Cabdicasiis Samaale Oo Hadhimo-sharafeed Jawaab U Ah Casu umadii Muuse Biixi Maanta U Sameeyay Beeshiisa Sacad Muuse

 



Wasiirka maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna maanta hadhimo sharafeed u sameeyay odayaal...


Hargeysa (TNN)- Loolan adag oo u dhexeeya madaxda sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa laba dii maalmood ee u dambeeyay si weyn looga dareemay magaalada Hargeysa, kaas oo salk a ku haya guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Loolankan oo hordhac u ah shirweynaha xisbiga KULMIYE oo qabsoomi doona bisha March ee soo socota, waxa uu u dhexeeyaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Guddoomiye Muuse Biixi oo taageero u raadsanaya inaan lagula tartamin jagada guddoomi yaha xisbiga, ayaa hadhimo sharafeed u sameeyay cuqaal, odayaal, dhallinyaro iyo aqoony ahano ka soo jeeda Beesha Xuseen Abokor oo ka tirsan Beelaha Sacad Muuse, waxaana la sheegay in ujeedada qadadaasi ahayd sidii ay uga hawlgeli lahaayeen taageero u raadinta Muuse Biixi Cabdi, iyagoo marka hore taageero raadintooda ka bilaabi doona gudahooda.

Hase yeeshe Wasiirka maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna maa nta hadhimo sharafeed u sameeyay odayaal, wax garad iyo aqoonyaho ka soo jeeda guud ahaan Beesha Sacad Muuse, hadhimo sharafeedaasi oo sida muuqata jawaab u ah tii Muu se Biixi u sameeyay odayaasha beesha Xuseen Abokor ee Sacad Muuse.

Hadhimo sharafeedan oo maanta ka dhacday huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay odayaal iyo waxgarad iyo dhalinyaro, kuwaasi oo Cabdicasiis Sa maale sababta uu u casuumay ay tahay sidii uu kalsoonidooda u hanan lahaa, si uu awood ugu helo inuu ku guulaysto xilka Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, taasi oo ay ku xidhan tahay Musharaxnimada Madaxwaynaha Kulmiye oo Muuse iyo Cabdicasiisba u hanqal taagayaan.

Inkasta oo aan warbaahinta loo ogolayn kulankaasi, ayaa haddana dadkii ka qayb-galay w axay sheegeen in odayaashii iyo dadkii casuumada qadada ah loo fidiyey ay halkaasi Cabd icasiis uga muujiyeen kalsoonidooda iyo inay ku garab galayaan hamigiisa ah inuu ku guula ysto Guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ah siyaaiyiin saaxiib dhow la’ ah Ma daxwayne Siilaanyo, ayaa ilaa hadda su’aasha shacabka ku taagani tahay cidda Madaxwa yne Axmed Siilaanyo dhinaca saari doono, maadaama oo labadooduba saaxiib la yihiin Mad a xwaynaha, inkasta oo dano siyaasadeed oo qarsooni jiraan.

Illaa hadda Ma Cadda Masuul kasban doona Taageeradda Beelaha Somaliland gaar ahaana inta ku jirta Xisbiga kulmiye iyada oo Labadan masuul mid waliba isku dayay Kasbashada Xubnaha Golaha Dhexe iyo Deegaamada ay ka soo jeedaan iyada oo Maalmihii ugu Danbee yay aad loo Hadal hayay Mudane C/casiis Maxamed Samaale in uu Taageero iyo Cudud Xoo gan ka hayso Beelaha somaliland gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo ee Sacad Muuse.
 

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland