Bulshadii
”Islaweyn” burburkii ku dhacay, wax miyey ka
barteen? Q-1aad

Beribaa waxa jirey laba Beelood oo is barbar yaalley. Degmada ayaa u
kala rognayd, balse isku dhaqan iyo diin ma ay ahayn. Kala af ayay
ahaayeen. Labada Bulsho mid waxa la odhan jiray “Islaweyn” ta kalena
waxa la odhan jiray “Dangarad”. Islaweyn waxa ay aad u dhaqan jireen
Geela oo ay ku faani jireen. Sidaa darteed dadka qaar ayaaba u
yaqaannay Bulshadii faanka badnayd ama Faanbadan. Bulshada Islaweyn,
dhulkoodu waxa uu u badnaa dhagax, geed qodax leh iyo bannaan ama
bann. Biyaha iyo dhulka cagaarani wuu ku yaraa, sidaasay iyagu
raalli ku ahaayeen. Inkastoo dhulkaasi u baahnaa in laga shaqeeyo oo
xoog iyo caqliba la adeegsado, nasiibdarro, reer Islaweyn waabay ku
faani jireen, gaajada iyo harraadka. Waxa ay odhan jireen Geelyagu
Soddon buu qadaa. Taasoo macnaheedu tahay in Geela ay dhaqdaan aanuu
30 maalmood biyo afka saarin. Waayo dee meel biyo uu ka cabbo
ayaabaan u dhoweyn oo dhawr maalmood ayaa loo socdaa.
Reer Dangarad iyaga deegaankoodu waxa uu u badnaa buuralay cagaaran
oo biya leh. Dhibaatada inta badan haysatay waxa ay ahayd dadkooda
oo aan isku af ahayn, balse uu u taliyo boqor keliya. Beesha la
yidhaa Dangarad waxa ay lahayd afar boqor iyo boqor guud oo ay u
yaqaaneen “Boqorka Boqorrada”. Way kala danbeyn jireen oo madax iyo
Minjo ayey kala lahaayeen. Boqorka boqorrada ayaa laga amar qaadan
jiray.
Beesha Islaweyn, waxa ay lahayd, 999 (Sagaal boqol iyo sagaal iyo
sagaashan) boqor. Mid kastaaba waxa uu ka talin jiray ceel.
Deegaanka uu ka taliyo kama badnayn 30 KM (Soddon Kiiloo Mitir).
Boqor kastaa waxa uu la col ahaa Boqorka kale iyo beeshiisa. Beeshii
weynayd ee Islaweyn waxa ay u qaybsantay 999 oo beelood. Beel
kastaaba waxa ay barbarka ku haysaa laba ama saddex beelood oo ay
adduunka ugu necebtahay. Beesha Islaweyn waa isku diin, dhaqan, af
iyo xidid. Waa dad la odhan karo waa Iksu mid. Laakiin ismay bixin
jirin, colaad aan la macnayn karin ayaa ka dhaxaysay. Dagaalku
joogta ayuu ahaa, faanka iyo gabayadu waxa ay ahaayeen waxyaabaha la
isku qiimeeyo. Beeshu aad ayay u dhaqan fiicnayd, waayo waxa la isku
qiimayn jiray, afmiinshaarnimada, dagaalka, gaajada, harraadka iwm.
Sagaalka boqol iyo dheeraadka Boqor waxa ay raalli ku ahaayeen
qaabkii ay u noolaayeen. Haddii uu qof ka mid ahi la yimaado hab ka
duwan hababkii ay u noolaayeen, dhammaantood waa ay ka soo
horjeedsan jireen.
Marka boqorku u qudbadaynayo beeshiisa deggen ceelka uu ka taliyo ee
aan dhammayn 30KM waxa uu u sheegaa guulaha beesha. Waxa uu u
sheegaa, sida ay u necebyihiin beesha reer Qansax ee dhinacooda
taalla, waxa uu u sheegaa weligoodba in ay ka adkaan jireen, waxa uu
u sheegaa, in aanay iyagu xaasidnimada aqoon, balse ree qansax iyo
qudhacba ay xaasidiin yihiin. Waxa uu xasuusiyaa sida ay uga
go’antahay in ay isaga celiyaan beelaha hareerahooda ah. Boqorkaasi
ma yaqaano, cadaw intaa ka fog. Maba uu maqal Bulshada la yidhaahdo
“Dangarad” ee aadka u neceb dhammaan reer Islaweyn. Waxa uu yaqaan
intii aabihii u sheegay iyo awoowgii oo uga sheekeeyey in ay markii
hore isku beel ahaayeen reer qudhac. Markii la batay ayey kala
yeesheen laba boqor oo midba ceel ka taliyo. Inanka labaatan jirka
ah waxa ka buuxsama nacayb, uu u qabo beeshaa kale ee u muuqata.
Waxa uu qaybaa Gabaydii beeshoodu ay u tirisay beeshaa kale, si uu
kaftanka uga helo dhallinta ay kulmaan ee ka soo jeedda beeshaa
kale.
Bulshada Islaweyn, kama fikirto wax horumar ah, xataa waxyaabihii ay
awoowayaashood u bilaabeen ee u baahnaa in la horemariyo, halkii
kama ay qaadin. Iyaga oo sidaa u nool ayaa
maalin maalmaha ka mid ah waxa u yimi 15 (Shan iyo toban) Nin oo
midab kale leh, waxa la socda nin reer Islaweyn ah oo afkoodii ku
hadlaya. Waxaase yaab ku ridday Boqorkii beesha reer Sogsog dadkan
midabka kale leh. Waxa dhexmartay sheekadan:
Boqorkii: Waar yaa waa ninka, maxay ahaayeen dadkani?
Dalmar: Dee waa niman idin soo martiyey
Boqrkii: Waan gartay, laakiin maxaa ku dhacay? Miyey bukaan?
Dalmar: Maya ma bukaan oo waraabe ka caafimaad weyn.
Boqorkii: Waar ha noo qarin raggan uu Barasku ku dhacay. Miyaanaad
ogayn in cudurka Baraska qofka uu ku dhacaa ay tahay ”Cadho Alle”.
Dalmar: Adeer, nimankan midabkooda ayaa sidan ah, ee ma bukaan.
Boqorkii: Waaryaahe waa ninka adigu yaad tahay?
Dalmar: Dee miyaanaad afkayga iyo midabkaygaba garanayn.?
Boqorkii: Waar maxaad uga meermeeraysaa ma reer Qansax baad tahay?
Dalmar: Adeer miyeynaan isku dad ahayn oo reer Islaweyn miyaanaynu
wada ahayn?
Boqorkii: Waar reer Islaweyn maxaa ka dhexeeya? Adeer waxba kama
dhexeeyaan.
Boqorkii: Adigu Qansax iyo Qudhac kaad doonto ahaw, ee bal nimankani
waa qoloma?
Dalmar: Waxa la yidhaahdaa reer Mara-boob!
Boqorkii: Reer Mara-boob, yaa waar yaanay maryaha naga furane, oo
yay ka yihiin?
La soco qaybta labaad
Qore: Sayid Maxamed Yuusuf
Gacanlibaax2001@yahoo.se
|