BUUG LA JAANQADAYA AALADAHA AAN ISTIC MAALNO. SOONA NOOLAYNAYA ERAYADA AFSOMALIGA KA DABAR GO’AYA
 

 

( EREY BIXINTA COMPUTER-KA )

Waxay ahayd maalin jimce ah markii aan u diyaar garoobay salaada waxaan yara tagay suuqa meelaha fagaarayaashaa ah ee la iskugu yimaado, anigoo ku talo galkaygu ahaa in aan meelahaa suuqa kasii sharaabo inta aanay  salaa da gaadhin, waxan soo maray koox dhalin yaro ah oo doodaysa kadib markii aan fadhiistay ee aan in mudo ah dhagaystay tuduca ay ka doodayaan iyo gundhiga sheekada, ayaan waxaan ogaaaday in ay ka doodayeen buug  wakh tiyadan danbeba aan ku arki jiray dagalada lagu soo bandhigo buugaagta sida redsea-online (ururka qoraaga Somaliland),dagalka dhaqanka iyo suugaanta farshaxan iyo dagalka suugaanta iyo dhaqanka aftahan .

Waa buug uu qoray c/raxmaan c/laahi faarax (barwaaqo) magaciisana la  yid haa halbixinta ereryada computerka dooda waxaan ku soo gaadhay goor ay sii dheelmanayso dhalinyartan doodu ka dhaxayso oo u qaybsanayd laba  kooxo od koox tilmaamaysay in aan qoraagu adeegsan afsoomaaligii saxda ahaa  bal se adeegsaday ereyo aan afsomaliga ku jirin ama laga isticmaalo meelo kale oo ka baxsan bulshadeena, halka kooxda ka soo horjeedaa ay si xoogan ugu  doo dayeen in weedhahaasi ay yihiin weedho iyo ereyo ahaa alaabo aynu hore u lahayn oo dib inoogu soo noqday qoraaguna uu dib u bakhti afuufay.

Dhalinyartaasi waxay akhriyeen dhawr eray oo kamida erayada buuga ku jiray oo ay ku andacoonayeen iska daa inay noqoto eraybixin kumbuyuutar ee  aa nay waligood dhagahooda kusoo dhicin,Weedhahaasi waxaa ka mid ahaa  ,Ere yga QURAAR oo koox sifiican u sharaxi kararsay halka kooxdan kale ku  dood ayeen inaanay waligood maqal.

Hadaba waxaa xaqiiqo ah inuu eraygani yahay eray wakhti hore la isticmaali jiray waa eray soomaali faseex ah oo aan hada la isticmaalin balse laga heli karo oo kaliya bulshada reer baadiyahaa ah.

Sida runta ah erayga quraar wuxuu ka so jeedaa asalkiisii hore dadkeena reer miyiga ahi waxay samaystaan agab kaasi oo oo ay ku shaqaystaan,beeraha ku qotaan, wax ku cunaan, qaar ay wax ku tumaan, hadaba agabkaasi marka  la soo jaro ayaa si loo qurxiyo oo loo hagaajiyo oo loo xardho waxa ay u  isticma alaan gudin yar aadna uga daab gaaban GUDIN MASAARTA geedaha lagu jaro, gudintaas yar waxaa la yidhaa (GUDIN QURAAR) waxaana lagu quraaraa  Moo yaha, Gacafka, Tibta, Agabka Dibida ee loo adeegsado beer falida, Qabaalka adhiga carada loogu dhigo, IWM.

Waxaan u malaynayaa inaad fahantay macnaha erayga quraar hadii aan u  no qono xaga computerka hadii aan u baahano inaan shay edit-garayno miyaanu ereyga quraarid si fiican ugu dhigmin oo aynaan halkii aan ka odhan lahayn EDITING ku badalan Karin QURAARID oo ah luuqadeena ,


Waxaa isla maalinkaas aan arkay, iguna dhalatay inaan akhriyo buugaas  qiima ha leh isla mudo yar ka dibna waxaan ka qaatay dhalin yartii isla maalinkii aan akhriyayna waxaan xaqiiqsaday inuu soomaaligu yahay luuqad aad u qaaliya waxaan is waydinayay maalinkaas aan akhrinayay suaalo badan, waxaana I hortaalay cadayn sheegaysa in afsomaligu ahaa luuqad balaadhan oo hodana wax walbana laga heli karo, balse dadkii lahaa ay dayaceen kana doorteen  luu qado kale iyagoo moodaya inay ilbaxnimo tahay kana horaysiinaya  luuqadah ooda luuqadaha kale ee ajaanibka.

Wax fudud maaha in lasameeyo eray bixin iyadoo hawsha ugu culus tahay sidii la iskula doonan lahaa eray somaliya oo loo bixin karo qayb kumbuyutarka ka mida magaciisuna tilmaamayo hawsha uu qabanayo.


