TACSI MADAXWEYNE

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee ay ka baxday MARXUUMAD CAASHA CUMAR BULLAALE oo ahayd Xaaskii Mujaahid Maxamuud Haybe Goodhaadh oo ahaa Mujaahidiintii dalkan ku lahaa qiimaha ee naftooda u huray sidii ay dalkan u xorayn lahaayeen oo ay maanta 14.11.2013 xaaskiisi ku geeriyootay Magaalada Hargeisa lagu na aasay.

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumadda inuu naxariistii Janno ka war aabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

 

 

Axmed Saleebaan Dhuxul,

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland