Boqortooyadii Taariikhiga ahayd ee Galediga
by:Hamud Duale

 


 

Intaanan faalo, falaqayn iyo fiiro gaar ah oo buugan ku saabsan gudda galin, Waxaan marka hore ku bilaabayaa faqrad ka mid ah faqradaha buugani ka  ko oban yahay oo aan ka soo minguurinayaa. Buugani wuxuu ka sheekaynaya Taariikhdii boqortooyadii Galidiga ee Xarunteedu ahayd Afgooye.

Xilligii Suldaan Yusuf iyo gubidii Bardheere

Sanadkii 1840aadkii waxaa magaalada Baardheere ka soo shaac baxay  culu mo si aad ah ugu xeeldheerayd diinta Islaamka, kana soo horjeedey dadka ku dhaqma falaka xunxun. Waxay ahaayeen culumo isbiirsatay oo ka kala yimi bulshadii deegaankaas, horseedna waxaa u ahaa nin la odhan jirey Sheekh Ibrahim Xasan Jibirow oo reer Daafeed ahaa. Sannadku markuu ahaa 1819 Sheekhaasi wuxuu Baardheere ka dhisay Jameeco la magic baxday  Jameeca dii Baardheere. Dhowr sanno kadib waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay kaga soo horjeedaan Salaad La’aanta, ciyaaraha iyo heesaha iwm.

Waxay  ujeedadoodu ahayd in la qabsado xariga Ilaahay laguna dhaqmo  shur uucduu innoo soo dejiyey. Boqortooyadii Galediga ahayd waxay u arkaysey in ay Baardheere tahay magaalo ku can baxday fidinta diinta oo ay ka aflaxeen culumo aad u tiro badan iyo mashaa’iikh waaweyn oo weliba mahad loogu  ha yo gaarsiinta diinta Islaamka gobolo badan.

Wadaadii Baardheere iyada oo yoolkoodu ahaa in ay joojiyaan falaad xumadii ka taagneyd geyigooda, si isdabajoog ah ayay ugu yaaciyeen wadaado  huba ysan Gedo, Bay, Bakool iyo Dhoobey. Dadka wadaadada ahaa waxay  xirnaa yeen dhar caan ah oo ay dadka kale iskaga sooci jireen. Waxay xidhan jireen baa la yidhi khamiis wada cad oo dheer. Qaar kalana waxay leeyihiin waxay xidhan jireen shaar gacmo dheera ah oo wada cad, inkasta oo loo sheego siyaabo kala waxaa dhammaantood loo yiqiin “imbeeray’ amma ‘Canbuurey’.

Sida la weriyey si aad ah ayay u leeyeen dadkii dhulkaa deganaa. Qaylo  dhaa n iyo ergooyin ayaa loo soo diray Suldan Yusuf Maxamud. Wuxuu u sheegay in ay khalad tahay dad islaamnimo sheeganayaa oo haddana dad muslin ah baabiinaya. Wuxuu isku dayey in uu u kuurgalo oo ogaado sababta arrintan ka danbaysa.

Iyada oo xaaladu halkaa maraysa ayaa suldaanka loo soo weriyey hadal been ah kaas oo la leeyahay waxaa la dhacay lana baabiiyey dadkii Tunida iyo  Jiida d laha ahaa. Run ahaantii waxaa jirey dagaalo dhexmaray qabaa’ilkaa iyo  Ca mbuureyda, laakiin ma jirin dhac iyo boob lagu sameeyey dadkaa.

Qolooyinkii warxumo tashiilka ahaa waxay uga dan lahaayeen in ay iska  hork eenan wadaada Cambuureyda ah iyo suldaanka oo muddo ka leexleexanayey in ay iska horyimaadaan culimo diini ah.. Dadkii qorshayaashaa wadey waxay ugu danbayntii ku guuleysteen in ay dagaal ka dhex qarxiyaan labadoodii, hal kaana waxaa ka bilaabmay dagaalkii la magac baxay ‘Dagaalkii amma Jihaadkii Baardheere”.

Sannadkii 1848dii wuxuu Suldaan Yusuf urursaday ciidan aad u laxaad weyn oo ka kooban dadkii deganaa Bay, Bakool, Gedo iyo Dhoobeyda.

Ciidankiaas oo uu horsed u ahaa suldaanka Galidigu waxay u kicitimeen  maga alada Baardheere, wuxuuna weerar ku qaaday Cambuureydii, halkaas oo  lab ada dhanba lagu hoobtay. Inkasta oo ay ugu danbayntii ku guuleysteen  boq orka iyo ciidankiisu in ay jebiyaan cambuureydii, islamarkaana gubaan  magaa ladii Baardheere, haddana muddo labaatan sano ah lama degin Baardheere.

Halkaa waxay Boqortooyadii Galedigu ku yeelatay magac iyo sumcad, dadkii dhulkaa deganaa. Waxay deganayaashii dhulkaasi u aqoonsadeen in ay tahay awooda keliya ee ka jirta carigaas, sidaas ayaanay xukunkii boqortooyada raali uga ahaayeen intii muddo ah.

Haddaan halkaa ku dhaafao faqradiii buuga aan ka soo minguuriyey, waxaan u dulmar guud ku samayn doonaa buugan soo yaal taariikhda ah ee ka  wara maya Boqortooyadii Galedigu, Buugan waxaa qortay Sahra Maxamed Cali, taf atirka iyo afcelintana waxaa samaysay Virginia Luling.



Haddii aad danaynso amma xiiso u qabto waxaad kala xidhiidhi kartaa Virginia Luling oo cinwaankeedu yahay: virginialuling@yahoo.co.uk