Boqorka
Kuwait oo Sheekh ka Binnaynaya Dhisme ay ku kacayso lacag
dhan 3 Milyan oo Dollarka Maray kanka ah
Boqorlka Wadanka Kuwait ayaa
dhisme lagu qiyaasay inuu ku kacayo lacag dhan 3 Milyan oo Dollarka
Maraykanka ka hir-gelinaya Magaalada Sheekh. Dhulka dhismahan laga
binnaynayo ayaa waxa uu magaalada ka xiga dhinaca Bari ee Jidka
Laamiga Burco taga, waxaana cabbir ahaan lagu qiyaasay 5M oo
isku-weer ah.
Dhismeyaasha Fooqaq u badan ayaa hada ka socda, waxaana sida ay noo
sheegeen Injineerada Fulinaya Dhismahani, waxa loogu talo-galay inuu
Boqorku Dalxiis ku yimaado marka uu fasax yahay. Waxaa laga qodayaa
oo hada Socda Riig, waxaana aan indhahayga ku soo aragnay Madaar
loogu-tala-galay inay ka soo degto Diyaaradda Kaaska ah ee
Mulkiilaha Dhismahan waa Boqorka Kuwait'e.
Dhismahan Shirkadda Qandaraastay ee dhisaysa iyo shaqaalaheedu waa
kuwo wadanka u dhashay. Taasoo macno ahaan noqonayso inay lacagtani
faa'iido wayn oo dhinaca dhaqaalaha wadanka, gaar ahaan deegaanka
Sheekh u soo kordhay.
Dhinaca kale, Ardayda wax ka barta Dugsiga ay Hay'adda SOS gacanta
ku hayso iyo Ardayda Jaamacada Xanaanada Xoolaha ee isla Sheekh ayaa
iyaguna Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Falalkii waxshinimada ahaa
ee Argagixisadu Somaliland ku weerartay ku soo maray banana-bax
jidadka magaaladaas.
Iyaga oo ku dhaqaaqayay "dooni mayno Argagixiso, dooni mayno kuwa
lidka ku ah horumarka Somaliland. Dooni mayno in ajaanibka wax na
taraya la dhibaateeyo," iyo weedho kale.
Sidoo kale magaalada sheikh ayaa dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo dhinaca
dhismaha ahi ka socdaan, taasoo si wayn loo hadal-hayo inay
noqonayso magaalo loo soo dalxiis tegi doono mustaqbalka.
Cabdiqani Xuseen Baynax
Sheekh/Somalilandpress
|