Bulshadii
”Islaweyn” burburkii ku dhacay wax miyey ka
barteen ?
Q-2aad

Dalmar: Adeer waxa ay ka yihiin, reer Damaaci
Boqorkii: Waar kuwani uma ega qaar wax damaaciyaya’e adeer maxay
rabaan?
Dalmar: Adeer waa marti, ee
dhaqankii miyaa laga tegey iyo sooryeyntii?
Boqorkii: Mayee lagama tegine, dee dad noocan ah ayaan weligay I soo
martiyin. Caano Geel ma cabbayaan, Hilib Geel,se sow cuni maayaan.?
Dalmar baa la hadlay nimankii Saancaddaalaha ahaa. Waxa uu u sheegay
in ay marti u yihiin boqorka beesha Sogsog. Markii uu intaa u
sheegay ayaa odaygii boqorka ahaa oo dhegaysanayey, balse waxba ka
fahmiwaayey hadalkoodii yidhi: “Waar bal ammuurtan iyo lama aragtan
eega!!! Waaryaahe waa ninka, maxay ku hadlayaan nimankani, ma
af-shinbireedbaa, aja ajajayayaya, ajaya, buja buja buuja. Ma
waxaasaa hadal ah? Dalmar baa u sheegay in ay bulsho waliba ay
leedahay af u goonni ah. Boqorkii intaa kumuu qancin ee wuxuu yidhi:
“ Waxa aan maqli jiray dad ka qaarbaa Waraabaha af yaqaana, oo waxa
la yidhaa Waraabo-lahadal. Berigaan yaraana waxa aan maqli jiray
Af-shinbireed. Weligayse dad jaadkan ah oo sidan u eg, oo sayntii
libaaxa leh oo saantoodu caddahay ma aan arag. Adduunyada nin
nooloow maxaa aragti kuu laaban.”
Waxyar ka dib ayaa mid ka mid ah nimankii martida ahaa ku yidhi
boqorkii “Asalaamu Calaykum….Boqorkii inta uu hareeraha eegay buu
yidhi: “ Waar sow-kuwan afka caadiga ahna ku hadlaya”. Wax yar
dabdeed, martidii iyo ninkii la socdayba waxa ay fadhiisteen geed
weyn oo hadh-wanaagsan hoostiisa. Boqorkii iyo laba wiil oo uu
dhalay na waxa ay u soo qaadeen hilib iyo caano-geel. Wuxuuna
weydiiyey dhinaca ay u socdaan. Waxa ay u sheegeen in ay u socdaan
ilaa dhanka galbeed. Dabadeed boqorkii waxa uu u sharxay dalka reer
Islaweyn. Waxa uu yidhi:
“ Dhankaa bariga waxa naga xiga Carro Qansax, oo waxa boqor u ah nin
la yidhaa Boqor-libaax, dhankaa galbeedna waxa naga xiga Carro
Qudhac oo waxa boqor u ah Boqor-waraabe, dhankaa koonfureedna
boqor-Shabeel.” Halkaa marka uu marinayo ayuu mid ka mid ah martidii
weydiiyey oo adigana magacaa, ma maroodibaa lagu yidhaa? Boqorkii
inta uu qoslay buu yidhi: “ Bal eeg waa kaa I gartaye, kuwii saanta
caddaana waakuwaa igartay, mayee waxa la I yidhaa Boqor-gacanmaroodi.”
