WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa kula kulmay wefti ka socda Urur samafala kana socda dawladda Kuwait.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddida heer qaran ee aba araha, ayaa dhinaca dawladda Kuwait-na, ururkooda samafalka oo lagu magacaabo bu lshada soo noolaynta dhaxalka islaamka (Revival of Islamic Heritage society, State of Kuwait), waxa hogaaminaayey sheikh Jasem Mohamed Al-enati oo ah gudoomiyaha gud didaasi ee Afrika xubnona ka ahaayeen, Dr Farhan Obaid Alshammari, Abdullah Murshed Alenizi iyo Bader Mohamed Alajmi, ayaa fadhi qaatay saacado madaxweyne ku xigeenka iyo guddida abaaraha la yeeshay.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay weftig u dalka u yimaadeen si ay uga jawaabaan qaylo-dhaantii abaarta ee madaxweynuhu dir ay. Weftigan oo shalay soo gaadhay dalku waxay dalka gudihiisa ka iibin doonaan raas hin ku filan 2,000 oo qoys, kaas oo ay farta ka saaridoonaan guddida abaaraha ee heer qaran oo iyaguna gaadhsiindoona meelaha ay baahidu ka jirto.

Waxa kale oo ay weftigu balan qaadeen sida uu sheegay wasiirka diinta iyo Awqaaftu, inay ka qaybgelidoonaan wax ka qabashada abaaraha soo noq-noqday, iyo qodida ceel al biyoodyo iyo balliyo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa gunaanadkii kulanka u mahadnaqay weftiga ururka sam afalka ee dawladda Kuwait, gurmadka ay ka soo qaybgaleen iyo ballanta ay qaadeenba.

 

 


ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.