Cabdiraxmaan
Aw Cali Faarax iyo Waftigii Kulmiye ee La Socday oo
Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada
Boorama

Soo dhaweyn xoogan ayaa maanta
lagu qaabilay, xubnihii weftiga ahaa ee ka cadhooday shirkii golaha
dhexe ee xisbiga Kulmiye, weftigaas oo uu hogaaminayay C/raxmaan Aw
Cali faarax, waxaa ka hortegay gaadiid tiradiisu kor u dhaaftay
lixdameeyo, ka dibna waxaa loo soo gelbiyay dhanka magaalada Boorama,
dadka soo dhaweynayay ayaa ruxayay caleemo qoyan iyo calamada
xisbiga kulmiye.
Dhanka kale waxaa baabuurta lagu dhejiyay sawirada C/raxmaan Aw Cali,
Baabuurta iyo weftiga ayaa ku soo wareegay magaalada xaafadaheeda
kala duwan, taas oo u muuqatay xamaasad balaadhan, ka dibna waxaa la
iskugu yimid khayriyada magaalada Boorama, oo loo sii diyaarshay,
ilaa hada lama garan karo sida xukuumadu ugu ogolaatay xubnahan
xisbiga in ay dadweynaha kala hadlaan Khayriyada magaalada Boorama.
Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay C/raxmaan Aw cali wuxuuna
hadalkiisa ku bilaabay " Somaliland Ha waarto, Somaliland Ha jirto !
Mahad balaadhan ayaa u jeedinayaa dadka reer Awdal, Haweenka,
Waxgaradka mudanayaal iyo marwooyinba, Ardayda dugsiyada iyo
shacabka halkan iskugu yimid, Aniga oo ku hadlaya magaca weftiga,
waxaan idiinka mahadcelinayaa sida balaadhan ee aad noo soo
dhaweyseen, ani iguma cusba waa magaaladaydii aan ku dhashay, Bisha
Ramadaan ee cibaadada loogu talo galay in aan idin soo saarno waan
ka xunahay, balse duruuf ayaa nagu kaliftay
Wuxuu intaas sii raaciyay isaga oo ka hadlaya ujeedada safarkooda C/raxmaan,
Ujeedadayadu waa in aan idiinka warano xisbigii kulmiye, horta
xisbiyada ayaa inagu cusub, balse hadaad maqasheen khilaaf ayaa ayaa
jira waa wax la soo maray, kulmiye waxay ku dadaalaysaa in bedesho
Udub si cadaalada.
Xisbiyadu inta aan fuulin kursiga M/tooyada waa in ay dibada ku sii
tababartaan, is qabsiguna waa is dhaliil iyo is toosin, waa in
banaanka la isku toosiyo oo la iska dhaafo nin toocsi talada xisbiga,
Hore waxaad u maqasheen in la yidhi isku beel halaga dhigo m/wenaha
iyo m/xigeenka xisbiga kulmiye, arintaa waxa diiday taageerayaasha
xisbiga kulmiye oo yidhi sidaasi ma toosna.
C/raxmaan isaga oo ka hadlaya shirweynihii xisbiga ee lagu qabtay
Hargaysa wuxuu yidhi shirkaas waxa lagu doortay hogaan, kaas oo ay
dhaliili ka muuqatay, hadana shirkaasi wuu dhamaaday, dad ka
cadhoodayna way jireen, hogaanka ayaana laga rabay in ay dililaacaas
tolaan. intaa ka dib shirkii Burco ayaa la tegay iyada oo ay jiraan
dhaliilahaas hore, oo aan waxba laga qaban. madaxnimada cidi cid uma
hayso, lagumana helo xaasid iyo cid iska xorayn ilaahay cida uu la
rabo ayuu gacanta u geliyaa, kuwa akhyaartayada ah ilaah gacanta ha
u geliyo !