Markii aan waday akhriska buugan ayaa waxay indhahaygu aad ugu  dhayga geen labadan eray LEFT MARGIN iyo RIGHT MARGIN , oo uu c/raxmaan u helay erayo lagu badanalan karo oo somaliya , kana baarandagay bal u fiirso oo  akh ri habka gaaban ee qoraagu iskula doontay erayadan.

(Marka beer la qodayo marka hore waxaa la jeexaa laba faag kuwaasoo  muuji naya halka ay beerta falideedu ka bilaabmayso iyo halka ay ku dhamaanayso, labadaas faag waxaa la lakala yidhaa FAAGA MIDIG iyo FAAGA BIDIX inta u  dh axaysana waxaa la yidhaa (BOOY) waana inta wax lagu beero ama lagu  shiniy eeyo.

Hadaba qoraagu wuxuu daaha ka qaaday falkaasi inuu u dhigmi karo ka marka aynu kumbuyuutarka Wax ku qorayno, waxaan u samaynaa waxa la yidhaa margins si aanu qoraalku u dhaafin halka aynu doonayno markaas maxaa inoo diiday margins inaan ku badalanofaagag, LEFT MARGIN iyo RIGHT MARGIN  may naan ugu kala yeedhi Karin FAAGA BIDIX iyo FAAGA MIDIG inta wax lagu  qora yana maynaan odhan Karin BOOY.

qoraagan caankaa ee ku talax tagay dhaqanka,suugaanta, iyo xikmada  luu qada soomaligaa ayaa wuxuu ku dadaalay iskuna hawlay inuu inoo soo  ban dhigo ereyo badan oo dadka computerada isticmaalaa halkii ay ka adeegsan jireen ereyo qalaad ay isticmaali karaan erey bixintan wanaagsan ee uu isku soo hawlay qoraagan oo ah runtii nin hawl kara ilaaliyana suugaanta iyo dhaqanka soomaaliyeed hadaba qoragu dadaalkiisii wuu kasoo baxay laakiin waxaa loo baahan yahay in laga reebo lagana kaydiyo afsoomaaligan uu inoo soo bandhigay oo runtii aanay dhalinyarta waqtigani 50% aanay garanayn macnaha ereyo badan oo ku jira buugan laakiin ahaa afsomaali nabaad guuray oo qiimo leh lana isticmaali jiray xiliyo hore iyo ereyo kale oo qoraagu inoo soo bandhigay ,

Waxaa hubaal ah marka aad akhrinaysid buugan in aad in aad arki doonto  ca dayn sheegaysa in af-soomaligu ahaa luuqad hodana waxwalbana laga heli  ka ro laakiin dadkii lahaa ay dayaceen kana doorteen luuqado kale iyagoo  mood aya inay ilbaxnimo tahay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygan waar hala ilaaliyo luuqada  ha dii kale waxaa dhici doonto in caruurteenu noqdaan dad jahawareersan oo  lu uqadoodu dacawo e’ey tahay una dhaxayso luuqado badan.

Waqtiyadii hore dadkeenu waxa ahaa dad gabayo,heeso, heeso hawleedyo, sheekooyin, iyo xikmado kale isticmaali adeegsan jiray sidaas ay tahay hadii ayna ahayn dad aftahamiin ah manta maynaan helneen taariikho badan oo wadankeena ka dhacay balse hada marka aynu u baahano in aynu baadhno dhaqankeenii iyo xaaladihii wakhtigaas waxaan ku laabanaa Gabayadii waxa ay ka sheegeen .

waxay noqon lahaayeen hal bacaad lagu lisay manaynaan ogaaneen taariikhdii dhibtii iyo dheeftii ka dhacday dhulkan iyo dhaqankii,iyo luuqadii bulshadan,b alse waxaan kala soo dhexbaxnay kana dheeganay gabayada iyo murtidii ay is waydaarsan jireen, gabayadaasi iyo xikmadahaasi hore waxay inoo yihiin  mak tabada Ama Madxaf aan wax ka akhrisan karno, kuna kaydsan yihiin, kana heli karno taaariikho badan oo hore u dhacay .