Martidu waxa ay la yaabannayd magacyada bahallada ee dadkani la
baxeen. Malaa sida bahallada ayaabay u tallamaan. Boqorkii waxa uu
intaa ugu sii daray, in ay dhib badanyihiin reer Qudhac iyo Qansaxba,
oo marka ay dhexmarayaan ay ka digtoonaadaan, budhcaddooda. Waxa uu
u sheegay iyagu reer Sogsog in aanay dhib badnayn, balse ciddii soo
weerarta in aanay gacmaha ka laabanayn, oo ay gadhka ciidda u
darayaan. Laba maalmood dabadeed ayey Martidii u dhaaftay dhankaa
iyo Galbeed. Beel kasta oo ka tirsan bulshada “Islaweyn” waxa ay
martida u sheegayeen wax isku mid ah. Waxa ay u sheegayeen, in ay
iyagu ugu wanaagsanyihiin, beelaha kalena aanay wanaagsanayn. Halkaa
waxa uga soo baxday martidii in dalkani dayacan yahay oo aanay jirin
talo-wadaag, iskaashi, waxwada-qabsi iwm. Waxa ay ogaadeen martidii
in si yar oo fudud la isugu dhiibi karo mindiyaha iyo warmaha. Waxa
ay ogaadeen in garaadkoodu gaaban yahay oo waxa keliya ee ay gartaan
ay tahay cadaawadda walaalahooda ag yaalla.
Martidii, ama aan ugu yeedhno Saancaddaalihii, waxa ay gaadheen
bulshadii “Dangarad”. Bulshadani waa ay ka geddisantahay tii hore.
Waxa ay leeyhiin dhaqan ka duwan kii Islaweyn, diin ka geddisan tii
Islaweyn, af ka jaad ah tii Islaweyn. Waxa ay dareemeen kala danbayn,
iyo arrin kale oo ay aad ula yaabeen. Waxa ay aad ula yaabeen
bulshada Dangarad way kala danbeeyaan iyaga oo aan isku af ahayn.
Waxa ay leeyihiin boqor la yidhaahdo “Boqorka Boqorrada” kaasaa
dalkooda ka taliya. Waxa ay dareemeen in boqorkaasi uu damacsanyahay
sidii uu u qabsan lahaa dalkii dayacnaa ee reer Islaweyn.
Arrimahaasi waxa ay Saanacaddaalihii u fududeeyeen sidii ay u soo
guda-geli lahaayeen dalka reer Islaweyn.
Sidii bay ku soo galeen dalkii dayacnaa ee ay berigii hore ka biqi
jireen. Waxa ay ku heeseen: “La ogaa oo Gorayo haad noqonweyday”
iyagoo uga jeeda Bulshada Islaweyn oo loo yaqaanay bulsho isku af
ah, iksu diin ah, isku dhaqan ah, oo aan loo dhowaan Karin, ayaa
noqotay bulsho aad u dayacan oo qof kastaaba uu necebyahay
inaadeerkii. Markii dhulkii reer Islaweyn sidaa yar lagu soo galay
ayaa, weliba la kala calaamadsaday oo 999 (Sagaalkii boqol iyo
sagaal iyo sagaashankii) boqor ayaa 200 oo boqor ba waxa loo ooday
meel goonni ah. Muddo markii ay sidaa ku jireen ayaa garaadkii ku
soo degey reer Islaweyn.
Hayaay ka soo kacaay, hayaay, Kufrigii korodhyoo Kiiniyuu gubayee ka
soo kacaay. Reer Islaweyn meel kasta oo ay joogtaba waxa ay
isgaadhsiisay in ay dalkooda mideeyaan oo boqor keliya u samaystaan.
“Faan weynaa” Taasi waxa ay ahayd caadifad iyo laabkac ay caan ku
ahaayeen. Waayo dhanka kale waxa ay ka wadeen nacaybkii ay ku beeri
jireen ubadkooda. Waxa ay ku bedeleen nacaybkii hore. “Haddii aynu
nahay reer Qansax , innagaa ugu aqoon badan, waayo Saancaddaalaha
ayaa inna sheegay. Maya annaga ayuu Saancaddaaluhu na sheegay, oo
waa kii yidhi: “Reer Sogsog wallee maskaxda ku jirta oo kale…”
Maskax-guurka noocaas ah ayay ubadkooda ka buuxin jireen dhanka
kale, ha la dagaalamo, ha la eryo, ha la midoobo ayaa socotay
“Islaweyneey, toosoo, toosoo iksu tiirsada’ee, hadba kiina……) ayey
qaadi jireen. Maxaase ka danbeeyey?