C/raxmaan wuxu ka yidhi tartankuu Burco, dadbaa isa sharaxay waxyna
u taalay dadka shirka iskugu yimid, waxaana loo baahnaa in ay dhex
ka noqdaan Madaxdu, oo umada shirka timid cidii ay siinayso codka
eegto, meeshaas waxa ka dhalatay farogelin, banaanka ayayna dadkii
kale joogeen, weliba raga aan ku jiro oo nin doorkii xisbiga ah,
waxbaanan tabanaynay, cadaalad maaha ayaan lahayn, laakiin anaga oo
ka maqan ayaa la codeeyay, oo aan cidi tartamin, xisbiga lama
duminayo, mana aha waa la dhaliilayaa ee waa la toosinayaa, dad ayaa
leh xisbigii waa la duminayaa, si cadaalada ayaa la rabaa, waanan
saxaynaa, kulmiyana isaga oo dhutinaya in uu m/tooyada tego maaha !
isaga oo ceeb ka saliim ahin uu halkaas tego weeyi. kulmiye waa mid
keli ah, yaan la idin odhan waa lagu kala tegayaa, waa la duminayaa.
C/raxmaan wuxuu intaa ka dib ka hadlay taariikhdiisa wuxuuna yidhi "
Aniga m/weynenimo iima cusba waan aqaan, dad mansab isku haystaana
ma jiro, cid tartantayna ma jirto oo xisbigu ma tartamin, yaan loo
qaadan nin cid wax u diidaya xaasha, waan ka sareeyaa waxaan ahaa
dadkii dalka xoreeyay, waxaan ahaa m/xigeenkii u horeeyay ee idinka
dhasha reer Awdaloow, M/wenenimada ay reer Awdal maanta haystaan
ninkii keenay ayaan ahay, hadaba anigu ma gayo in aan dhalinyarada
la tartamo oo ay wax isku qabsadaan, si cadaalada in loo simaan
rabaa, ninkii cadaalad ku soo baxa waan gacan qaadayaa. Damaca reer
Awdal ee intaas qof m/weyne doonayaana salaatul shukri ayaan
tukadaan, oo waxaan idhaa waa walaahi waa midhihii aad beertay,
dariiqaa la furayna waa mid dhalinyarada i hortaaganeey aad mari
doontaan.
Ugu dambayn wuxuu yidhi taageerayaashayada waxaan leehay waad na
sugaysaan inta la heshiinayo ee la saxayo wax, taasina danta qaranka
ayaa ku jirta.
Dr.Axmed Xuseen Ciise ayaa isna madasha ka hadlay hadalkooban oo
mahad celin ah, wuxuuna dadka ku dardaaray in ay adkeeyaan
xisbinimada iskana dhaafaan qabyaalada.
Axmed X.Cali Cadami ayaa isna hadalkiisa waxa ka mid ahaa " waxaan
tahniyadaynayaa shabaabka nool ee ruuxu ku jiro oo rayigooda
cabiraya ee cadceeda isku soo baxay, c/raxmaana waan bogaadinayaa,
waxaan leehay maalinta doorashada lagu ridayo ma soo banaan
baxaysaan, mise waa maanta ? erey kooban waxaan leehay waxbaa la
isku hayaa dhibaato weyni ma jirto, xisbigu wuu midaysan yahay,
midnimada cid jabinaysaa ma jirto, walaalnimo ayaana lagu
dhamaynayaa wixii jira.
Waxa isna hadlay Dr.Dixood iyo Maxamuud Cumar xaashi iyo rag kale.
oo weftiga ka tirsanaa, C/laahi Ibraahaim oo ahaa madaxa Dhalinyarta
xisbiga Kulmiye oo weftiga la socda ayaa isna yidhi midnimada iyo
wadajirka xisbiga Kulmiye in la adkeeyaa waa mid muqadasa, waxaana
leenahay Axmed Siilaanyo ha noolaado kulmiyana ha noolaado.
Dadweynaha maanta iskugu soo banaanbaxay magaalada Boorama ayaa ahaa
iyagu ahaa kuwo taageero weyn u muujay xisbiga kulmiye, dad badan
ayaana isweydiinayay sababta loogu ogolaaday in ay khayriyada ka
hadlaan, taas oo dadka fagaaraha buux dhaafshay ay ka dhex muuqdeen
dad badan oo ka mid ahaa taageerayaasha xisbi xukuumiga, lamana
garan karo doorka ay dawladu ku lahayd banaanbaxa maanta, taas oo
soo dhawentii ka horaysay ee Weftigii C/raxmaan Saylici ciidamada
Boolisku xanibeen baabuurtii rabtay in ay soo dhaweeyaan, madaxda G/Awdal
oo aan isku daynay in aan wax ka weydiino eedaymo loo soo jeediyay
oo ah in ay si hoose abaabulka ugu lug leeyihiin ayaa noo
suurageliweyday in aan helo.
Source:Harawo
|