Buuga Nabaadiino oo Luuqada Ingiriisiga lagu Tur jumay oo Xalay Lagu Soo bandhigay Hargeisa

 



 

Hargeysa (Timacade News)-Xaflad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen  Naadi ga Akhrika  H argeisa (HRC) laguna soo bandhigay Buuga Nabadiino oo loo  turjum ay Luuqada Ingiriisaga  a yaa Xalay lagu soo qabtay Hotel Emperial ee magaalada Hargeisa,


Buugaasi oo uu Qoray Qoraaraga Caanka ah ee Xasan Cabdi Madar ayaa waxaa ka soo qayb galay, Musharaxa Madaxwayne ku Xigeenka Xisbiga Ucid  Pro.Maxa med Rashiid Sh.Xasan, M asuuliyiin ka socotay Hayada Danish Refugee Council (DRC), Abwaan Axmed Aw-geedi  Dhe eraad, Gudoomiye ku Xigeenka Jaamacada Hargeisa Mubaarik Ibraahin Aar, Maamulka iyo  Xu bnaha Naadiga Akhriska  Hargei sa, Qorayaal iyo Marti sharaf kale oo farabadan.


Xalada Bandhiga Buugaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Hargeisa Readers Clup ( HRC ) ayaa  ah ayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo loo qabto Buug ku soo baxay Afka hooyo oo lagu  ta jumo Luqad Ajaanib ah.


Buugga “Nabaadiino” ee uu qoray qoraaga caanka ah ee Xasan Cabdi Madar, ay aa waxa maal galisay Kharashka Loogu turjumay Luqada Ingiriisiga Hayadda  Caa lamiga ah ee DRC.  Tarju midiisana waxa ku guulaystay Muwaadin reer Somaliland ah oo magiciisu yahay Ismaaciil  Xuse en Xandule.

Ugu horay waxaa Hadal kooban ka jeediyay Halkaasi Isu duwaha Naadiga akhriska Hargeisa  Mr.Maxamed Daahir Xasan waxaana uu ka waramay waxyaabihii loo  aa saasay Naadiga  akhr iska hargeisa iyo Sida ay ku timid fikradda aasaaska Naadiga akhriska ee Hargeisa, waxa uu dib u jaleecay Waxyaabaha Muga leh ee Naadigu ku talaabsaday intii uu jiray, sidoo kale  Himil ooyinka Naadiga ee Mustaqbalka Dhaw, waxa uu aad ugu dheeraaday sida ay ugu  faraxsan yihiin Talaabadan ah in Maanta Buug uu qoray qof Muwaadin ah Loo rogo Mid ka mid ah  Luqa daha ugu caansan dunida.


Qoraaga Buuga” Nabaadiino” ee lagu ururiyay Suugaanta Somalida ee Xuquuqda Aadamaha Xasan Cabdi Madar, oo Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay waxaa uu ka waramay socdaalkii ay Buuga Nabaadiino isla soo mareen isaga oo tilmaamay in markii dhegeheenna ay ku  bad at ay Ilaalinta Xuquuquhu ay noqotay inaynu dib u jaleecno dhaqankeenii, ka dib aynu ka  falan qayno Sida gabayaaga  soomaaliye ed u ilaaliyay xuquuqda Aadamaha, ama ugu tacadiyay, Labadaba, sidoo kale  wa xaa uu Xusay Xasan waqti aanay Hay’addo xuquuqal insaanba jirin ayay iyagu Mashaakilkooda ku xalisan jireen Maansooyinka Nabada, ama ay hurin jireenba hadii ay doonaan.

Xasan Cabdi madar waxa uu aad ugu Mahadnaqay Hayada Caalamiga ah ee DRC iyo Naadiga Akhriska hargeisa oo ku amaanay kaalintii ay ka gaysteen Bandhiga iyo turjimada Buugaasi, waxa kale oo uu aad ugu mahadnaqay Ismaaciil Xuseen Xandule oo isagu Turjumay Buuga Nabadiino.

 Waxaa isagu Xafladaasi ka hadlay Abwaanka Axmed Aw-geedi (Dheeraad) oo tibaaxay in Buugu koobsaday Maansooyin la tiriyay waqtiyo fog, kuwo dhaw,iyo kuwo dhexeba, isaga oo tibaaxay in Abwaanku aanu ku jirin dadka caamada ah ama uu ka xeeldheeryahay inta badana uu wax ka sii sheegi karo Mustaqbalka.

Abwaan Axmed Aw-geedi waxa uu halkaa ka tiriyay Gabaygii “Dhulgariir” ee Abwaan  Hadraa wi, oo ah Gabayada ugu horeeya Buugga, isaga oo ka codsaday dhalinta inay iyagu la  yima adaan maskax furan oo ka duwan tii ahayd dhaqankan waxaanu ka soo gaadhnay  awawyaas hayo ayuu yidhi abwaan aw geedi.

Tarjumaha Buuga Ismaaciil Xuseen Xandule ayaa ka warbixiyay Dadaalkii dheeraa ee uu u  gal ay sida uu isku waafajin lahaa wada socodka labada luqadood, isaga  o o tibaaxay in  waxyaa bihii ugu adkaa ee ka horyimaadaa ay ahaayeen sida uu  er ay bixin ugu heli lahaa Sarbeebta Suugaanta oo haduu sideeda u macneeyo  Mac nuhu isbedelayo.

Ismaaciil Waxa uu si xiiso badan uga sheekeeyay Kelmadihii ugu darnaa iyo sida  a y kala  yeel een aakhirkii. Ugu dambayntii waxa uu Dhalinta uga sheekeeyay  Waa yo aragnimida  Tarjum ada iyo dareenada Xasaasiga ah ee ku xeeran, isaga oo  til maamay in qofku Aqoon  wanaag san u yeesho labada Luqadood ee uu kala minguurinayaba.

Ugu danbayntii Waxaa hadal kooban isna halkaasi ka jeediyay Musharaxa  Madax wayne ku xigeenka Xisbiga ucid Pro.Maxamed rashiid sh.xasan oo aad ugu  mahad naqay Hargeisa  Rea ders Clup sida wanaagsan ee ay udaadihiyeen Bandhiga buuga Nabaadiino.


Maxamed Rashiid Sh.Xasan waxaa uu ka waramay dhibaatada ay leedahay  turju maada  luqa da somaliga gaar ahaana suugaanta waxaanu uga mahad celiyay  Ismaaciil Xuseen Xandule Turjumada wanaagsan ee uu ka bixiyay Buuga  Nabaad iino.
 

 




Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacade News Reporter
Hargeisa/Somaliland
Timacadenews@hotmail.com