WAR-SAXAAFADEED
Madaxwayne ku xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Is maacii (Saylici)
ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Somaliland iyo
Soomaaliya Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee
Qaramada midoobay (FAO).
Madaxwyene ku xigeenka waxa kulanka ku weheliyey, Wasiirka
Wasaaradda Xanaanada Xo olaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),
wasiirku ku xigeenka Xanaanada Xoola ha Mudane Cali Maxamed Cilmi (Cali
Gadheer), halka ay dhinaca masuulka FAO ay wehelinay een
masuuliyiinta Somaliland u joogta hay’adaasi iyo masuuliyiin la
socday.
Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada wehelinaayey iyo weftiga
hay’adda qaramada mid oobay oo wada hadal dheer ku yeeshay xafiiska
madaxweyne ku xigeenka, ayaa kulanku markii uu soo dhamaaday ka
warbixiyey fadhigoodii iyo waxay ka wada hadleen, waxana madaxweyne
ku xigeenka oo arrintaa ka warbixinayaa yidhi
“waxa maanta halkan nagu soo booqday wefti sare oo uu hogaaminaayo
Mr Richard Trenc hard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada
midoobay (FAO), runtii sidaad la soco taan FAO hay’adaha ugu qiimo
badan hay’addaha qaramada midoobay, waana qaybta ha y’ada u qaabilsan
qiimaynta roobabka iyo abaaraha iyo halkay xaaladu marayso u
kuurga la. Runtii hawlo badan ayey nala qabtaan, waxan ku
faraxsanahay maanta inay iyagoo aw alba nala shaqayn jiray ay jawaab
degdeg ah ka soo bixiyeen, una soo diyaar garoobeen mudnaanta
koowaadna ay siiyeen Somaliland marka la eego abaaraha saameeyey
dhulka soomaalidu degto oo dhan oo xaaladaha ugu adagi ay ka jiraan.
Waxay noo balan qaadeen iyadoo dhaqaale cidhiidhi dunida ka jiro oo
dhibaatooyinka aduunka iyo qaxoontiyadu ay farabateen, waxanay dib u
xoolaynayaan dadkii ay xooluhu ka dhamaadeen, beeralaydiina dib
looga caawiyo wax soo saarkoodii ka baaba’ay. Waxay kaloo balan
qaadeen in ay xoolo tiro badan ay talaali doonaan, iyadoo ay xoolo
badan abaartii baabiisay, intii hadhayna iyagoo gaajoonaya ay
roobabkii heleen, iyagoo isla beriba bilaabaya da’a weyntii xoolaha.
Wuxu intaa ku daray madaxweyne ku xigeenku in hay’adu 6000 oo qoys
ay siindoonaan lacag ay ugu talogaleen inay kaga shaqeeyaan in ay
waxyaalihii ay manaafacaadsan jireen ee xoolaha iyo beeraha lahaa ay
dib ugu soo nooleeyaan kuna shaqaystaan, waxanay balanaqaadeen inay
samaynayaan biyo qabatin, intaasina waa hordhac balse qaylada waanu
dheeraynay ayey yidhaahdeen weftigu.Ayaa ka mid ahayd hadalka
madaxweyne ku xigeenka
Warbixintii madaxweynaha Somaliland hore u soo siiyey ninkii
hay’adan ugu sareeyey ayaa na soo gaadhsiiyey iyadoo qiiro
xambaarsan ayey weftigu sheegeen ayuu yidhi madaxwey ne ku xigeenku,
waxanay sheegeen inay aad ugu farxeen inay dawlada, shacbiga iyo
ganac satadu ay uguntadeen dadkooda una gurmadeen intaanay gacan kale
soo gaadhin”
Sidoo kale waxa hadlay Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo
Beeraha ee Qaram ada midoobay (FAO) oo u mahadnaqay kulanka uu la
yeeshay madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta wasaaradda
xanaanada xoolaha. Wuxuu inta raaciyey inay beri dalka soo gaa dhayso
talaal tiradiisu dhan tahay 3Milyan, isagoo inta ku daray inay ka
goan tahay hay’a daha qaramada midoobay ee ay ka mid ka yihiin inay
si buuxda ula shaqeeyana Somaliland, gaar ahaan wakhtigan adag ee
dhinaca abaaraha ee Somaliland ku jirto. Waxanu si dhaw ula
shaqaynaynaa ayuu yidhi wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland iyo
Wasaaradda Beeraha, ayuu sheegay madaxa weftiga FAO.
Madaxweyne ku xigeenku wax auu noo sheegay sida uu dhulku u kala
daran yahay iyo sida ay arrimuhu u kala mudan yihiin. Gebegebadii
hadalka wuxuu masuulkaasi ku wareejiyey madaxweyne ku xigeenka lacag
dhan 6100 Dollar oo ay iska soo ururiyeen shaqaalaha hay’adda FAO ee
Somaliland ku sugan, lacagtaas oo lagu shubay akoonka abaaraha ee
dahabshil.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|