Boqorkii codka mujaahid Maxamed Mmooge Liibaan alla ha u naxariistee waxa uu ahaa nin taariikhdu qortay

 

wuxuu ahaa ahaa ragii usoo kifaaxay gobonimada somaliland halgan dheerna us oo maray madaxbanaanida dalkiisa hooyo
maxamed mooge wuxuu ku dhashay magaalada hargaysa kuna kacaamay yaraantyiisii halkaa uu waxbarashadiisii ka bilaabay

mujaahid maxamed mooge baban wuxuu ahaa shaksi aan la ilaabi karin halyay ku dheer umadiisa geesi u huray naftiisa dadkiisa iyo dalkiisaba shacbiga somaliland ayaa qadarin wayn iyo kalgacayl u hibeeyay mujaahidka

waxaad arkaysaa meelo badan oo mujaahidka loogu magac daray sida degmada maxamed mooge oo ka tirsan gobolka marodi jeex oo shalay loo wanqalay loona qabtay munaasabad aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada
waxaa jira machadyo iyo goobo waxbarasho oo sita magaca mujaahid maxamed mooge . waxaa kaloo arkaysaa dhulka cayaaraha iyo garoomada oo sita magaca mujaahidka sidoo kalana waxaa lagu dhigtaa taariikhda mujaahidka dhamaan goobaha waxbarashada si ardaydu wax uga ogaato taariikhda dahabka ah ee mujaahidka

carwada ku taala magaalada hargaysa ayaa ah meelaha lagu soo bandhigo dhaxalkii uu mujaahidku uga tagay umadiisa
sida kabankiisii uu inbadan ku guubaabin jiray dadkiisa asagoo kaashanaya codkiisii iyo luuqdiisii shacabka ku dheerayd
mujaahid maxamed mooge wuxuu ifka kaga tagay gabadhiisa oo la yidhaa yaasmiin maxamed mooge oo hada ah marwo reer iyo caruurba leh nolol fiicana ku nool dadkuna had iyo jeer jecel yahay inay salaamaan ama wax waydiiyaan


mujaahid maxamed wuxuu la dhashay fanaanka waynee la yidhaa axmed mooge liibaan ilaahay ha u naxariistee

HARGAYSINA XORNIMADEED
CIDNA KUMA HALYSEEN
HEERYADII MA DIIDEEN
DAGAAL MA HUBQAATEEN
WAA HABKAAN U FALAYEE
HAL ADAG MA YEELEEN

heestan oo runtii xasuus wayn ku leh dhamaan bulshada ahaydna heesihii guubaabada ku salaysnaa
runtii waa hees murti wayn ku fadhida waxaana dareemi kara shucuurtii garanaaaya waqtigeedii ama dhuuxi kara abuurka midhaheeda

mujaahid maxamed mooge waxa dhagaysan jiray maalin kastaa ilaa 3milon iyo badh
waxa dawladii siyaad bare ay isku dayday inay joojiso codkiisa qofkii lagu maqlana la xidho dadka qaarna waaba la dili jiray hase yeeshee codkii mujaahidku wuxuu noqday mid aan la joojin karin
mid aan la kantarooli karin cod aan la xayiri karin ka dibna waxa dhacaday in dawladii siyaad bare uu codkii mujaahid maxamed uu ka xoog batay.

HAWRAARTU LABA MALEH
KII HALGAMI LAHAA IYO
KII HUGURIGU LEEXSHIYO
HALYAYGII JIHAADOOW
TAARIIKHDU WAY HADHI
WAANAY KALA HUFMAYSAA
XISBIGAN HEEGAN KA ANA
GUUSHA U HADHAAYA

runbaad sheegta maxamadoow guushii waatay u hadheen shacabkii ee ay duhur cad ka eryeeen askartii shacabka u cago juglayn jiray

waxa aan u waraystay rag badan oo mujaahidina waxaanay ii xaqiijiyeen
runtii markaad maqasho heesaha guubaabada ee muj maxamed mooge waxa kugu dhalanaaya dareen gaara waxaanu aad u laba jibaari jirnay dagaaladii iyo weeraradii aanu ku haynay asakartii siyaad bare
waxaanu ku dadaali jirnay in aanu ka erino askarta dawlada dhulka ay dulmiga ku hayeen shacbiga ee ay hantidoona ka dhici jireen

askartii siyaad bare ayaa ayaga laftoodu xoog uga caban jiray meelaha lagu sheego muj maxamed mooge inuu soo galay
maamulkii siyaad bare ayaa askartiisa kula dardaarmi jiray in aanay ka baqan muj maxamed mooge

mujaahid maxamed wuxuu ahaa nin bulshaawiya oo kaftan badan dadkuna hadalkiisa aad u xiiseeyaan had iyo jeerna waxaa la joogi jiray bulsho badan kuwaas oo murtidiisa ku diirsan jiray
muj maxamed waxaa lagu yaqaaanay nin dabeecad wanaagsan dadkana aanay is ka hor iman
waxa kaloo muj maxamed uu caan ku ahaa nin aad u xarago badan oo diraysqaad wanaagsa

XEEBTAA JABUUTEE
SOOMALI LAGA XADAY
HADII AAN XAGAA TAGAY
MA JEBININ XEERKEE
MAXAA LAYGU SOO XIDHAY

waa 1974 ka dib markii maxamed lagu xidhay jeelka hargaysa asagoo ka soo laabtay jibuuti
ka dibna taliskii siyaad bare ku eedeeyay inuu kacaanka ka soo horjeedo

ma maqashay MAXAMED MOOGE IYO SIYAAD BARE OO ISU HANJABAY

maxamed oo lagu yaqaanay nin geesiya kana yimi magaalda hargaysa oo ah xarunta suugaanta ayaa waqti lagu jiro XALANE sameeyay afaray gabay ah


,,MA OGTAHAY ANFACAAN CUNAA IIDAAN MALAHA
,,MA OGATAHAY WAXAN AMAR KA QAATAA ASKARI DHAGO XIDHAN
,,MA OGTAHAY QOFKAAN EERSADAA ADIGA WEEYAAN


siyaad ayaa maqlay afaraydaa ka dibna wuxuu yimi dugsiga xalane ee tababarka macalimiinta wuxuu siyaad bare soo kaxaystay askar duub cas ah oo aad u badanlakin maxamed mooge iyo asxaabtiisii umay jixinjixin

siyaad bare ayaa soo galay ayadoo afarta dhinac laga galbinaayo oo ciidan hubaysani hareeraha ka socdaan ka dibna wuxuu yidhi waxan rabaa in la sheego ninka afaraydan tiriyay
lama sheegin cidna may hadal [oo yaa u baxaya nin askar dhago xidhan wata]

hadana siyaad ayaa hadlay asagoo xanaaqsan codkana kor u qaadaya


WAXAN RABAA IN LA SHEEGO NINKA SAMEEYAY AFARAYDAN

hal nin ayaa ardaydii ka soo dhex baxay
wuxuu ahaa nin wajigiisa geesinimo ka muuqato wuxuu u soo dhaqaaqay dhinicii siyaad bare
sanqadha socodkiisa ayaa marba marka ka sii danbaysa aad ka dareemaysay inay ahayd mid geesinimo ku jirto
ardaydii ayagoo yaaban ninkan ku socda xagii siyaad bare ayay isha la wada raaceen
wuxuu ahaa nin haybadi ka muuqato
aad u dheer oo cas runtiina ay ka muuqato haybad iyo sharaf nin raga lagu tilmaamo
wuxuu ahaa mujaahidkii maxamed mooge liibaan
KADIBNA wuxuu hor istaagay siyaad bare waxaanu yidhi waar anagaa tirinee maxaad la qaylinaysaa
siyaad oo aan waligii wax ka horyimaada iyo wax u hanjaba midna aan arag ayaa aad iyo aad ay ugu noqotay wuxuu la yaabo

siyaaad ayaa mujaahid maxamed mooge intuu kor u eegay ayuu amar ku siiyay in askartii kaxeeyaan
waxa markaas hadal aad u dheeri uu dhex maray mujaahidka iyo madaxwynihii waqtigaa ka talinaayay somaliya siyaad bare

muj maxamed mooge sida dadku ii sheegeen wuxuu siyaad bare ka codsaday
in aanu afar danbe tirin in uu joojiyo ka soo horjeeka dawlada iyo kacaanka
wuxuu u balan qaaday madaxwaynuhu in uu qarash iyo maal badan siin doono hadii uu joojiyo
ardayda iyo wax garadka uu markaas maxamed mooge wax u sheegayay kuna baraarujinaayay in kacaanka laga soo horjeesto
hase yeeshee sida aan taariikhda ku helay mujaahid maxamed mooge wuu ka diiday madaxwaynaha arimahaas oo dhan waxaanu u sheegay in dadka iyo dalka uu madaxwaynuhu cadaalad ku maamulo kana daayo qabiilka iyo qabyaalada uu ku maamulaayo

walaalkay dhabiiyo dhiigaygiyoow
dhulkii hooyo waa kan
dhalashadiina waa laba
waydin dhaariyee
hays dhalan rogina
heestan ayaa ahayd mar uu muj maxamed mooge fariin gaara usoo diray asxaabtiisii dhinaca fanka ay aad iskugu dheeraayeen meelna kusoo wada kacaameen waxaanay kala ahaayeen
1,cabdale sagsaag , ilaahay ha u naxariistee
2.axmed cali dararamle oo hada jooga cariga ingriska
3.faysal cumar mushteek oo hada jooda hargaysa somaliland

mujaahid maxamed mooge waxa kaloo dhinaca fanka garabyadiisa ahaa

abwaan maxamed ibraahim hadraawi
abwaan cabdi qays
abwaan axmed seelaabaan bide
abwaan cabdi iidle
fanaanda xaliimo khaliif magool alaa yarxamu
ayay maxamed si gaara heeso badan u wada qaadeen
waxaana ka mid ahaa

ma macaantay sheekadu
ma dhadhamisay midhihii
mise waa wax kaa maqan
muxibadiyo reenkuu
maxamed maxamed
magooleey
maashaa ala weeyaan
muska inaan yagleelnaa


mujaahid maxamed heeska uu heesihiisa ugu jeclaa waa kan hoos ku qoran

abidkayba wan jiray jab intuu dhacaayee
wadnahaygu jalawdiyiyo ma yaqaaan juglayntee
jirid aan go,ayniyo xidid jiidataanee
jiilaalku ima kari iyo jidin cadaadkuye
saw jiidh wanaagaa jeenigaa ku sooq aaad

 

 


waxaa soo diyaariyay
saciid cabdi dheen
dheen12@mail.com