CABDALE XAAJI CALI OO MAANTA DALKA DIB UGU SOO LAABTAY MUDO DHEER DABADEED

 

Berbera (Longlivesomaliland News)Cabdale Xaaji Cali oo u dhashay dalka Somaliland hore uga haan jiray mayer magaalda Berbera xilka dabadina xilal badan ka soo qabtay xukuumadihi Somaliya ee Cabdi qaasin iyo kuwi ka dambeeyey ahaana xubin baarlmaankaa Somalia ee dawlada Sh.Shiriif ka tirsan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay isaga oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Cabdale Xaaji Cali ayaa sheegay in uu dalkiisa dib ugu soo laabta kana faaidaystay cafiska uu u fidiyey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Dahir Riyaale Kaahin.

Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxaa la sheegayaa markii uu madaarka ka soo degay in uu shir jaraadi qabtay taas oo uu kaga waramay xaalada dalka Somalia taas oo uu ku sheegay in Somalia dagaalo aafeeyeen taas oo uu yidhi maalinba maalinka ka dambaysa ayaa waxaa ka sii hurmaaya duufaano dagaalo oo aan ujedadooda la garanayn halkaas oo ay maalinkii ku dhintaan dad aan qiyaastooda la qiyaasi karin oo rayid iyo cid walba isugu jirta, taasna waxaa dheer ayuu yidhi Cabdale qafaaladashada iyo dilida shaqsiga oo ku ah sahal .

Waxaanu Cabdale ugu baaqay madaxda dalka Somaliland in ay nabada ilaaliyaan ugana soo wada jeestaan meel wax walba oo khal khal galinaaya nabad gelyada dalka, sidoo kale shacab waynaha Somalilandna waxa uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada nabad gelyada lana ilaaliyaan xasiloonida kana feejignaadaan dagaaladaas ka soconaaya Somalia in ay ku soo faafaan dhinacan Somaliland.


Source: Togaherer