BUUBAA , XIDIGII IS MAAX DUMIYAY
Ismaaciil Hure ( BuuBaa )
 

Asalamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakatu Waxaan Salamaya Dhaman Shaqalaha Sida Hagarli ida Ah Wararka somaliland Iyo Calaamka kaleba Noso Tabiya.

Waxan kalo salamaya Dhamaan Umada Somaliland Melkastoy joogan Madax iyo Mijoba,Intaa Kabacdi Hadaan Udaadago Mowduuca Qoralkayga oo kusaabsan Siyaasiga Weyn Ee Rere Somaliland Ismaaciil Hure (BuuBaa) Sida Lawada Ogyahay Wuxu Ahaa Nin Magac Weyn Kuleh Uruurka Xaq Udirirka SNM,Waxaynu Kalo ognahay in u yahay Siyasi weyn oo somaliland iyo somalia Laga yaqaano.

Ismaile Hure oo Siyasadisi iyo cimigi u bartey somaliland in u wax ku yeeleeyo mooyane waxba ugumu qaban,Maanta oo Caalamki odhami uso jeesteen somaliland iyo wax qabadkay Qabsatey Ayaa Buubaa Yidhi Somaliland Ayaan U socdaa Waana Markii Ay waxba Uga Socon waayeen Embhagati Iyo Federel Wuxuu Idaacadaha & meel Kastaba La taagnaa Hadaba Somaliland Xukuumad Iyo Shacaba Waxaynu U codeynay DAstuur 97% In Qaynuunkaa La dhigtay Qof kastaba OO somalilander UU qabanayo .

Waxaa Jirta shaqsi kasta Oo somalilander ah Siyaasi Shicib Midkuu Doono Ha noqdee Qofkii Khiyaamo Qaran Ku kacaa Inuu Qabanayo Qodobo Dastuuri ah.

Sida ay Dhowr Jeer Ka fadhiisteen Barlaman & guurtiba Waxaa Jira Dambiile Khiyaamo Qaran , qofkii gala ay waajib ku tahay dhammaanba hayadaha ku sheqada leh in ay horkeenan Maxkamadaha awoodda u leh, iyadoo la raacayo xeerarka u tilmaamay dastuurka ee qoddobka 130aad faqradiisa 5aad.

Hadaba Buubaa Qodobadan Iyo qaar kaloo Badaniba wey qabanayaan Sida aniga Iyo Inta Ila Fahanka ahiba aaminsan Yihiin.

Bal hadaba Maanta Oo somaliland Indhihii Caalamkuba U soo Wada jeedaan Ma U baahanay Buubaa Iyo Kuwa La midka ahba Iney Iska Yimadan Iyagoo Mabdii Hore weli aaminsan , Cafisna Aan weli Ka Dalban Xukuumad Iyo Shacabka Somaliland Ee Khiyaamada Ku sameeyen Isaga Iyo qaar kaloo Badaniba.

Taladeeda Iyo wax iska weydiin teedaba waxay u taallaa xukuumada & shacabka Reer Somaliland .
 


Ilaahay Baa Mahad Leh
 


GUUL & GOBANIMO SOMALILAND



W/Q Abdirahman J Liban

Anchorage , Alaska