tilmaamay inay tahay mid daruuri u ah nolosha bulshada,
dawladda Maraykankana wu xuu ugu baaqay inay xoogga saaraan sidii ay
u fududayn lahaayeen iyaga oo samaynaya jidadka ugu habboon.4
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdullaahi Cirro ayaa ugu horra yn uga sheekeeyey masuuliyiinta
Maraykanka, Taariikhda Somaliland iyo horumarka ay illaa haatan
gaadhay, isaga oo hordhigay in la gaadhay xilligii dawladda
Maraykanku ay indhaha u soo jeedin laha yd arrimaha Somaliland,
wuxuuna ka codsaday golaha Senateka inay door ka qaataan sidii
Somaliland loo aqoonsan lahaa.
Masuuliyiinta ka socotay golaha Sharci Dejinta Maraykanka ayaa si
weyn u soo dhoweeyey fikradaha weftiga Somaliland iyaga oo sheegay
inay u gudbin doonaan xogta ay ka heleen weftiga dhammaan xafiisyada
ay khusayso, sidoo kale waxay ballanqaadeen inay doodda kulankaas ka
dhalatay ay gaadh siin doonaan kulamada lagaga hadlo arrimaha
Afrika.4
Ka dib kulan socday saacad iyo dheeraad, waxaa weftiga Somaliland
qado sharaf loogu sameeyey isla dhismaha golaha Senaterka halkaas oo
ay uga sii gudbeen kulan labaad oo ay la qaateen Golaha Cong resska
Maraykanka.
Weftiga Somaliland ayaa ka kooban Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Somaliland Cabdiraxmaan MAxam ed Cabdullaahi Cirro, Amb. Maxamed Cali,
Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Xisbiga Waddani mudane Maxamed Cismaan
Fadal, Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac
Reyte, Cabdiraxm aan Maxamed Magan, Wakiilka Xisbiga Waddani ee
Virginia, Maryland iyo Washington Nuura Axmed W eris iyo Xubno
kale.unnamed
Weftigan oo Arbacadii iyo Khamiistii la kulmay Wasaaradda Arrimaha
Debedda Maraykanka iyo Hay’ad da Mucaawanooyinka Debedda u qaabilsan
dawladda Maraykanka ayaa noqonaya kii ugu miisaanka c uslaa ee
waayadan kulamo noocan ah la yeesha dawladda Maraykanka, isla
markaana kala hadla xooj inta xidhiidhka Somaliland iyo sidii
Maraykanku door uga cayaari lahaa aqoonsiga Somaliland.
|