Xildhibaan
Cabdiqaadir X. Ismaaciil oo Waraysi gaar ah siiyay Wargeyska
Ogaal
Hargeysa, 09, August, 2010 (TNN)-
Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Mud
anayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, islamarkaana in muddo ah ka
mid ahaa mudanayaas h ii Golayaashii kala dambeeyay ee
Wakiillada, ayaa ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha isbedelka dalka
ka dhacay, xaaladda bariga iyo galbeedka dalka, isla markaana wuxuu
talooyin u jeediy ay madaxweyne Siilaanyo iyo shacabka.
Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil oo shalay Waraysi gaar ah siiyay
Wargeyska Ogaal, ayaa sheegay in aanu talada dalka ku wareejin
madaxweynihii hore ee xilka lagaga guulaystay Daa hir Rayaale
Kaahin wakhtigii uu geeriyooday madaxweynihii ka sii horreeyay
Marxuum Cigaal. Waxa kale oo uu Mudane Cabdiqaadir ka hadlay
aragtidiisa la xidhiidha xukuumadda cusub ee la doortay iyo in ay
tahay tii uu dalku u baahnaa iyo in kale.
Waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo uu Wargeyska Ogaal Hargeysa
kula yeeshay mu dane Cabdiqaadir, ayaa wuxuu u dhacay sidan;
S: Xildhibaan, ugu horeyn waxaad nooga warantaa sidaad u aragto
xaalada dalka iyo isbedelka dhacayba?
J: Isbedelku markasta waa wax loo baahan yahay. Laakiin in laga
midho dhaliyo ayuun baa m uhiim ah, markaa imika lama qiimayn
karo oo waxaasa dhacaya ama imanaya lama odhan ka
ro.Doorashadii si wanaagsan ayey inoogu dhacday, cabsi badan oo la
qabayna way duntay, madaxweynihii laga helayna waa kii sida sharafta
leh u ogolaaday natiijada ee diiday in la isq abqabsado,
madaxweynaha cusubna waa kan dawladiisii sida dhakhasaha ah u soo
dhisay.Inkasta oo dawladdan cid badan oo aan la garanaynin ku jiraan
oo aan la qiyaasi karin waxay noqon doonaan, haddana waa isbadel.
Cabashooyina way jiraan oo waynu maqlaynaa beelo cabanaya, taasina
waa wax iska dabiiciya, dadku wax wayn bay ka dhigayaan, waa wax
dhaca dawlad walba marka la sameeyo, iyadana siyaabo badan oo loo
saxo ayaa jirta. Markaa anigu waxaan qabaa in cagta loo dhigo oo la
sugo dawlada cusub waxay keento.
S: Xildhibaan, Golaha wakiilada ee aad ka tirsan tahay bulshada ayuu
wakiil ka yahay, sidaa darteed, aragtidaada xukuumadda la dhisay ma
tahay tii dalku u baahnaa?
J: Wallaahi, taa waan kuu sheegoo waxa weeye, inaan qofka lagu
xadgudbin xuquuqdiisa oo qofka waxaad ka aragtay ayuun baa lagu
qiimeeyaa.Markaa dadkani (Xukuumadda cusub) waxay u badan yihiin dad
badan oo aan dalka hore loogu aqoon ama xilal badan aan soo qaban,
inkasta oo aqoon badan jirto oo dadkaa dibada anagu waanu la kulmi
jirnay oo aanu garanayno, haddana dad ummadu wada garanayso maaha,
ninkana waxa lagu qiimeeyaa markuu meel soo fadhiisto ee xil loo
dhiibo. Markaa, ragna waa raggii hore loo sii ogaa, qolyaha cusubna
waxaanu rajaynaynaa in jaanis la siiyo oo la eego. Laakiinse,
waxaanu filaynaa dalku madaxweyne ayuu leeyahay, madaxweynaha ayaana
jeexa dariiqa siyaasadeed ee wasiirku ma jeexo. Sidaa darteed, kolba
tilmaamaha madaxweynuhu siiyo inay ku shaqayn doonaan iyo inaanay ku
shaqayn markaasuun baa la ogaanayaa, anagu laakiin cidda aan la
xisaabtamaynaa waxa weeyaan madaxweynihii la doortay, barnaamijkii
lagu doortay inay dawladiisu ku shaqaynayso, dawladiina isagaa
xushay, markaa halaga dhursugo ayaanu leenahay.
S: Waxaad carabbaabtay inay jiraan habab lagu sixi karo
cabashooyinka bulshada qaarkeed ee nidaamka magacaabista xukuumadda,
maxaad nooga sheegi kartaa hababkaas?
J: Wallaahi, xilka dawladdu intaas oo keliya kuma dhama madaxweynaha
xilalka u bannaan ee uu magacaabayaa waxa weeye, guddiyadii qaranka
oo dhan; guddida adeegga bulshada, guddida caddaaladda, guddida
tacliinta sare oo waxa hadhay guddiyadii madaxa banaanaa oo dhan,
waxa hadhay agaasimayaashii, Maareeyeyaashii baa hadhay,
badhasaabadii baa hadhay. Markaa xilku aad buu u ballaadhan, yahay
qaynuun qoran maaha, laakiin waa waxaynu ognahay inaynu ku
xisaabtano in beeluhu talada sare ee dalka ay ka wada muuqdaan,
markaa 26-kan oo keliya maahee ilaa 100 xil oo kale ama ka badan
ayaa hadhay.
