Boqor Muxumed Geele, waa nin aan looga baqayn xil ka uu dhawaan qaaday, ee ah boqornimada beesha Habar Awal

 

Boqorku waa nin aqoon yahan ah, oo looga bartay hogaan habsami ah oo waayo arignimo xeel dheer, dadnimo dheeraad ah, kuna darsaday karti.


Taana waxaa u daliil u ah, markii uu boqor Muxumed doortay gudoomiyaha golaha deegaanka Gabiley oo markaa degmo ahayd, ayaa Alle ha u naxariistee abwaan  A adan Cumar Kaahin, oo ahaa gabayaa aad u daneeya danta dadka iyo dalka oo ka gabyey qadiyada Somaliland sideetamaankii dhexdiisii ilaa hadba duruufaha ama  xa aladaha wadanka Somaliland soo wajaha, wuxuu dardaaran u jeediyey Boqor  Muxu med Geele, isaga oo ku dardaaraya in aanu dhayalsan oo uu ka soo baxo xilkaa, wa xaani yidhi.
 


Haddaad doonidii Muxumadow

qabatay deebaanka

haku daayo eebee

hadaad diirada u qaaday

dardartaadu way fiican tahay

daawasha guude

docdaad kaga bilawdaa

shaqada loo durbaan tumaye

*********

Dib haddaanad uga laaban

taa waa hore u duruge

Dalkan lugu abaarsaday

ninkii doog u rara beesha

ee degal barwaaqa ku fura

waajibka u diranye

dadaalkiisu waa xooluhuu

darar ka maalaaye

waa maamul dawgiisu yahay

waa dirkoo kala e

*********

Maaantuu dayaxu taagan yahay

Dirirna muuqdaaye

Dabaylaha onkoday

Baadka garan

daawo iyo khayre

 


Markii uu Boqor Muxumed, xilkiisii kasoo baxay, ayuu Abwaan Aadan oo si habsami ah u eegayey hawsha uu hayo Gudoomiyuhu, waxuu yidhi,

 


Aduunyada dabaylaha socdaa

Doorba waa midabe

Duufaan marbay kugu

Kacshaan kuga dabreeyaane

Marna di’itin roob iyo

Nimcay kugu dabaalaane

Jiilaal duraaqsaday

Gu’bay deris wadaagaane


*********


Waa dunidu meertoo

Wakhtigu waa isdaba yaalle

Intaa falagu waa duurayaa

Laga dab qaataaye

Waxaan uga dan leeyahay

Xilkii duuda Gabilay

Nikii shalayto loo doortay

Alaylehe dadeed waa yihiyo


*********


Duqan u baahnaynne

Waa waayo arag soo

Dubmoon wax u dahsoonayne

Waa niman waraaq lagu

Dagayn dahan sida qaare

Ninse dabaal yaqaannaa

Bad waa dulun dulceeyaaye

Cilmina waa ku daadihin


*********

Karaa diirad iyo shiishe

Hayeeshee dhib lagu

Daalayoo dageb san baa taale

Nin kursiga isdama

Looliyaa hoos u muudeyine

Ka danayso mooyee

Wax qabad looga dacaree

Awal nin daajiya

mahelin diric xalaalee

hadba kii dumaalaa

talada wa uga darayaaye.


wabilaaahi toolfiiq.

 

 

Ruqiya Taani