Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo Maanta laga xusay 15-guuradii
kasoo wareegtay Maalinta Saxaafadda Somaliland
Kali-talisnimada maaha askar talada la wareegta uun sidii Adeerkay
Maxamed Siyaad Bare oo ka le, laakiin kalitalinimaddu waa qofka oo
loo diido in uu Ra’yigiisa u madaxa banaanaado, inuu hadli kari
waayo,"ayuu yidhi xildhiban Saleebaan Cali Koore....Daawo sawiro aad
u tiro badan
Hargeysa (TNN):- Somaliland ayaa laga xusay sanad guuradii 15aad ee
ka soo wareegtay maalin ta loo asteeyey maalinta saxaafadda
Somaliland oo sanad kasta loo dabaaldego bisha November 9-keedda.
Saxaafadda Somaliland ayaa maalintan isku raacday inay noqoto
maalinta saxaafada Somaliland oo ah maalintii uu geeriyooday
Suxufigii hirgaliyey saxaafada madaxa banaan Maxamuud Cabdi Shide oo
dalka ka hirgaliyey jaraa’idka casriga ah, isla markaana hanti badan
galiyey sidii warbaa hin madax banaan loo hirgelin lahaa.
Munaasibadda loogu dabaaldegayey maalinta saxaafada Somaliland ayaa
lagu xusay hoteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo
qaybgalay xisbiyad mucaaradka, wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi
Cukuse iyo suxufiyiin faro badan.
Guddoomiyaha ururka saxaafada SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa ka
sheekeeyey carqaladaha warbaahinta hortaagan iyo sidii looga hortagi
lahaa xeerka saxaafadda ee lagu cabudhinayo warbaahinta madaxa
banaan, sidoo kale, waxa uu xusay in siyaasiyiinta mucaaradka iyo
kuwo muxaafadka ahba aan la kala jeclaysan.
Musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Afhayeenka xisbiga UCID
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Cali Koore oo ka socday
Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland iyo siyaasiyiin kale oo
dhamaantoodbaa warbaahinta ku hambalyey horumarka ay gaadhay iyo
sanad guuradii 15aad ee ka soo wareegtay xuska maalinta saxaafada
madaxa banaan ee Somaliland
Sidoo kale, waxay si adag uga hor yimaadeen xeerka ay xukuumadu
dabadda ka riixayso ee ka hor imanaya madaxa banaanidda xoriyatul
qawlka Somaliland.
“Kali-talisnimada maaha askar talada la wareegta uun sidii Adeerkay
Maxamed Siyaad Bare oo kale, laakiin kalitalinimaddu waa qofka oo
loo diido in uu Ra’yigiisa u madaxa banaanaado, inuu hadli kari
waayo, madaxweynaha oo diida in tallo la siiyo iyo in la cabudhiyo
xoriyatul Qawlka iyo wuxuu aaminsanyahay ayaa looyaqaan kaligii
taliye ”ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah
madasha wadatashiga iyo toosina Somaliland
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay ruug cadaayaasha
warbaahinta oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Ducaale, Xuseen Cali Nuur,
Cabdilaahi Wayab iyo Faysal Cali Sheekh oo ka waramay marxaladihii
kala duwanaa ee saxaafada Somaliland soo martay iyo sababta
maalintan loogu doortay inay noqoto maalinta saxaafada Somaliland,
wallow ay jirtay maalintii ugu horaysay ee wariyeyaal farobadan hal
mar la wada xidhay oo ahayd bishii june 1993 kii, haseyeeshee
maalintan loo doortay markii uu dhintay halyeygii saxaafadda
Somaliland ee warbaahinta casriga ah dalka ka hirgaliyey.
Wasiir warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa
sheegay in maalintan oo kale ay ahayd in laga hadlo taariikhdii
warbaahinta Somaliland soo martay iyo sidii loo horumarin lahaa
warbaahinta, waxaanu warbaahinta usoo jeediyey in aanay waxba ka
qorin siyaasiyiinta cadhaysan iyo kuwo xil doonka ah ee hadaladda
aan munaasibka ahayn ku hadla, isla markaana mararka qaarkood
qaranimada wax ka sheegaya.
Sidoo kale, wuxuu xusay in loo baahan yahay in xeer raali laga wada
yahay la sameeyo, isla markaana la isku yimaado warbaahinta, ururada
bulshada, ururada qareenadda Somaliland, ururada xuquuqul iinsaanka
iyo culimadda si loo sameeyo xeer saxaafadda lagu hago si aanu qof
kasta waxa uu doono u qorin, isla markaana lagu kala badbaado.
Wasiir Cukuse ayaa ku faanay in markii uu wasiirka noqday in 24
saacadood nin suxufi ahi xidhnaan, isla markaana uu markiiba soo
daayo hadii wariye la xidho, isagoo sheegay in labaatankii sanadood
ee u dambeeyey ka mid ahaa warbaahinta madaxa banaan, isla markaana
uu ka mid ah mulkiilayaasha xarumo warbaahineed oo madaxa banaan
“Xukuumadani madaxweyne Siilaanyo waxay xilal sare u magacowday
wariyeyaal, isla markaana madaxweynaha kama suurowdo inay
cabudhiyaan warbaahinta, laakiin waa loo hiilinayaa si mustaqbalka
warbaahinta madaxa banaan usii jiri karto ”ayuu yidhi Cukuse
wasiirka warfaafinta oo la garnaqsanayey Siyaasiyiinta mucaaradka oo
si adag u dhaliilay xukuumadda.
Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta mucaaradka ah oo hore uga caban
jiray in munaasibadaha xukuumadu ka soo qaybgasho in aan loo ogolaan
inay ka hadlaan, ayaa maanta Ururka Saxaafada Somaliland u
ogolaadeen inay xisbiyadda iyo Madasha wadatashiguba ka hadlaan,
kuwaas oo fursad u noqotay ay ku bandhigaan dhaliilaha xukuumadda.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|