S: Markaad ma waxaad uga jeedaa way isqaban karayaan in beelihii
cabashadu ka imaynaysay la qanciyo iyo in la magacaabo dawlad tiro
yar?
J: Ka soo jeedinaya ee odhanaya dawlad tiro yar baan doonayaa wuxuu
afka ka dhawrayaa oo reerkaygu ku jiro, ma odhanayo madaxweyne
dawlad tiro yar baanu kaa sugaynaa, laakiinse reerkayagu waa inuu ku
jiraa waa jawaabta qarsoon ee uu hoosta ku haysto. Markaa lama wada
heli karo reer walba, sideedabana reer uu wax ku kordhinayo wasiirku
ma jirto. Sidaa darteed, dawlad tiro yar mar walba way inagu
adkaanaysaa intuu dadkeenu heer bisayl ah gaadhayo ee laga koraayo
nidaamkan qabaliga ah. Waxaan leeyahay, 100 xil oo kale oo
madaxweynuhu magacaabi doono oo xilal sare ah ayaa jira, markaa waa
inuu madaxweynuhu taa niyada ku hayo oo ciddii imika cabanaysa
dheelitirka meel kale uu ka sameeyo, isaga laftiisa waan kula
talinayaa, wax wayna way u taraysaa dawladiisa.
S: Xildhibaan, waxaad goob-joog u soo ahayd xukuumaddo kala duwan oo
u kala dambeeyey xukunka dalka, sideed u aragtaa arrimaha ka taagan
bariga dalka iyo baaqyada ka soo baxay madax-dhaqameedka shiray?
J: Wallaahi, horta nabadu way wanaagsan tahay, wixii nabad lagu
xalin karo in qori lagu xaliyo maaha, laakiin xilalka waa la kala
leeyahay, waxna dawladaa leh ciidanka rariddiisa iyo meel dejintiisa
xukuumaddaa iska leh, ciidanku istaraatijiyad buu meel ku degaa,
istaraatijiyadna wuu kaga yimaadaa. Markaa aniga ilama habboona in
xilkaa madax-dhaqameed looga dambeeyo, laakiinse madax-dhaqameedku
waxay furi karaan waddo xidhnayd oo ah kala shakigii beelaha, marka
kala shakigaasi baxana waa la wada hadli karaa. Markaa sidaas ayey
dawladda ugu iman kartaa iyagu inay dawlada talo siiyaan mooyaane
inay go’aamo malaha, ciidanka dhaqaajintiisuna waa xil u yaala
Wasaaradda gaashaandhiga iyo taliyaha guud markay la tashadaan
madaxweynaha. Markaa xil dad kale u wareegi kara maaha, laakiin
waxaan u arkaa hawshan Salaadiintu qabatay inay tahay furihii
qaabkii loo wada hadli lahaa, marka la wada hadlo ee nabad la gaadho
meeshaanu ciidanku ku habboonayn waa laga soo qaadi karaa, laakiin
waxa ka horeysa in xukuumadda hawsha loo daayo haloo furo albaabadii
ka xidhnaa, laakiin go’aanka xukuumaddaa leh.
S: Waxa jiray hadalladdii u dambeeyay ee madaxweyne Rayaale waxa ka
mid ahaa in xilka madaxweynenimo aad adigu ku wareejisay arrintaa,
maxaad ka odhan kartaa?
J: Maya, taas markeedaan ka hadli doonaa kumanaan wareejine (M/weynihii
hore) ee madaxweyne ku-xigeen ayuu ahaa, madaxweyne ku-xigeenkuna
hadiyo jeer waa xil suge, markuu maqan yahay (madaxweynuhu), markuu
xanuunsado, markuu dhinto intaba isagaa ah (ku-sime madaxweyne),
markaa inay sune inoo noqoto oo ninka madaxweyne ku-xigeenka ah aan
looga boodin abtirsiimada.
S: Ma jiraan talooyin aad si gaar ah ugu socodsiinaysa madaxweynaha
ka xildhibaan ahaan?
J: Wallaahi, kuma cusba talada dalka (madaxweynuhu), xilal badan wuu
ka soo qabtay, Golahan aan ku jirana (Wakiillada) wuu iiga horeeyey
oo isagaa ayaaba xildhibaan ahaa muddo badan oo mucaarid buu ahaa,
ta ugu horeysaa waxa weeye, in dulqaad loo yeesho mucaaradka,
mucaarad wuu soo ahaan jiray golaha mucaarad adag buu ka ahaa,
imikana mucaarad buu ahaa. Markaa ta u horeysa ee aan leeyahay waa
in dulqaad loo yeesho mucaaradka, lagana faa’iidaysto mucaaradka oo
wax kaa dahsoon ayuu kuu furaa. Barigii uu isagu baarlamaanka ku
jiray wax wayn buu u taray madaxweynihii uu mucaaradka ku ahaa oo
afkaar badan ayaa laga dheegan jiray, isna waxaan filayaa maanta
marka mucaaradku golaha ka dhex kaco inuu ka faa’iidaysto oo wax
badan oo ka dahsoon uu ka qaato ee aanu dhibsan.
