Caalamka oo yuhuuda iyo Xamaas ka dalbaday inay xabada joojiyaan

 

Sida aad ka war haysaan, waxa ay colaad Diimi iyo dal ahi dhex-taalaa dadka isirkooda isku midka yahay ee Yuhuuda iyo Crabta, waxana ay si gaar ah oo toos ah oo saamayn ku leh nolol-maalmoodkooda u dul hoganaysaa, labada dad iyo maamul ee Falastiiniyiinta iyo Israa' il. Laga soo bilaabo qarnigii hore badhtankiisii oo ku beegan xili hada laga joogo 60 gu' , oo ah markii la siiyay dhulka hada loo yaqaan Israa' al dadka yuhuuda ah, waxa had iyo jeer ka taagnaa colaad oo qumnacu waxa uu ahaa mid ama dhuunta ku jira ama ka baxay, iyadoo marar kale duwan maryo-dhiigleh la kala furtay, colaadaasi hadaba waxay soo dabtay oo keentay in dano laga yeesho meeshaa oo waxa faragalin badan ku sameeyay quwado shisheeye, oo qaarba dhan ka soo jeesteen badhitaageero dhinacyo badan ahna siiyeen dhankay la jireen, taasoo in mudo ah ay labada dhan dagaal isku dhadhaw cudud ahaan dagaalamayeen, guushu ninka ay doonto ha raacdo-e '' xasuuso dagalkii Masar, Suuriya, Libnaan oo dhan ah iyo Israa' iil oo dhan ah ''..

Waxase taasi ay is bedeshay oo dhinac ka mid ah labadii is hayay waa Carabta '' falastiine '' garabkiisu banaanaaday markii ay awoodii shuuciyada ahayd ee la odhan jiray Waarso, ee uu calanka hor siday Soofiyeetku meesha ka baxday ee lagaga adkaaday dagaalkii qaboobaa '' 1989-90'', waxay isku dheelitir la' aantaasi keentay inaanay si siman amaba isku dhaw hiilimaad u wada hlein labadaasi, taasi waxay dhashay in Israa' il ay hesho fursad aan cidi '' Dooh ama ush, cajee '' lahayn, oo waxay doonto oon ka waabis jirin samayso, haday tahay dad la laayo, la xidhxidho, magaalooyin la dukheeyo, cunqabatayn la saaro dadka, gidaar lagu kala qaybiyo dad is leh iwm.

Ma aha mar iyo laba inta jeer ee ay dagaal wayn Israa' iil soo qaaday ee ay dhul ku qabsatay aanay iyadu lahayn ama ay burburisay, waxa ka mid ahaa dhulalka ay galalaftay ama hantiday ee ay mudo ka talinaysay ama ay hadadanba ka amar-ku-taaglayso, Buuraha Goolan haydh, Baytul-qudus, Libnaan, daanta dooxa Jordan iyo Gaza iwm. Ma jirto aduunwaynaha cid weli ku guulaysatay inay wax kaleba ha kuu danbeeyaan cunaqabatayan saarto Israa' iil, o iadu kolba sidaya doonto ka yeesha dadka Falastiiniyiint ah, oo waxa cudud iyo awood la garab jooga dalka Maraaykanka '' Bog brother watchs '', waa laga yaabaa sida hadaba dhacaysa ee aan maqlayno, inay dad badanoo caalamka kale ah oo weliba u badan Yurubiyaanka maamuladoodu ay soo saaraan dhawaaqyo, aan cod dheeri riixayn, oo ay ku baryayaan in Israa' il joojiso hawlgalada ay ka wado Falastiin '' waa sida ay iyagu yidhaahdaane '' wax-se intaa dheer kuma dhaqaaqaan oo danaahooda gaarka ayaa ay eeganayaan.

Todobaadkan waxa ay Israa' iil, dukhayn cirka ah ku baabiisay meelo badanoo ka mid ah dhulka ay ku nool yihiin Falastiiniyiintu oo ku yaal qaybta loo yaqaan Gasa, waxana ku dhintay garaacista diyaaradahu ay sameeyeen dad ka badan 200 oo qof, waxa ku dhaawacmay intaa in ka badan, halka ay Israa'' il hal qof oo kali ah madfac ay rideen Xamaas ku dilay, taasi waxay kuu cadaynaysaa sida aanay iskugu dheeli tirnayn dagaalka ay dagaalamaan Falastiin iyo Yuhuud, oo mar kasta ay Israa' il boqol jeer laab disho inta iyada laga dilo. Cid canbaarayn adag xataa u jeedisay ma jirto Israa' iil, Carab iyadu meeshaba ma joogtee waxa hadalo aan debnaha dhaafsanayn oo weliba ay labada dhanba kula hadlayaan Telefishinadooda ka sii daayay, madaxda Yurub iyo Marayakanka, iyaga oo kula talaiyay labada dhan ee is haya inay wada hadal wax ku doonaan eenay xal moodin xabada !.

Waxase aan ognahay Inagu '' dadka ku nool caalamka '' inaanay ahayn duqayntani tii u horeysay, oo aanay noqon doonina tii ugu danbaysay ee xaalku yahay '' Bariga dhexe '' , ma xasuusataa, halhayskii ahaa '' xaalku waa bariga dhexe''. !..
 

 

 


 

Cali Cumar Xasan
Longlivesomaliland News Media
Amstelveen Office , Holland