Wasiirka Khaarijiga Somaliland oo jawaab ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay Puntland

 

        

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay ka soo yeedhay

Madaxweynaha cusub ee Maamul-goboleedka Puntland oo sheegay in Sool iyo Sanaag bari ka tirsan yihiin Puntland, Somaliland iskaga tagto, balse Md. Ducaale waxa uu sheegay in hadalkaasi uu yahay gef aan la aqbali karin.


Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo maanta mar wefti uu ka mid yahay ka dhoofayeen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa warbaahinta ugu waramayey waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeedhay Madaxweyne Maamul-goboleedka puntland uu yahay wax lala yaabo, isla markaana aan isir dawlad lagu dhisin karin.


“Hadalka ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynaha maamulka Garoowe waxaannu u aragnaa gef wax lala yaabo ah. Wuxuu ka hadlay oo uu sheegay in wixii isku isir ah ee isku qabiil ahi ay wada hawlgalayaan, laakiin dawladnimo, qaranimo iyo dalal laguma dhiso isirnimo. Waxay u muuqataa inuu isha ku hayo waxyaabo beri hore laga gudbay, haddii uu isirnimo-doon ku wanqalay waraysigiisii u horreeyey, taasi waxay aniga iigu muuqataa inuu aragti fog wato oo ah dalalka jaarka ah wixii la isir ah isaga iyo maamulka Garoowe uu doonayo sida Kilalka shanaad ee Itoobiya iyo ta Kiiniyaba. Waa arrin la yaab leh oo soo korodhay raggii hore waabay ka yar warwareegi jireen oo daahbay saari jireene, waanuna cambaaraynaynaa,” ayuu yidhi Md. Ducaale.


Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland waxa uu caddeeyey in xuduudaha Somaliland ay yihiin qaar cad oo ah kuwii uu ka tagay isticmaarku, isla markaana aanu jirin wax kale oo lagu maamulayo xuduuduhu.


Isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xuduudihii isticmaarka ayey Afrika maanta ku wada fadhidaa, waxaana jiray in Midowga Afrika yidhi hala dhawro xuduudahaas, haddii loo nisbaynayo in qabaa’il lagu abuuro dawladdo Afrika oo dhanba dib baa loogu noqonayaa xuduudaheeda. Mida kale gobolkaas weligiiba waxa la odhan jiray Majeerteeniya wax hore u jirayna maaha ee waa magac cusub oo dhawaan la abuuray, halka xuduudaha isticmaarkii ka tagay ee jirayna ay ahaayeen laba qaybood oo kala ahaa tii Talyaaniga iyo tii Somaliland ee Ingiriiska.”


Md. Ducaale waxa kale oo uu tilmaamay in shacabka reer Sool iyo Sanaag bari ay diyaar u yihiin ka mid ahaanshaha qaranka Somaliland, diyaarna ay u yihiin inay wax la qabsadaan, balse ay jiraan buu yidhi, “Afar xubnood oo ah madaxdhaqameedyo ka tagay wixii dhaqanku ahaa oo siyaasiyiin noqday oo aanay rabi dadkii goboladaasi ayaa ku sugan Garoowe oo danahooda gaarka ah u jooga, waxaannuna uga digaynaa in fadqalalo ay sameeyaan, Somaliland taa uma baahna, laakiin iyaga ayey dhibaato badani haysataa oo ay ugu weyn tahay budhcad-badeedka oo aannu qabno inay idhaha ka laabteen haddii aanay toosba u taageerin.”

 

 



Togdheernews