S: Waqtiga muddada golihiinu Oktober ayuu ku egyahay, arrintaa
sideed u aragtaa sharciyan? Haddiise Golahan la bedelo, adigu ma ku
sii jiraysaa siyaasadda?
J: Wallaahi, u malayn maayo inaan Baarlamaanka dib isugu soo sharixi
doono, way jiraan hawlo kale oo badan oo dalka laga qabtaa. Imika
doorasho na hortaalaa ma jirto, muddadiina way dhamaanaysaa 29
September 2010 ayey ku egtahay, waxba (dhaqaale) diyaar uma aha oo u
malayn maayo, hanti kale oo doorasho lagu gala iyada oo tan imika
laga soo baxay xaalada dhaqaale ee dalkana aynu ka war hayno, markaa
xukuumadda ayey u taalaa soo-jeedinta intay dib u dhigayso
doorashada baarlamaanka.
S: Xildhibaan, dawlada cusub waxyaabaha hor yaala iyo waxqabadka ugu
horeeya ee aad kula talin lahayd maxaa ka mid ah?
J: Wallaahi, waxyaabo iska soo jiitamayey oo qabyo ah ayaa jira,
dhaqaalaha dalka iyo wada jirka dalkana aan ku fiicnayn oo bari oo
dhan waxa ka socota maanta lacag aan Somaliland ahayn, dawladii
horena way ballan qaaday lacagna waa loo ansixiyey. Markaa, in kow
laga dhigo iyada oo lacagtaa bariga laga badelo. Lacagtu dhaqaalaha
dalka ayey isku xidhaa, dalka wada jirkiisana waxbay ka tartaa.
Sidaa darteed, waa in dalka hal lacag ka jirto hal calan-na uu
leeyahay, markaa laba lacagayaw dalka kama wada socon karto. Inkasta
oo aan hubo inaanay sanadkan u wada helayn, haddana waa inay
ahmiyada siiyaan oo ay ka dhabeeyaan sidii lacagtaa loo badeli lahaa.
Arrimahan gobolkan Gabiley ee soo jiitamay inaanay halkaa dhaafin oo
sidii loo xalin lahaa oo in badan bay soo jiitamaysay, markaa waa
inay dawladani noqoto dawladii xalinaysay. Sool iyo Sanaagna waa
arrin waligeenba ina sugaysay, markaa wixii ay ku biirinayso ee
cusub halkii dawladii hore gaadhsiisay meel ka fiican in iyana ay
gayso oo ay ku dhiirato ayaa laga rabaa.
S: Xildhibaan, arrimaha ictiraafka xukuumadda cusub maxay ka qaban
kartaa baad isleedahay?
J: Wallaahi, ictiraafku inta badan waxa weeye markay qabsano shaqada
guddaheena ee aynu dalkeena hagaajisano ictiraafku meelo badan ayuu
ka iman karaa, imikaba dalal badan oo sidii dawlad inoola dhaqma
ayaa jira, anigu laakiin culayska waxaan saari lahaa inaynu
qabyadeena dhamaystirno, ictiraafku yuu inoo noqonin marmarasiiyo
aynu indhaha kaga qarsano qabyadeena, way dhacdaa mararka qaarkood,
qabyada waxa jirta mid ku dumisa haddii aad daweyn waydo oo ay kugu
fido.
S: Ugu dambayn Xildhibaan maxaad u soo jeedin lahayd shacbiga?
J: Wallaahi, shacbiga waxaan u soo jeedinayaa Somaliland waxa ugu
qiimaha badan ee ay haysataa waa nabadgelyada, nabadgelyada inta
badan waxa carqaladeeya markuu tartanka siyaasadeed qaloocdo, mar
buu ku sigtay inuu qaloocdo tartankii siyaasadeed ha noqoto axsaab
mucaarad ah iyo xukuumadda ama noqoto xildhibaanada golaha oo labada
dhinac kala taageersan oo iyaguna isku fogaaday, markaa tartankuna
waa halkiisa ee in cagta loo dhigo mar walba, anigu waxaan
aaminsanahay xisbi siyaasi ah oo dalkan u cadaw ahi ma jiro yaan la
odhan qoladan ayaa xun iyo iyagaa dalka duminaya midna, dalka waynu
wada rabnaa waynu wada doonaynaa, laakiin nin walba si gaar ah ayuun
bay taladu ugu muuqataa, intaa haddii la isla qaato waxaan hubaa in
laga gudbi doono wax badan qaranka dumin karaya, dumista qarankuna
way fududahay, waa iyada oo khilaafka siyaasadeed xal loo waayo,
khilaafka siyaasadeedna qawaaniin baynu ka leenahay, waxana weeyaan
waar ninkii kursi ama xukun doonayaw dfariiq loo maro ayey leedahay.
Source: Wargeyska Ogaal
|