Cabdiraxmaan
Aw Cali Faarax (
Laba Tolle )
Oo Kulan Qarsoodi Ah Qasriga Madaxtooyada
Somaliland Kula yeeshay Madaxweyne Rayaale
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa
habeenimadii Salaasada ee ay arbacadu soo galaysay kulan
albaabadu u xidhan-yihiin kula yeeshay qasriga Madaxtooyada
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Sidaa waxa shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyey
ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada.
Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa la sheegay
in uu socday muddo sacado ah, mana cada waxay Madaxweyne Rayaale
iyo Cabdiraxmaan Aw Cali kaga wada hadleen kulankaasi.
Hase ahaatee, Kulankan ayaa ku soo beegmay wakhti khilaaf-weyni
soo kala dhexgalay Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, isla
markaana ay jiraan tuhuno badan oo laga qabo in Garabka uu
hogaaminayo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ay taageero kala duwan
ka heleen, Xukuummada Madaxweyne Rayaale, si loo burburiyo
Xisbiga KULMIYE, iyada oo sida la sheegay Cabdiraxmaan Aw Cali
markii khilaafka Kulmiye soo baxay uu ku hanjabay in ay isku
raas yihiin Madaxweyne Rayaale.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay waxay labada dhinac
kulankaasi kaga wada-hadleen, Hasayeeshee waxa ay ilahaa
xog-ogaalka ahi tilmaameen inay labada dhinac kulanka ay
yeesheen kaga wada hadleen in lagu lafa-gurey natiijadii iyo
khilaafkii ka soo baxday Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga
Mucaaridka ah ee KULMIYE ee dhawaan Burco ka ka dhacay ee lagu
doortay hogaanka Xisbiga KULMIYE uga qeybgalaya doorashada
Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo bisha April 2009
ee fooda inagu soo haysaa, ay sharci-darro ahayd.
Sidoo kale, Kulankan ayaa ku soo beegmay xili ay maalmihii la
soo dhaafay hakad galeen wadahadaladii turxaan bixinta ee
Xisbiga KULMIYE ee la doonayey in lagu soo af-jaro khilaafkii ka
dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo]
iyo C/raxmaan C/laahi Ismaaciil [C/raxmaan Saylici] ay u
doorteen musharixiinta rasmiga ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee
KULMIYE uga qeybgalaaya doorashada Madaxweynaha ee la filayaa
inay dalka ka dhacdo bisha April ee 2009 fooda inagu soo haysa.
Source:Hadhwanaag
|