Burburka kulmiye wax ma ina yeeli karaa

 


Waxaan salaamayaa dhamaan Timacade groub, iyo dhamaan reer somailand meel ay joo gaan ba.Waxaan ilaahay ka baryayaa, in khilaaf ka kulmiye, ina galaafan.Halkan waxaan ku soo lifaaqay maqaal aragtiday da ah.

Khilaaf ka kulmiye somalilaan wax ma yeeli kara

Sidaynu la wada socono ayaamahan waxa taagan khilaaf laxaad leh, oo ka dhex aloosan Xusbul xaakim kulmiye. Waxaynu maalin walba maqlaynaa, goaano aan meel mar ahayn, oo midna aanu keenayn wax faaiido ah.
Xusbul xaakim ku , mudo dheer baynu ka wara hayna, siday wax u socdeen, iyo murug badan, oo ka dhex aloosan, waxaynu isla markaa maqlaynay, in la daaweeyay, tiraba dhawr jeer ooh ore, ilaa maan tana daawo looma helin

Maxa sabay khilaaf ka.

Waxa jira kulmiye inuu wax badan, cid dulmiyay, waxa jiray in xumaan badan hore u xalaashaday. Hadaynu soo qaadano Doorashdii u dambaysay, waynu ka dharag san nahay, sida wax u dhaceen, waana maalin tuu bilaam bay dulmiga, iyo tacadigu. Waa maalin tii sharciga meel lays ka saaray.
Malin taasi, waxay horseeday in lagu kala awood waynaado, dalkeenu dhex diisa, in shacriga kol ba sida a doono loo rogto, waynu ka wada dharagsan nahay wixii dhacay.Waana tany maan at arkayno natiijadii ka soo baxday muumuu horseeday Kulmiye

Burbur ka Kulmiye, ma horseedi kara Burburka Somaliland.( ilaahay inaguma keenee)

Dawlada maan ta jog taa, waa dawlad ka dhalatay kulmiye, waaxaana la filayay inay isku mid yihiin Kulmiye iyo Dawladu. Nasiib darro, kulmiye, wuxuu ahaa, meel dhuxul qarsooni dhex fadhido, wuxuu ahaa meel baadil lagu heshiiyay, wuxuu ahaa, meel ay ku kulmeen , niman hore usoo colaabay, xanaf badanina dhex taalo. Taasi waxay sabab tay, in Nin waliba oo reer Kulmiye ahiba, leeyahay xuduud aan laga gudbin Karin, uuna qarsoon tahay arimo kale. Nin waliba wuxuu samays tay, maalin iyo hadaf isaga u gaara.

Burburka kulmiye , oo imika u eeg, midaan lahayn xal,loona samayn karain isu tanaasul, imika maraysa in lays xiniin yo tab to,ayaa waxa u hoos galay, Qabayaalad ku Milan tay dhiigooda, taasina waa tii sida cad loogu qaybshay shirkii dhawyd. Intaasi markay dhacday, waxa so dhawaaday in laysu badheedho.
Nin waliba wuxuu samays tay xulafo, isaga u gaar ah, kuna midaysa yiin dan u gaar ah.
Waxa intaa dheer, niman ka waziirada ah, oo mid waliba isna leeyahay. Dan u gaar ah, dhamaan tooda goaan koodu yahay, in lays daad raaciyo, been na lagu wada noolaado, si ay u helaan cimri dherer.


Waxa si wayn u muuqata, inaanu goaan ku gaar u ahayun, cidaynu moodaynay. Waxa soo baxaya , inay jiraan wax inag qarsoon , hore na loogu heshiiyay, maan tana laysku haysto meel marin teedii.

Dawladu maxay ku xisaab tamaysaa.

dawlad waxay is leedhay, waxaad haysa taa awood military, Amni, iyo itaal dawladeed, waxase ilawsan tahay, in Askarteenu, walai tahay, qabiil, nin waliba meesha ku joogo, reer hebel.
Ilaahay inaguma keenii, haday dhacdo in lays muquuniyo, waxa dhici doon ta nin askari waliba ku daba fayle reer koodii, arin tuna fara ka baxdo.



Dagaan Somaliland.

Waxaynu la wada soconaa, in dagaan ka Somaliland, yahay, mid u dhigan qabiil nimo, xaafad waliba meel ku suntan tahay, taasina waxay fududayn doon ta, in si dhib yar wax u dhacaan, cidii gaysa tayna, laga daba tagi kari waayo, oo dhibtu gaysto inuu nin waliba reer koodii dabada galiyo.

AJANDAYAASHA QARSOON, IYO SHAKIGA SHACBIGA.

Waxa mudo dheer shacbiga reer Somaliland qabeen, inuu jiro ajan dayaal qarsoon, ajandahaas oo la leeyahay, waxa laynagu dhex tuurayaa Somalia( SOMALIWAYN..
Markaad eegto, odayaashii dalka la keenay. Markaad eegto waa ka socda bariga, markaad eegto, dhibta meelin walb sii badanaysa,markaad eegto sidaynu wax ku qaybsano. Markaad eegto madax deenu siday u qaybsan tahay.Markaad isu wada gayso, arimo badan, iyo waxa maan ta ka jira dhex kulmiye dhexdiisa. Iyo waliba sida tag taagan, ee loo wada hadlayo, waxay muujinayaa, in ajandayaashi qarsoonaa, maan ta la fulinayo. .

MAXAA LAGUDBOON SHCBIGA.

Reer Somaliland, meel ay joogaan ba , maan ta waxa la gudboon, digdoonaan laxaad leh, iyo in indha aad loo kala furo. Waxa maan ta inala gudboon, inaynu xisaab tano, waxa inala gudboon , in cid walba loo sheego, inay u shaqeeyaan dad ka iyo dalka, eenay iyagu dalka iyo dadkaba iska lahayn Waxa inala gudboon, in regan hirdamayoo loo cadeeyo, inaanay iyaga loo shaqayn , ee iyagu dad ka u sheqeeyaan
Waa in loo cadeeyaya, inaany iyagu dalka lahayn, ee dalku iyaga leeyahay. Shacbiaga Somaliland maan at waxa la gudboon, inay hoos u eegaan waxa ka dhex socda dalka. Dawlada iyo madaxduba waa inay ogaadaan, in umadan la,antood aanay wax ba ahayn.Shacbigu waa inuu ogaadaa in laysku keen dul haysto, waxa laysku haystaana tahay wixii aanu ku xiniinyo muldhanay.
Waxa aqoon yahan ka gabanaya, la gudbon, inay maan ta si firfircoon, u hadlaan, dad kana u horkacaan.


Dad ku meel ay joogaan ba waa inay abaabulaan, wada hadal lagu qasbo reer kulmiye, cidii gardaran na , loo sheegaa, inaan xumaan tooda loo dul qaadan karain.Waxa inala gudboon inaan lala kala safan niman ka is haya, mid walbana marin kiisa loo sheegaya.
Reer Somaliland hadaanay, meen ta si wayn uugu gurman, xornimadeenii, waxa muuqata in si dhib yar, loo kala daadiyo( ilaahay inaguma keenii.
Hadal kaygii waxaan kusoo ururinayaa, Doqoni maan dhiman bay ku faan taa, Maan ta waxa la gaadhay, wakhtiguu shacbi waynuhu, hadli lahaa, si badheedh ahna loogu iftiimin lahaa, inaan cidna loogu habran reer nimo, iyo qabyaalad, ee maan ta la daba qabtaa, xornimadeenaa, ka siil lilaya hadaan ta.

Wa bilaahi tawfiiq



Abdulkhaliq Mohamed