Bulshada Caalamka oo Xog-Waraysi Siyaasadeed la Yeelatay Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga KULMIYE Dr Maxamed Cabdillahi cumar

 


“Siyaasadda dibadda ee KULMIYE waxaa hagaya aragtiyo ku salaysan nabadayn, iskaashi, jaar  wa naag iyo aayo-katalin” Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE."
Dr. Maxamed C/laahi Cumar


London, 20 May 2010 (TNN)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed  Cabd illahi Cumar, ayaa Arbacadii dawladda Ingiriiska iyo wadama kale oo ka tirsan Qaaradda Yurub, Am erika iyo Afrika ay kula yeesheen magaalada London xog-waraysi gaar ah oo la xidhiidha sida uu  x isbiga KULMIYE u hogaamin doono Somaliland iyo siyaaadooda arrimaha dibadda ee ku wajahan  xa aladaha Geeska Afrika iyo macaamilka dunida, haddii ay ku guulaystaan tartanka doorashada  Som aliland 26 bisha June ee sanadkan.

Munaasabadan xog-waraysiga waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha  Arri maha Dibadda iyo Horumarinta Caalamka ee dawladda Ingiriiska, mudanayaal ka tirsan  Barlamaan ka Ingiriiska , diblomaasiyiinta safaaradaha Maraykanka, Spain, Itoobiya iyo Koonfurta Afrika ee  f adhigodu yahay magaalada London, qaar ka mid ah shirkadaha maalgaliya soo saarka shidaalka  du nida seddexaad, sharciyaqaano caalami ah oo u dooda dawladaha soo koraya iyo kuwa doonaya  i nay helaan aqoonsi siyaaadeed, iyo madaxda guddiga goobjoogayaasha caalamiga ah ee ka  qayb galaya doorashooyinka madaxtooyada Soomaliland ee soo socota.


Hadal dheer oo uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ka jeediyay munaasabadaasi wuxuu kaga hadlay siyaasadda arrimaha dibadda ee KULMIYE ku dhaqmi doono haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada. Arrimaha uu Xoghayuhu faahfaahiyay waxa ka mid ahaa qodobo la  xi dhiidha xaaladda ammaan iyo halisaha ku hareeraysan Somaliland iyo qorshaha siyaasadeed ee  xi sbiga KULMIYE ku furdaamin karo khatarahaasi. Waxaa kale oo uu ka hadlay dariiqyada  siyaasade ed ee ay u mari doonaan ictiraaf raadinta Somaliland iyo horumarinta xidhiihdka wadamada jaarka.

Wuxuu Xoghayuhu shirka ku soo bandhigay qorshe jaan go’an oo xukuumadoodu doonayso inay ku abuurto fursado shaqo iyo rajooyin mustaqbal u sameeya dhallinyarada Somaliland ee ay soo food saartay khataro uga imanaya saffarada badaha, afkaaraha xag-jirka ah iyo hoos u dhac  aqoonee d. Qorshahan oo ay soo dhaweeeysay dawladda Ingiriiska,shegtayna in haddii doorashada  Somalil and ay u dhacdo si xor ah oo xalaal ay ku tala jiraan inay kordhiyaan taageerada dhaqaale ee la  si iyo Somaliland si qorshayaashan oo kale u meel maraan.

Waxa kale oo uu Xoghayuhu shirka kaga hadlay qorshaha ay ugu talagaleen shirkadaha shisheeye ee doonaya inay maalgashi ku sameeyaan khayraadka Somaliland. Waxaanu sheegaya in  xukuuma dda KULMIYE ay aad u soo dhawaynayso maalgashiga shirkada caalamka iyadoo loo marayo sifo  s harciga waafaqsan iyo daahfurnaan.

Isagoo ka faalloonaya siyaasadda KULMIYE ee khaarijiyada wuxuu Xoghayuhu yidhi “ siyaasadda dibadda ee KULMIYE waxaa hagaya aragtiyo ku salaysan nabadayn, iskaashi, jaarwanaag iyo aayo katalin”. Wuxuuna cadddeeyey in siyaasaddoodu ay la jaanqaadayso isbeddelada siyaasiga ee ka dhacaya dunida si loo sugo danada Somaliland, loogana gudbo siyaasadda ragaadisay horumarka dalka ee xukuumadda Daahir Rayaale. “ Waxaanu keenaynaa isbedello dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho oo horumar dhaliya, iyo hoggaamin lagu gaadhi karo isbeddeladaasi” ayuu yidhi Xoghayuhu.

Intaasi ka dib waxay Dr. Maxamed Cabdillahi goobtaasi ku waydiiyeen diblomaasiyiinta shisheeye  i yo masuuliyiinta ka soo qabygashay kulanka su’aalo. Waxay su’aaluhu u badnaayeen xagga  siyaa sadda xisbiga KULMIYE ee dibadda iyo aragtidooda ku jahaysan arrimaha manadqadda Geeska  Afr ika ka taagan, iyo qaar ku saabsan ka hortagidda dhibaatooyinka kooxaha xagjirka ah iyo budhcad badeedda ku hayaan mandaqadda yo arrimo la xidhiidha iskaashiga horumarineed iyo ganacsi ee ay qorshaynayaan inay la yeeshaan caalamka intiisa kale.

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay inay Somaliland ogaal doonto in xabsiyada dalkeeda la keeno dad laga soo qabto badaha ka fag Somaliland iyagoo ku jiraa fal-denbiyeedyo budhacad badeednima ah, wuxuu yidhi “ masuuliyadayada koowaad ee na saarani waa ilaalinta  nabad  galay ada dadka, dhulka iyo badaha Somaliland, islamarkaana waxaanu kale shaqaynaynaa bulshada  caa lamka iyo wadamada mandqada ilaalinta nabadgalayada gobolka, laakiin wixii halis iyo  bartilmaame ed ka dhiga kara Somaliland iyo dadkeeda ee aanaan xamili karin waxaa loo baahan yahay in laga fiirsado”

Kulankan bulshada caalamku ku martiqaaday Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE iyo qorshayaasha hawleed ee ay gorfeeyeen waxay muujinaysaa sida bulshada caalamku uga  diyaar garoowday isbedel siyaasdeed oo dalka ka dhaca, iyo kalsoonida ay ku qabaan inay wadashaqyn fiican la yeelan karaan xisbiga KULMIYE. Waxaa kaloo muuqata masuuliyadda qaran ee madaxda  xi s biga KULMIYE ka qaadanayaan horumarinta danaha qaranka, halka ay xukuumaddu hadda u  muu qato koox mucaarad ku ah bulshada caalamka, xisbiyada qaranka, guddiga doorashooyinka iyo  sh acabka Somaliland oo dhammaantood doonaya inay dalka ka dhacdo doorasho madaxtooyo 26 ju ne si nabadgalyo ahna uga dhacdo.