Cabdiraxmaan
Aw Cali oo Sheegay in Wadahadalladu ka dhaqaaqi la’yihiin
Dhinaca Siilaanyo

Wejiga labaad ee wadahalladii u dhexeeyey labada garab ee xisbiga
KULMIYE ee sida weyn isugu khilaafsan natiijada shirkii Golaha Dhexe
ee dhawaan lagu soo gebogebeeyey magaalada Burco oo la filayey in
labada dhinac xalay isku soo horfadhiistaan, ayaan shuurtogalin,
kadib markii sida la sheegay uu garabka Axmed-siilaanyo dalbday in
dib loo dhigo furitaanka wejiga labaad ee wadahadallada.
Kulanka wejiga labaad ee dhinacyada KULMIYE oo ah mid si weyn loo
sugayey in lagu soo afjaro khilaafka cakiran ee ka dhashay
doorashadii murashaxiinta jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa
KULMIYE uga qaybgalaya tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland
oo ay qaabka loo maamulay si adag isugu maandhaafeen siyaasiyiinta
muddakarka ah ee xisbiga oo u kala jabay laba garab, ayaa si cad loo
ogayn sababaha uu u baaqday. Haseyeeshee, mujaahid Cabdiraxmaan Aw
Cali Faarax oo ah hoggaamiyaha mid ka mid ah labada garab oo
Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay, ayaa xaqiijiyey
inuu baaqday kulankii labada dhinac u ballansanaayeen xalay, isaga
oo arrintaas ku eedeeyey garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha xisbiga
KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu tilmaamay inay
dabada jiidayaan geeddi-socodka wadahadalladii lagu furdaaminayey
khilaafka u dhexeeya.
Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa uu sheegay in qabsoomida
kulanka koowaad ee wejiga labaad dib loogu dhigay caawa, balse aannu
rajo ka qabin qabsoomidiisa, maadaama buu yidhi aanay
Axmed-siilaanyo iyo kooxdiisu ka meermeerayaan in wadahalladu
furmaan.
“Caawa [xalay] shirkii wuu naga baaqday habeen dambena [caawa]
waxaanu filaynaa in aannu noo qabsoomayn oo uu baaqan doono,
wadaxaajoodkuna xaggooda [garabka Siilaanyo] ayuu ka socon la yahay,”
ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Sidoo kale, mar aannu isku daynay in aannu arrintaas wax ka weydiino
ayaanay noo suurogelin in aannu helno, hase ahaatee sida ay
tibaaxeen iloxogogaal ah ayaa tibaaxay in Guddoomiye Axmed-siilaanyo
dalbaday in furintaanka wejiga labaad ee wadahadallada oo u
qorshaysnaa Salaasadii shalay dib loogu dhigo muddo saddex maalmood
ah, balse ay ganafka ku dhufteen arrintaas garabka uu hoggaaminayo
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo iyagu doonaya in la dedejiyo
wadahadallada si xal looga gaadho khilaafka culus ee xisbiga ka dhex
dhacay.
Geesta kale, waxa shalay ilaa xalay socday shirar doceedyo ay labada
dhinac mid waliba geestiisa ugaga tashanayaan, isla markaana ay ku
gorfaynayaan mowqifkooda ay ku waajahayaan khilaafka taagan ee
wadahadallada dhinaca ay is hayaan dhexmaraya.
Dib-u-dhaca furitaanka wadahadallada wejiga labaad ee dhinacyada
xisbiga KULMIYE iyo dalabyada is diidan ee labada garab, ayaa u
muuqda kuwo sii xoojinaya khilaafkii adkaa ee u dhexeeyey
siyaasiyiinta xisbiga ee sida weyn isugu maandhaafsan natiijada
doorashadii murashaxiinta.
Source:Jamhuuriya Online
|