Tan iyo manta Bulshadii Islaweyn adduunka iyadaa ugu danbaysa. Tan
iyo maanta ayey ubadkooda u sheegaan wax aan jirin, Tan iyo maanta
ayey ubadkooda ka buuxiyaan nacayb. Bulshadii Dangarad, tan iyo
maanta way kal danbeeyaan, tan iyo maanta ayey damacsanyihiin in ay
la wareegaan dhulka Islaweyn ee dayacan. Tan iyo maanta ayey
saancaddaalihii wada socdaan.
Waxa ay sheekadii ku soo gebagabawday SHAX ay wada ciyaareen Reer
Dangarad iyo reer Islaweyn.
Islaweyn: Ummad yahay dib uma guuri karo gooshkan maanta ahe.
Hadraawi baan degey, Waa godkii Faarax Oomaar iyo Ina Suldaan ka
ciyaari jireen. Dangarad: Wax la waayey Weydow ninkii waalan baw
duda. Allaylehe cidlaad degtey.
Islaweyn: Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene. Qaasin baan
degey. Waa godkii Xasan Guuleed. Dangarad: Suldaan, Boqor, Ugaas,
Islaan, Garaad, Beeldaajiye, Caaqil, iyo Siyaasiyiintiinoo dhan baan
degey.
Islaweyn: Ururka Xuquuqda Insaanka, Ururka deeqaha bixiya iyo Ururo
kaloo badan baan degey. Dangarad: Dawladnimadiina baan degey,
alla,,maya,,ha iga degdegin qolona Ictiraafkii baan degey. Islaweyn:
Inaar godkaa ii celi, wax alla waxaad doonayso qaado, godkaasuun ii
celi. Dangarad: Oo markii dhoweyd sowdigii lahaa dib uma guuri karo,
sowdigan afaratanka sanno dib u guuray iyo weliba dhiidhii.
Islaweyn: Guul oomman baan degey iyo gorofkii caydheed, gudo iyo
dibadba waa layga joogaa. Dangarad: Guul cokan, oon baahi qabin oo
gaawaheedu buuxaan degey. Islaweyn: Afti in la qaado oo la is
abaabulaan degey.
Dangarad: Rasaastoo onkoddiyo
kala aarsi baan degey. Islaweyn: Baxsanoow Rasuulkiyo bisinkiyo
quraankiyo Boqorkaan ka hoos galay. Dangarad: Dhulka iyo Cirkaba
anaa degey. Islaweyn: Oo maxaaba ii hadhay, Cirkii iyo dhulkiiba
sawkan degey, baddiina niman qawlaysato ah ayaa joogee...yeelkeede
afka ka geli, Budhcad bedela baan degey. Dangarad: Isbanbaanin
weydoo bunduqa la oroddee Belo laga ducaystiyo Baankimuun anaa
degey. Islaweyn: Ergo suubban, Gurmad awliyaad, Culimada ducaysee,
digriguun ku ekaydiyo, alla ka cabsibaan degey.
Dangarad: Dadku hayna maqlee,
BBCda iyo dunidaba anaa degey. Islaweyn: Fooxlaha Islaamaha,
faraqooda baadhee, fasaqaaya diintiyo, faaliye ma geyo, seef la
boodna dan maaha, dalbajuuqaduna wax la dedo ka xeel dheer, nimaan
dacal u baaqaynoo, aan mid kale docadocayneyn, midna daaya, lahayn,
xaqa uun ku daakira, Gaarriye anaa degey, Lixdaa dusha ah celi ”God
danbeedna” wuu hadhay.
Bulshadii Islaweyn, waxa ay isla horfadhiyaan jid aan jare lahayn,
midkoodna Irmaan ma helin.......... Ictiraaf, maya dawladnimo reer
Islaweyn leedahay, ma sidaasaa dusha looga haysan weligood. Ilaahay
baa weyn. Alahayoow na garansii tubta toosan, aamiin. Bulshadii
Islaweyn burburkii ku dhacay, wax miyey ka barteen?
FG: Qofba dhanka uu ka iska-taago ayuunbay ugu furfurmaysaa
sheekadu.
Qore: Sayid Maxamed Yuusuf
Sweden
Gacanlibaax2001@yahoo.se
|