Sidaas ay tahay manta ma jiraan rag gabayaa ah oo u dhigma ragii hore  gud bin karana taariikhdan aan ku suganahay,

Balse waxaa wali nool rag aan waxba ka dhicin ragas hore oo ku dadaalay inay ururiyaan luuqada, dhaqanka, iyo taariikhda dadkan, kuna qoray buugaag si  ay u helaan dadyawga inaga danbeeya iyo kuwo manta nool ee aan waxba ka ogayn dhaqanka,suugaanta, luuqada saxdaa iyo taariikhdii hore tusaale ahaan qoraaga buugan .

c/raxmaan qoraaga buugan EREYBIXINTA COMPUTER-Ka runtii waa nin  gab ayaa ah maskax maal ah waxaanu hore usoo bandhigay maqaalo,gorfayn iyo buugaag badan oo dhamaantood faaiido u leh bulshadeena waana kuwan:-




Hawl qabadka c/raxman c/lahi barwago waxaa ka mida


Buugaag

1) Mahadhada iyo waxqabadkaa axamed Xaashi Dhamac Gaariye (2007)
2) Hal aqoon: Warsidaha suuganta iyo dhaqanka soomaaliyeed (2000 ilaa hada )
3) Abwaanka cudurada dadka iyo duunyada (2001)
4) Magac bilaash uma baxo: Ujeedooyinka magacyada
5) Abwaan cusub oo Afsomali iyo Af-ingiriisiya (1995)
6) Hal bixinta erayada kumbuyuutarka

Qoraalada:-

 Baaxada Suugaanta haweenka soomaaliyeed
 Caadooyinka soomaalida
 Ciyaaraha somaalida
 Cudurada iyo habkii ay somalidu isaga daweyn jirtay
 Dhirta iyo dheefteeda
 Ujeedooyinka magacyada magaalooyinka somaliyeed
 Kumaa ah aabaha miisaanka: ma Gaariye mise Caraale ?
 Qalabka iyo Suugaanta qodaalka (waxa la qoray Nugidoon)
 Siyaabaha ay somalidu u ducaysato
 Taabudnimada ereyga magac iyo adeegsigiisa
 Ujeedooyinka magacyada xoolaha dhedig
 Xasilooni darada afsoomaaliga
 Taxanaha baro abwaankaaga
-Mahadhadii Maxamed Ismacil diiriye “qaasin”
- Mahadhadii C/laahi Suldaan Timacade
- Mahadhadii Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal
- Mahadhadii Ibraahin Xuseen Ismacil “Cirasuge”

Gorfaynta:

 Gorfaynta Qaamuuska cusub ee afsoomaaliga
 Gorfaynta buuga waxa la yidhi “sheekooyin hide ah”
 Ma dhabaa qabiil waa qab iyo ciil
 Gorfaynta buuga la yidhaa “Guri waa haween”
 Gorfaynta buuga la yidhaa:- literature of Somali nomastics and proverbs

c/raxmaan wuu dadaalay laakiin xilkii inaguu ina saran yahay waxaana loo baahan yahay inaan hir galino ereyadan ,ugana dhaadhicino caruurta, iyo dhalinyarada iyo dumarkaba si ay u noqdaan erayo la isticmaalo.

( Nin wayn oo wax garad ahaa ayaa waxa laga hayay inuu yidhi:-
anuu waxaan jiraa saddex boqol oo sano. Markaasay la yaabeen dadkii una maleeyeen khurafaad leh, qof beenaale ah oo wuxuu doono iska odhanaya , laakiin qaar kale oo si kale u fikirayay ayaa waydiiyay sideed u jirtay sadex boqol oo sano adeer?.
Waxaanu ku jawaabay adeer boqol sano awoowgay ayaa jiray oo aabahay uga sheekeeyay, boqolka kalena waxaa jiray aabahay oo aniga iiga sheekeeyay. Boqolka kalena anaa noolaa ).

Talo bixin

 si loo hirgaliyo ereyadan uu inoo xifdiyay qoraagu marka hore waa meelaha lagu dhigo computer soft-ware iyo hard-ware ku waa in ay samaystaan buugaag soomaaliya oo ka hadlaya computerka iyagoo ka dheeganaya buugan.
Macalimiintuna waa inay ku gudbiyaan afsoomaali kana dhaadhiciyaan ardayda oo halkii ay ka odhan lahaayeen FORMATTING waa inay isticmaalaan AGLOOLID,

 Waa in raga farsamo yaqaaniintaa ee computerada hagaajiya iyo kuwa  iib iyaaba isticmaalaan ereyadan si ay bulshada u dhex galaan ulana qabsadaan dadku, waxaana qasaba hadii ay isticmaalaan dadka iibiyaa qalabka  computer ada erayadan soomaaligaa in ay si dagdaga u noqon doonaan erayo macruuf ah oo la isla garanayo.

 Qoraaga waxaan kula talinayaa in uu soo saaro buug noociisu yahay Somali lagu turjumay soomaali, sobobtoo ah waxaa ku jira buugan ereyo badan oo ilaa dhawr boqol oo erey ah 50% aanay fahmayn dhalinyarta hada taagan, waxaa kale muhiima in loo sheego dadka halka ay erayadani asalkoodu ahaa sida erayo badani waxay kaaga baahanayaan dictionary ama micneeye
 

 


Qore: Fuaad Cabdilaahi Xassan

Fuaad_phy@hotmail.com