Cabdiraxmaan Aw Cali iyo
xubno ka tirsan kooxdiisa oo ku gacansaydhay go’aamada
Xeerbeegtida KULMIYE
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo
xubno dhawr ah oo ka tirsan kooxdiisa ayaa deedafeeyey go’aanka iyo
talooyinka guddida Xeer-beegtida ahi ka soo saareen khilaafkii ka
dhashay shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee lagu qabtay
magaalada Burco, iyaga oo sheegay in aanay ku qanacsanayn go’aankaas,
halka hoggaanka xisbiga KULMIYE uu aqbalay go’aamada guddida.
Go’aanka guddida dhexdhexaadintu ka gaadheen khilaafka xisbiga
KULMIYE oo caawa ay labada dhinac ugu dhiibeen iyaga oo qoraal ah
kulan ay ugu qabteen hotelka Ambassador, ayaa kadib Cabdiraxmaan Aw
Cali iyo xubno ka tirsan Guddida dhinaciisa ka socotey waxay shir
jaraa’id oo ay ku qabteen gurigiisa ku deedafeeyeen go’aanka iyo
talooyinka guddidu ku dhexdhexaadiyeen, waxayna sheegeen in guddidaa
aanay waajibkeedu ahayn inay go’aamo soo saarto, balse, hawsha loo
diray ay ahayd isu soo jiidis iyo isu soo dhoweyn.
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ugu horrayn shirkaa jaraa’id ka
hadlay ayaa sheegay in aanay aqbalayn go’aamada iyo talooyinka
guddida, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii kale ee xal loogu
helayo khilaafkii ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga.
Waxa kale oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, Ibraahim Cabdillaahi Xuseen
(Dhegaweyne), Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi,
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Reyte) iyo Cumar Cilmi Dixood oo
dhammaantood ka mid ahaa guddi 7 xubnood ah oo kooxda Cabdiraxmaan
iyo Cadami uga qaybgelayey wadahadalka xallinta khilaafka KULMIYE.
Waxayna dhammaantood, isku raaceen in guddidaas aanay u igman inay
go’aamo soo saaran, go’aamada iyo talooyinka ay hadda soo saareenna
aanay ahayn wax u cuntamaya, balse, ma sheegin tallaabada xigta ee
ay qaadayaan iyo qorshahooda.
Shirka jaraa’id, waxa kale oo ku weheliyey xubnahaas, Axmed Xuseen
Ciise. Hase yeeshee, waxa ka maqnaa shirkaa jaraa’id, musharraxii
kale ee hoggaaminayey kooxdaas, Axmed X. Cali Cadami oo isagu
fadhiyey shirkii Guddidu kaga dhawaaqday go’aanka iyo talooyinka,
balse, aan ka qaybgelin shirkaa jaraa’id. Waxaana la filayaa in
Cadami iyo taageerayaashiisu aanay ku raacsanayn deedafeynta
go’aanka guddida ama uu ka gaabsaday.
Dhinaca kale, xubno door ah oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga
KULMIYE, isla markaana taageerayey labada musharrax, Axmed X. Cali
Cadami iyo Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa la sheegay in aanay ku
raacsanayn shirka jaraa’id ee Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubnahaasi
caawa qabteen, iyaga oo ku doodaya in go’aankaasi aanu ahayn mid ay
ku raacsan yihiin.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isaguna
caawa, kulanka lagaga dhawaaqay go’aamada guddida kadib saxaafadda u
sheegay inay ku qanceen, isla markaana ay aqbaleen go’aamada iyo
talooyinka guddida, maadaama ayuu yidhi, “aanu guddida hore kalsooni
u siinay inaanu aqbalayno waxay soo gooyaan”.
Khilaafka xisbiga KULMIYE ee ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee lagu
qabtay magaalada Burco, dabayaaqadii August ayaa la filayaa in
go’aanka guddidani soo gebagebeeyey.
Source:Somaliland.org
|